Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från september, 2018

XUSUUS KOOBAN: SOOYAALKII WALAASHAY FAHIIMA IHN (28-08-1960 - 20-09-2018)" Umuliso u gargaartay hooyooyin badan"

Fahiima Maxamed Yuusuf (Dhegey) Ilaahay naxariistii janno ha geeyee, waxay ku dhalatay magaalada Sheekh 1960kii, oo ahaa sannadkii xorriyaddii Soomaalida, sidaa awgeed ayaa magaceeda loo raacin jiray Fahiima Istiqlaal. Reer Maxamed Yuusuf, waxa ka weynaa shan waxaana ka yaraa shan, sidaa awgeed bay ahayd qofka isku xidha da'daas oo xidhiidhiye bay u ahayd labada kooxoodba. Waxa aan xasuustaa xilligii ay ku jirtay dugsigii caafimaadka ee Hargeysa, oo ay la kulantay dagaalkii 1977kii ee dhexmaray Itoobiya iyo  Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo dhaawac farabadan la keeni jiray Cusbitaalkii Hargeysa. Waxay nooga warrami jirtay xaaladdii dhaawacaas, dhimashadii tiro beelka ahayd. Xilligaas oo ay da'deedu ahayd 17 jir iyo xaaladdii dhaawaca oo da'deeda marka loo eego ku cuslayd. Waxayse ka korodhsatay waaya-aragnimo ballaadhan.