Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från 2016

Ogeysiis: Ha Moogaan oo Ha ka Maqnaan Maalmaha Dhaqanka, Suugaanta iyo Afka Soomaaliyeed (1-4) Dec 2016 Stockholm

Magaalada Stockholm oo ah caasimadda Iswidhan waxa ay ka mid atahay magaalooyinka ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo soo degey dhammaadkii siddeetamaadkii ilaa iyo maantana ah goob kulmisa soomaali farabadan. Stockholm waxa ay magaalooyin kale oo farabadan oo soomaali ku nooshahay ay dheertahay isku xidhnaanta soomaalida inta u heellan kobcinta dhaqanka, suugaanta iyo afka soomaaliga. 

Ogeysiis: Bandhig Dhaqameed Ballaadhan oo ka Dhici Doona Helsinki/Finland 17-19 Okt 2016

Inkastoo carwada loogu talo galay in ay socoto saddex todobaad, laakiin saddex maalmood oo ka mid ah ayaa si gaar ah loogu talogalay in aad la kulanto marti kaaga timi Dhanmark, Göteborg iyo Stockholm.

Faallayn: Buugga la Magacbaxay "Far Tasawday" W/Q Axmed Iid Aadan

Culimo iyo aqoonyahanno badan oo ay qaarkood shisheeye ahaayeen ayaa xilliyo hore ku dadaalay sidii loo heli lahaa far u gaar ah oo uu afkeennu yeesho laguna qoro. Culimadaas waxa ka mid ahaa, Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee, Sh. Ibraahin Cabdalla Mayal iyo Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil oo soo saaray far ku qornayd xarfaha afka carabiga oo ay qarnigii hore bilowgiisii afkeenna ugu talo galeen.

Siciid M Gahayr Waxa uu ka Tirsanyahay Tolweynaha Bahda Suugaanta -----"Qofna Xaqdarro Kuma Xidhnaan Karo!"

Maalmahan waxa isa soo taraya wax ka ogaanshaha xadhiga rumaanka ah ee ku dhacay qoraa, maansayahan Siciid Maxamuud Gahayr. Muddo dheer ayaan aqoon u lahaa Siciid. Waxa aan ku bartay hal-abuurnimada uu hibada u leeyahay, qoraanimada uu qoray buugaag diiwaanka iyo qandiga soomaalida gashay oo uu ka mid yahay buugga uu ka qoray Xaaji Cabdikariin oo ku magacdheer Cabdi Waraabe, ahna odayga maanta ugu da'da weyn  Somaliland. Isla markaana ka tirsanaa ilaa bilawgii Golaha Guurtida Somaliland. Sawirkan kore ee gobolka ah waa  Siciid M Gahayr

Magazinka CARRUURTEENNA iyo Carwada Buugaagta ee Göteborg 22-25/09/2016

Shalay oo taariikhdu ahayd 22-09-2016 ayaa la furay Carwada Buugaagta ee Göteborg. Carwadan oo ah ta ugu weyn ee lagu qabto carriga Sweden, ayaa lagu qabtaa caasimadda labaad ee dalkan Sweden sannadkiiba mar. Waxa ay socondoontaa ilaa 25-09-2016 oo la soo gebagabayndoono. Goobta loogu talo galay luuqadaha kala jaadjaadka ah ee laga tirada badanyahay oo afsoomaaligu ku jiro ayaa goob looga yagleelay Magazinka Carruurteenna. Waxa goob ay wada fadhiisteen shirkadda OMHASAN ee oo uu aasaasay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan.

Faallo: Buugga Go'aan iyo Gobanimo ee uu Qoray Cali Cabdi Coomay ee soo Baxay Sannadkan 2016ka

Buugga la magacbaxay GO'AAN IYO GOBANNIMO oo uu qoray Cali Cabdi Coomay, waxa uu gacantayda soo galay bishii Ogost horraanteedii ee gu'gan 2016ka. Waxa muquuno ahaan iigu soo diray qoraaga. Waxa uu buuggu ku suntanyahay IHN, Sheekh Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar, oo ilaa aasaaskii Golaha guurtida Somaliland ahaa guddoomiyaha golahaas. Sheekhu, waxa uu geeriyooday 2004.

Faallo: Buugga la magacbaxay "Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed" ee uu qoray Ambasadoor Cawil Cali Ducaale 2016

Waxa aan ka mid ahay inta aad u xiisaysa wax ka ogaanshaha taariikhda adduunka, gaar ahaan tan soomaalida. In aad warsugan ka heshaa dhacdooyinkii la soo dhaafay waxa ay wax badan ka tartaa, go'aan qaadashadaada ku beegan tan maanta joogta. Isla markaa waxa ay wax weyn ka tartaa timaadada, si aad uga digtoonaato qaldaadkii la soo maray. Shalay oo jimce ahaa taariikhduna ahayd 02 Sep 2016 ayaa loo ballansanaa soo bandhigidda buuggan aan faallaynayo, laguna daahfuri doonaa magaalada Hargeysa.  Buuggani waxa uu i soo gaadhay dhawr todobaad ka hor, waxaana ii soo diray saaxiibkay Mustafe Khayre oo aanu dhinacyo badan oo taariikhda ah, dareen wadaag ka nahay.

Suq-duud oodan bay-siigashaye allahayoow sahal amuuraha, aamiin! ‏ 12-10-2004

FG: Qoraalkan waxa aan qoray:  12-10-2004/Stockholm/Sweden .  Waxa lagu soo qoray baraha Internetka qaar ka mid ah, gaar ahaan barta "Somaliweyn.com. Maanta 15-08/2016, ayaan meel kula kulmay, sidaasaan ugu soo daabacay degelkan. Waa xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale, dhinaca Somaliland. Dhinaca Soomaaliyana xilligii IHN, Cabdillaahi Yuusuf Axmed  -------------------------------------------------------------------------------------------------- Qoraalkayga waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay, ee naxariista, mid gaar iyo mid guud. Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Rraxiim. Intaa kabacdi, waxaan salaamayaa bahweynta Soomaaliyeed iyo bahda daaddihisa golahan "Somaliweyn". inta badan waxa halkan lagu soo bandhigaa dareenka dadka oo qofkastaa ceesaantiisa ayuu ceelka keenaa. Mid caytamaya (dumarku ma caytamaan) ee waa ragga, mid talinaya, mid doodaya iyo noocyada bulshada oo dhan ayaa isku haleela golahan. Inkastoo aanaan in mudda ah haleelin qalinka iyo dareenk

Waar Ninkoow Shaaha ii Shub Walaal !! W/Q, Mustafe Axmed Diiriye (Sheybe)

Waa duni sirgacane ilayn yaab iyo wareer kama dhammaade. Hadmaa dadnimadii laga tegey?. Hadmaa dhalintii soo kacaysay raad koodii dub u raaceen? Hadmaa kii aqoon-yahanka ahaa iyo kii jaahilka ahaa laba kala garan wayay? Hadmaa naxariistii lagu badashay ku dheel-dheel? Dhibbadanaa dhoohanata dhalintaydu! Dhibanaa Dadayga dhimirka ahi!! ·          

Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) waa Halyey u Hiiliyey Ubadka soo Koraya

Qofka dedaalka badan, had iyo jeer wuu ka dhex muuqda bulshada. Waxaase lagu eegaa laba indhood oo kala taggan. Qofbaa ku eega indho togan oo dedaalka qofkaas ayuu kol kasta ku farxaa oo u duceeyaa. Isha kale waa mid taban oo mar kasta ka naxda qofka dedaalaya. Labada indhood waxa kala saari kara dadka.  Dhibaatada inna haysata inta badan waa innaga oo aan sheegin qofka dedaalka badan, ee weliba dedaalkiisu aanuu kala go' lahayn, ee aan dan gaar ah ku wadan, ee aan dhaqaale ku qabin. Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) Waxaanu is barannay muddo haatan laga joogo 8 sannadood, waxaanse dareemaa in aanu isnaqannay in ka badan 20 sannadood. Sababtoo ah, xidhiidhka aanu lahayn muddadaa 8 sannadood ah ayaa ka badan 20 sannadood. Xogogaalnimada aan u ahay hawlaha uu inta badan wado ayaa igu dhiirrigeliyey in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo.

Kulanka laba buug iyo Magaalada Malmö (9 Julay 2016 sabti)

Ciidwanaagsan, Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 9 Julay 2016 waxa ka dhici doona magaalada Malmö kulan lagu soo bandhigi doono labada buug ee halkan ka muuqda. Maalintaas waxa aad heli doontaa labadaa buug iyo waxa ay ku saabsanyihiin. Waxa aad fursad u heli doontaa in aad wax ka waydiiso qoraaga buugaagtan iyo guud ahaanba arrimaha qoraalka buugaagta afsoomaaliga ku qoran.

Faallo Kooban oo ku Saabsan Guddoomiyihii Xisbigii SNL ee 26 Juun 1960kii Xaaji

Dhawr maalmood ayaa laga joogaa maalintii loo dabbaaldegayey 56 guuradii ka soo wareegtay maalintii la dejiyey calankii Ingiriiska ee la saaray calankii soomaalida. Goobta xorriyadda ee Hargeysa ayaa nasiib u heshay in la saaro calan soomaaliyi leedahay oo u gaar ah. Calanka maalintaa la saaray oo ahaa kii loogu talo galay Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo ahayd tan iyo Jabbuuti ilaa NFD, waxa uu ahaa kan midabka buluugga ah leh ee xiddigta shanta gees ee muujinaysa shanta soomaaliyeed leh.

Gefka taariikheed iyo guriga Madaxtooyada Xafladii 26 Juun, 2016 Mareegaha ....Farshaxan. Juun 25, 2016

Goorsheegta qaarada Ameerika ee gobolada dhexe ayaa ku beegan 4:16 galabnimo, waxaa dalka Soomaaliland magaalo madaxdiisa Hargeysa siiba guriga madaxtooyada ku soo gabagaboobey barnaamij ka socday. Waxa barnaamijkaa lagu xusayey 56 guurada ka soo wareegtay maalintii hanashada calanka dalka Soomaaliland ee loo boqno-gooyey midawgii shantii Soomaaliyeed. Xafladaa aad baa loo bilay, Rabadaan bay aheyd oo dadku muuqaal ahaan way nuurayeen, kana reebanaaayeen isdhex-galka marwooyinka iyo mudanayaasha . 

Faallo: Indhadeeq ku Aaway? Waa Buug Xanbaarsan Qiso Yaab iyo amankaag ku dhammaanaysa.

Buugga la magac baxay INDHADEEQ KU AAWAY? waxa qoray Ismaaciil C. Ubax. Waa buug ka kooban 202 bog. Waxa uu u qoranyahay qaabka sheekooyinka mala-awaalka. Buugga waxa i soo jiitay qaab dhismeedkiisa guud. Inkastoo aan joogay magaalada Stockholm markii qoraagu ku soo bandhigay buugga, nasiib umaan yeelan in aan goobtaa joogo. Waxaanse nasiib u helay in aan buugga ka helo maktabad ku taalla xaafadda aan degenahay ee magaalada Stockholm.

Mabda’ buu lahaa , Maamuusna wuu la god galey Maxamed Cali Kilay (IHUN)

Bishii Abriil   28 dii ,1967 kii ayaa   mudane Maxamed Cali (IHUN)   diidmo hor leh la soo jeediyey   ciidan-qorid laga soo jeediyey dalka Maraykanka.    Waxaa xilligaa socday dagaalkii Maraykanky ay ku qaadeen dawlada Fiyetnam . Wuxuu Maxamed Cali   diidmadaa ku saleeyey in   diintiisa Islaamka   ogoleyn    inuu kaalmeeyo   cadaanka dhibta ku haya madawga ku nool Ameerika oo   dad kalena dhib u geysta.                 

Faallo:Sooyaalkii Cabdillaahi Suldaan Timacadde: "Ninkii Sawdka Aarkiyo lahaa Summadihiisiiba."

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo'e. Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado'e. Saddexdaa bayd waxay ka mid ahaayeen saddex maanso oo kala jaad ah oo uu Cabdilaahi Suldaan xilliyo kala fog uu tiriyey. Wuxuuna ka tiriyey duruufo kala jaad ah. Waxaa se innooga muuqata inuu carrabka ku adkaynayey dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Anigoo soo koob koobaya maansadii ilaahay ha u naxariistee Cabdilahi Suldaan "Timacadde", 

Faallo: Ma laga Doodi karaa Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland?

Sida da'da qofku isu beddesho ayey xaaladaha dunida ka taagani isu bedelaan. Markastana waxa hoggaamiya, shalay dhacdooyinkii dhacay. Shalay ayaa maanta sal u ah, berrritana maanta ayaa hoggaaminaysa. In aad ka fiirsataa maanta waxa ay wanaag u tahay berrito. Si aad u wanaajiso berrito waa inaad xogogaal u tahay shalay ama aad baadhitaan ku samaysay. Waxa aan sidaa ugu bilaabay qormadan, beryahan danbe waxa aan la kulmaa qoraallo, ka hadlaya arrimaha siyaasadda gaar ahaan sooyaalka siyaasadda ee Somaliland. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Barnaamijkii Maaweelada iyo Garaadkorinta Carruurta ee Xaafadda Skärholmen 30-04-2016 sabti

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30 bisha May, sannadkan 2016, waxa xaafadda Skärholmen ee magaalada Stockholm ka dhacay barnaamij carruureed aad u xiiso badan. Barnaamijkan oo isugu jiray madadaalo, garaadkorin, ciyaarodhaqameed iyo tartanno kala duwan ayaa waxa soo diyaariyay ururka waalidiinta xaafadda Skärholmen (Somaliska föräldrar Forum i Skärholmen) iyo ururka dhaqanka ee Somali Nordic Culture.

Maalin u gaar ah suugaanta soomaalida ee Carruurta iyo Skärholmen 30-04-2016, Sabtida

Waa maalin kale iyo suugaanta soomaalida gaar ahaan buugaagta carruurta iyo farshaxanka oo loogu talo galay carruurta xaafadda Skärholmen. Laakiin waa madal u furan dhammaan bulshada oo dhan meel kastaba ha ka deggenaadeen Stockholm iyo agagaarkeeda. Waxa maalintaa nagala soo qaybgeli doonna farxadda iyo debbaaldeggaas carruurta labada qoraa ee kor ku xusan, oo abaabulkeeda uu lahaa ururka Somali Nordic Culture oo kala ah Abyan iyo Muuse.

Bandhigga buugaagta Indhadeeq ku aaway? iyo Isleeg isaseeggan ee uu qoray Ismaaciil A. Ubax

Maanta oo taariikhdu tahay 15/04/2016 ahna maalin jimce ah, waxa lagu qaban doonaa xaafadda Kista ee magaalada Stockholm kulan aad u ballaadhan oo lagu daahfuri doono, buugaag cusub oo uu qoray qoraa Ismaaciil A. Ubax. Waa hubaal in loo baahanyahay in la qoro buugaag fara badan si akhriska iyo qoraalkuba isu barbar socdaan. Goobta waxa iyaguna eray daahfurka ku habboon odhan doona, Yuusuf Xasan oo ah macallin qoraa, lehna shirkadda daabacaadda ee OMHASAN, waxa kaloo isaguna halkaa eray ka odhan doonna Maxamed Xirsi Guuleed, oo ku hadli doona magaca Ururka Qoraaga Somaliland. //Sayid-Axmed M Yuusuf Stockholm                            

Bandhigga buugga "Go'aan iyo Geesinnimo" Sooyaalkii Sh. Ibraahin Sh Yuusuf Sh. Madar W/Q, Cali Cabdi Coomay

Buuggan oo dhawaan soo baxay waxa lagu gardaadin doonaa magaalada Hargeysa, gaar ahaan madasha caanka ah ee hudheelka Maansoor. Waa maalinta jimcaha, ee habeenimmada sabtidu soo gelayso. goobta waxa ku sugan qoraagga buugga, oo aad fursad u heli doonto in aad wax ka weydiiso buugga la magacbaxay Go'aan iyo Geesinnimo.

Jaamac Muuse Jaamac aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Kulanka Reer Stockholm 17 Abril, 2016 maalin axad ah

Inkastoo uu Jaamac Muuse Jaamac u imanayo Sweden hawlo kale oo la xidhiidha afsoomaaliga iyo horumarintiisa, kuna soo soo horrayn doono Jaamacadda Göteborg, ee caasimadda labaad ee Sweden haddana waxa fursad innoo ah Reer Stockholm in aan la kulanno, oo kala sheekaysanno arrimo farabadan, maalinta axadda ee taariikhdu tahay 17 abril, 2016. Ma aha markii ugu horreysay ee Jaamac uu yimaaddo Sweden, waxaase maanta innoo gaar ah in uu si ballaadhan ula kulmi doono bulshada soomaalida ee deggen Stockholm. 

Naadiyada Akhriska ee Somaliland Xaggee ka Yimaaddeen Halkeese u Socdaan? W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Qoraalkan aan cinwaanka uga dhigay "Naadiyada Akhriska ee Somaliland Xaggee ka Yimaaddeen Halkeese u Socdaan?" Waxa igu dhaliyey qoraal kooban oo uu qoray Mustafe Sheybe kagana hadlayey korodhka dhallinyarada ku hawlan tayeynta qoraalka iyo akhriska iyo waxtar la'aanta ka muuqata----Qoraalkaas oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebuugga. Waxa aad moodda in uu Mustafe dul istaagay xaqiiqo jirta oo loo baahanyahay in wax laga yidhaahdo. Haba yaraatee in lagu tiraaba waa lagama maarmaan. Anigoo ka agdhowaa naadiyada ilaa bilawgoodii bal aan inyar ka idhaahdo: Laga yaabaa in qalinkuna yara taraaro'e akhristoow! dulqaado.

Faallo: Buugga Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal---Xaaji Sharma'arke Cali Saalax (1776-1861) W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Kalhore ayuu gacantayda soo galay buugga la magacbaxay Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal---taariikh nololeedkii Xaaji Sharma'arke Cali Saalax 1776-1861. Waxaana hadyad ahaan ii siiyey qoraaga laftigiisa. Inbadan baan maqlay iyada oo qof soomaali ahi uu meel isla soo taago: "Taariikhdu ma gabbato, lamana qarin karo, mugdina ma gasho" erayadaas iyo kuwo u macno dhow. Qofkaasi waxa aanuu ogayn in maamul dhan oo talinayey 30 sannadood uu lumi karo. Sideedaba taariikhdu dadka ayey hagtaa, oo waxa ay tustaa halka laga ymi. Qofku haddaanu ogayn meesha uu ka yimi, ma garan karo halka uu u socdo. Wax kasta oo uu maqlona si yar ayuu ku qaadan karaa.

Haddii aad rabto isbeddel – W/Q: Saddaam Xuseen Carab

Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?

Todobaadka iyo Somaliland: Dalkeennu ma Maraykanka ayuu hoostagaa?

FG: Qoraallo hore xusuustood; waxa aan qoraalkan qoray markii uu soo dhisay Madaxweyne, Siilaanyo xukuumaddiisii. Waxa ay ahaayeen qormooyin ku suntanaa kolba  hadalhaynta todobaadka.  Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland: "Ma ogyahay Aadan Xaaji Cali Axmed Ammaanta Dadkiisu ay Huwiyeen?"

Sannadkii tegey ee 2015 bishii Ogost, anigoo ku sugan magaalada Hargeysa oo maalmahaa aan kaga qaybgalay bandhiggii carwada caalamiga ah ee buugaagta ayaa waxa aan la kulmay koox dhallinyaro ah. Waxa ay noo sheegeen in loo baahanyahay in muddaharaad la sameeyo oo loo hiiliyo afsoomaliga. Keligay maan ahayne, waxa aan xasuustaa inuu ila joogay saaxiibkay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxa ay noo sharxeen cabashada ay wadaan iyo sida ay maanta ugu habboon tahay in kacdoon la sameeyo. Waa ay noo sii faahfaahiyeen, oo yidhaahdeen: "Dastuurka Somaliland waxa ku yaalla, afka koowaad waa afsoomaali, ka labaadna waa Carabi, meelnaba kagama qorna afingiriisi. Haddana warqad kasta oo dawladda ka soo baxda inta badan waa afingiriisi, maxay taasi ku dhacday miyaanay ahayn qodob dastuuriya oo la jebiyey.?

CARRUURTEENNA: "Magaasiin Cusub oo u gaar ah Carruurta oo Sannadkii Afarjeer soo Bixidoona"

Waa jariirad cusub oo ku soo baxda afka Soomaaliga iyo waliba qayb kooban oo afka Iswiidhishka ah, looguna talogalay carruurta Soomaalida ah ee ay da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir. Waxa ay carruurtu magaasiinkan ka helayaan; barbaarin, sheekoxariiro, maaweello, dhaqan, taariikh, farriimaha carruurta, cilmiga deegaanka, farshaxan, halxidhaale iyo warar.