Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från januari, 2018

Faallo kooban oo ku saabsan Buugga "Dariiqii Loo Maray Dib-u-heshiisiinta iyo Dawladnimada Somaliland". W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Buugga magaciisu kor ku xusanyahay, waxa qoray Jamaal Jaamac Jiir, waa buuggii iigu horreeyey ee aan arko ee soo koobaya shirarkii muhiimka ahaa ee nabadaynta salka ku hayey ee beelaha reer Somaliland ay qabsadeen. Gaar ahaan shirarkii ugu waaweynaa sida kii Berbera, Burco, Boorama iyo Gar-adag. Waxa kaloo uu buuggi soo koobayaa xukuumadihii dalka soo maray, laga soo bilaabo xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo wasiiradii uu magacaabay oo ka koobnaa 17 wasiir.

Tacsi: Innaalilaah Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Dhammaan Xubnaha Ururka Qoreyaasha Somaliland, waxa ay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo Qraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Xaashi Cabdi, oo shalay oo taariikhdu ahayd  18-01/2018 ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxa aanu si gaar ah tacsidaa ugu diraynaa guddoomiyhii hore ee Ururka Qoreyaasha Somaliland oo uu ahaa aabbihii, Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi oo deggen carriga Iswidhan. Ilaahay marxuumka jannadii ha geeyo aamiin, dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtiisiiba samir iyo Iimaan ha ka siiyo aamiin aamiin. Sayid-Axmed Dhegey 19-01/2018 jimce Iswidhan

Taariikhda Raasiga Berbera W/Q, Axmed I Cawaale

Waxa aad qoraalkan gudihiisu ugu tegaysaa qodobbadan:   Isgaadhsiintii ugu horraysay carriga Soomaalida,  Warlaliyihii BBCda, Maqaamkii Sh. Jebarti, iyo  Noobiyaddii Labaad ee Berbera. ------------------------------------------ Raasigu waa dhulyare dhererkiisu yahay 3.2 kiilomitar, oo badda Berbera hore u sii gashan, waxana uu ku caan yahay in uu yahay dugsi iyo gabbaad maraakiibta iyo doonyaha ka caabbiya kacdoonka badda. Ahaanshiiyaha ay magaalada Berbera ahayd, xilliyo aad u durugsan, marsada ugu magaca weyn xeebta dheer ee carriga Soomaaliyeed waxa door muhiim ah ka ciyaaray Raasigeeda dabiiciga ah, mana jiro ku kale oo la mid ah oo ku yaal xeebaha Carriga Soomaaliyeed. Haddii aanu Raasigaasi jiri lahayn, Berberana ma jirteen.  Raasigani waxa uu ka  dhigay  Berbera goobta ugu habboon ee doonyihii iyo maraakiibtii hore ku soo xidhan jireen ama barroosinka dhigan karaan. Ahmiyadda uu Raasigaasi Berbera u lahaa waxa ay ku xusan tahay qoraal soo baxay ammin hadda laga joog

Bile Rafle: Tirtirihii Taariikhdii Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

Bile Rafle Guuleed wuxuu badhasaab ka ahaa gobolladii waqooyi ee Soomaalilaan-ta maanta wakhti ku siman sannadihii 1975 ilaa 1978. Wuxuu ahaa nin watay dhib iyo dheef is-huwan. Hasayeeshee dhibtiisa ayaa badnayd dheeftiisa. Wakhtiyadaasi wuxuu hirgeliyey dhismayaal ay ka mid yihiin, guriga xisbiga, tiyaatarka Hargaysa IWM. Sidoo kale wuxuu banneeyey waddooyin halbowle u ahaa isu socodka xaafadaha Hargaysa. Sababta uu sallaanka siyaasaddii kacaankii Maxamed Siyaad ku fuulay ayaa ahayd inay Maxamed Siyaad dhashay Bile Rafle Guuleed indeertii oo ahayd Shaqlan Warfaa Guuleed. Xeer abtinnimo ayuu Maxamed Siyaad ku siiyey derejada” Sareeye Guuto”.  Wuxuu adeege daacad ah u ahaa abtigii Maxamed Siyaad iyo siyaasaddii daarood derejeyntii kacaankii Afweyne. Si aynu qodobo uga dhigno qormadan, waxa aynu dul-istaagi doonaa dhibtii iyo dagaalkii ku salaysnaa taariikh masaxidii uu kula kacay shacabka Soomaalilaan mudadii uu badhasaabka ka ahaa Soomaalilaan oo ku suntanayd 1975 ilaa 1978.