Fortsätt till huvudinnehåll

XUSUUS KOOBAN: SOOYAALKII WALAASHAY FAHIIMA IHN (28-08-1960 - 20-09-2018)" Umuliso u gargaartay hooyooyin badan"





Fahiima Maxamed Yuusuf (Dhegey) Ilaahay naxariistii janno ha geeyee, waxay ku dhalatay magaalada Sheekh 1960kii, oo ahaa sannadkii xorriyaddii Soomaalida, sidaa awgeed ayaa magaceeda loo raacin jiray Fahiima Istiqlaal. Reer Maxamed Yuusuf, waxa ka weynaa shan waxaana ka yaraa shan, sidaa awgeed bay ahayd qofka isku xidha da'daas oo xidhiidhiye bay u ahayd labada kooxoodba. Waxa aan xasuustaa xilligii ay ku jirtay dugsigii caafimaadka ee Hargeysa, oo ay la kulantay dagaalkii 1977kii ee dhexmaray Itoobiya iyo  Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo dhaawac farabadan la keeni jiray Cusbitaalkii Hargeysa. Waxay nooga warrami jirtay xaaladdii dhaawacaas, dhimashadii tiro beelka ahayd. Xilligaas oo ay da'deedu ahayd 17 jir iyo xaaladdii dhaawaca oo da'deeda marka loo eego ku cuslayd. Waxayse ka korodhsatay waaya-aragnimo ballaadhan. 


Dhinaca bulshada iyo kaalintay ku lahayd, gaar haan ildheerida naxariiseed, way farabadnaayeen, balse aan mid ka xuso. Isla xilligaa ay 17 jirka ahayd ee ay tababarkii caafimaadka kalkaalisinimo ku jirtay, baan wax yar ka taaban doonaa. Maalinta khamiista ayey dugsiga ka bixi jireen, maadaama oo uu boodhin ahaa. Ardaydu waxay ugu farxad badnayd maalintaa khamiista oo ay guryahooda ama ehelkooda la soo qaadan jireen fasaxa, waxayna soo noqon jireen jimcaha gelinka danbe. Fahiimi waxay aragtay inan (gabar) aan iyadu ka bixin dugsiga oo ilaa jimcaha gelinkii danbe weli qolkeedii joogta. Markii ay waraysatay, inantii waxay u sheegtay, inaanay cidba ka garanayn Hargeysa. Inantaa waxa la odhan jiray Xaliimo, waxay ka timi Boosaaso. Fahiimi waxay u sheegtay Eddedeed oo ay fasaxa jimcaha la soo qaadan jirtay, Eddo Ugaaso Yuusuf IHN-tee, waxay ku tidhi, khamiista danbe ha ka iman ee soo kaxee. 

Sidii bay yeeshay, oo ay ku keentay gurigii Eddo, ee ay fasaxa ku soo bixi jirtay. Maalintaa laga bilaabo inantaa Xaliimo waxay ahayd walaal u tirsan reer Maxamed Yuusuf ilaa Muqdisho waxay u tegi jirtay reer Maxamed haddii cidi ka joogto, oo ay salaan iyo xidhiidhinba ugu tegi jirtay. Nasiib darro, war kama maqal intii la kala yaacay. Waxaa iigu wardanbaysay mar ay ka shaqayn jirtay Cusbitaalka Garoowe, in ay mar kale ka Boosaaso ka shaqaynaysayna, waan qiyaasayaa. Xaliimo waxay ahayd walaal ay Fahiimi sabab u ahayd.  

Ilaahay ha u naxariistee, Fahiimi Dugsiga hoose iyo dhexe magaalada Sheekh ayey ku dhammaysatay 1969-1976. Ka dib waxa ay gashay dugsigii tababarka caafimaadka oo ay ku soo qaadatay aqoonta kalkaaliso caafimaad magaalada Hargeysa 1977-1978. Intaa ka dib waxa ay gashay Shaqo Qaran dugsigii tababarka Xalane 1979 magaalada Muqdisho. 

Shaqadii ugu horreysay waxa ay ka bilawday magaalada Boorame isla sannadkaa 1979kii. Waxa ay u soo wareegtay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa (Group Hospital Hargeisa) 1980. Waxbarashadeedii ayey sii wadatay waxaanay qaadatay takhasus Umuliso  (Midwife) magaalada Muqdisho 1981-1982. Sannadkii 1982-1983 waxa ay ka shaqeysay (MCH) Xannaanada hooyooyinka ee magaalada Burco. Halkaa waxa ay uga sii gudubtay magaalada Sheekh oo ay ka hawlgashay Cusbitaalka guud ee magaalada Sheekh 1983-1986. 

Intii ay ka shaqaynaysay Cusbitaalka Sheekh ayaa la xidhay oo sabab la'aan lagu xidhay, waana markii ciidamadii NSStu ay dadka sabab la'aanta ku xidhi jireen. Xilligaa waxa soo galay ciidamadii SNM buuralayda Sheekh 1984kii. Xadhiggaasi keligeed muu ahayn, ee waxa isku mar la xidhay Aabbo IHN, oo fasax ku joogay dalka. Markay taariikhdu ahayd 23/09/1983 ayey qoys wada dhisteen Axmed Xaaji Muuse IHN. Axmed waxa uu ka tirsanaa ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ka gaadhay derejada Kornayl (Gaashaanle Dhexe). Aqalgalkii Fahiima iyo Axmed waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho markay taariikhdu ahayd 29/09/1986.

Markii dagaaladu ka qarxeen Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxa ay qaxootinimo u gashay dalka Jarmalka. Oo ay uga sii gudubtay dalka Holland 1990kii sharci deggenaansho ahna ka heshay. Saygeedii Axmed oo isagu ku hadhay Muqdisho, waa la xidhay muddo yar ka dib waa la sii daayey, wuxuuna u gudbay dhinaca Itoobiya oo uu kaga biiray xooggaggii hubaysnaa ee ciidankii SNM. Maadaama oo ay Fahiimi ka dalbatay dalka Holland in loo keeno odaygeedii, muddo sannado ah ka dib baa loo oggolaaday in uu yimaaddo Holland, halkaasoo ay mar kale qoyskii isugu yimaaddeen. Waxay ubad isu yeesheen afar wiil oo wiil yaraan ku dhintay, gaar haan intii qaxootiga lagu jiray. 

Fahiimi waxa ay go’aansatay in ay dib ugu laabato dalkii hooyo oo markan la magacbaxay Somaliland 2004. Ku soo noqoshadii ay ku laabatay Somaliland waxa ay ka hawlgashay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Waxa ay kaloo shaqo ka bilawday MCH ku yaalley Hargeysa xaafadda Jigjiga Yar, hay’ado dadka caawiya ayey ka shaqaysay iyo dhawr meelood oo kale. Saannadkii 2013 ayey Holland ku soo noqotay, halkaana waxa ay uga sii gudubtay Carriga Ingiriiska UK oo ay nolosheeda intii ugu danbaysay deggenayd.

Fahiimi waxay ku geeriyootay magaalada London ee carriga Ingiriiska maalintii khamiista ee taariikhdu ahayd 20-09-2018 waxaana ay godgashay shaley oo jimce ahayd taariikhduna 21-09-2018

Ilaahay Naxariistii Janna Ha ka waraabiyo. Aamiin
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey) Stockholm, 22/09/2018

Kommentarer

  1. Abti Qali Alle ha u naxaristay habrayray Qali Samir iyo iman adiga iyo inagba iyo ehalkba haka siiyo

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.