Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från mars, 2018

Nuxurka Buugga "Sooyaal 2012" ee uu Qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo iyo Dareenka ka Dhashay 2018ka

Hordhac Maalmahan waxa aad loo hadalhayey buugga la magacbaxay SOOYAAL ee uu qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo. Buuggaas oo gacantayda soo galay 2012kii ayaan jeclaystay in aan dareenkayga ka dhiibto, maadaama siyaabo kala duwan loo sharxay, gaar ahaan gabayo ku jira oo aad looga cadhooday. Qalad maaha in wax la diido. Laakiin waxaa muhiim ah in aad buugga aragto, oo akhrido, si aad adigu dareenkaaga u cabbiri karto. Waa laga wanaagsanyahay in haddii war lagu soo gaadhsiiyo aanaad hubsan. Dadkuna isku fikir ma noqon karaan ee qofba si buu wax u arki karaa, waana sababta ay muhiimka u tahay in loo talobadsado, wax kasta oo aad go'aaminayso oo saamayn ku yeelan kara dadka. Marka aad si daacada oo Ilaah kugu ogyahay wax u saxayso ama qalad u tilmaamayso bulshada, waxa habboon in aanaad qalad ku sixin qalad kale.

Gorfayn Buug: The Tree on the Moon {Geedkii Dayaxa} Gorfayntii: Axmed Ibraahin Cawaale

Buuggan, THE TREE ON THE MOON, oo uu qoray Mohamed Urdoh (Maxamed Uurdoox), oo aan dhowaan ku arkay baraha wada-xidhiidhka bulsho, judhiiba aniga oo aan gacanta ku dhigin ayaan hawada ka jeclaaday.     Magaca buuggan, oo lagu xasuusan karo   sheeko xariiradii Soomaaliyeed ee “Geedkii Dayaxa ku Yiil” ama “Geedkii Nolosha” waxa magaciisa iiga dhex muuqday male-awaal sare, falsafad iyo aqoon dhaqameed.    Markii se uu gacantayda soo galay waxa aan ka dhex helay wixii aan rabay iyo in ka badanba.

Sheeko Gaaban: Godobreeb! W/Q, Saddaam Carab... 2014

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan    dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i. Sheedda ayaan ka arkay walaalkay Cirguje, Aabbahay Guutaale iyo Aadangalaan oo aannu Ilmaadeer labaad ahayn. Muuqaalkooda aad baan uga argagaxay. Ragga waxa goortan guriga keenay ayaan ka warwaray. Hammi badan baa igu dhashay. Degdeg ayaan gurigii u soo gaadhay. Balse qoryihii guriga yaallay oo saddex ahaa bay saddexdoodii kala qaateen. Markii ba, iyaga oo aan ila hadal ayey woqooyi qumman foolka saareen. Haddana, qudhoodu ma ay wada hadlayn kolkaas.