Fortsätt till huvudinnehåll

Siciid M Gahayr Waxa uu ka Tirsanyahay Tolweynaha Bahda Suugaanta -----"Qofna Xaqdarro Kuma Xidhnaan Karo!"

Maalmahan waxa isa soo taraya wax ka ogaanshaha xadhiga rumaanka ah ee ku dhacay qoraa, maansayahan Siciid Maxamuud Gahayr. Muddo dheer ayaan aqoon u lahaa Siciid. Waxa aan ku bartay hal-abuurnimada uu hibada u leeyahay, qoraanimada uu qoray buugaag diiwaanka iyo qandiga soomaalida gashay oo uu ka mid yahay buugga uu ka qoray Xaaji Cabdikariin oo ku magacdheer Cabdi Waraabe, ahna odayga maanta ugu da'da weyn  Somaliland. Isla markaana ka tirsanaa ilaa bilawgii Golaha Guurtida Somaliland.



Sawirkan kore ee gobolka ah waa 
Siciid M Gahayr




 Taariikhdaa dheer ee cid la wadaagtaa aanay jirin maanta Xaaji Cabdikariin ayuu qalinka u qaatay Siciid M Gahayr oo uu horteenna soo dhigay.  Waxa kaloon xasuustaa buuggii ku saabsanaa Maansada Soomaalida iyo qaybaheeda oo runtii ahaa buug dhaxal gal ah. Labadaa buug kuma ekayn qoraalada uu qoray Siciid, balse waxa u sii dheeraa dhanka qoraalada, maansada qaybaheeda kala jaadjaadka ah oo uu in badan innala wadaagay. Gaar ahaan Siciid, waxa uu ka mid ahaa inta Badda Gabayga ku xarragoota.



Soomaalidaa tidhaahda "Nin habari dhashay hal ma seegi waayo" qoraalkayga kagama hadlayo maxaa loo xidhay? Mana odhan karo waa qalad xadhiga Siciid, oo waxa aan ka afeefanayaa inaanan xogogaal ahayn. Waxaase jira waxyaabo inta badan la innagu socodsiiyo oo u baahan in gidaarkaas la dumiyo si wada jir ahna loo jebiyo. Waa maxay gidaarkaasi, waa in qofka xadhig aan sharci ahayn lagu hayo muddo dheer. In xuquuqdiisa muwaadin ahaan uu qof kale oo masuul ahi ku muquuniyo isagoo adeegsanaya hay'adaha dawliga ah.






Sawirkaa waxa ka muuqda Xaaji Cabdikariim Xuseen



Arrintaasi waa ta bilawga u ah xaqdarrada ee dalalka kelitalisnimadu ka hirgeshaa ay ka soo bilaabmaan. Waxaana dadweynaha loo tusaa in wax la saxayo. Dib u milicso habkii loo taageeray Maxamed Siyaad Barre, Migistu Xayle,Iidi Amiin iyo qaar kaloo badan. Dadweynaha ayaa ku taageeray, oo  filayey in wax la saxayo. Maanta waa hebel qofka xidhani, berrina waa hebel kale, saadanbena waa adiga ee intaan lagu xidhin xaqa u hiili.

Intaa ka dib, qoraalkaygu waxa uu gar iyo gardarroba u hiilinayaa Siciid M Gahayr. Waa Xadiis laga soo weriyey Nebigeennii Suubbanaa NNKH. Markii la weydiiyey ee la yidhi: Nebi Allow garanay in aanu gar ugu hiilinno, balse gardarro sideen ugu hiilin karnaa? Waxa uu yidhi: Gardarrada u sheega in uu gardaranyahay oo ha kala gabbanina, hana u qarinina. Sidaa awgeed waxa iga guubaabo ah, oo aan qoraalkan u dirayaa dhammaan inta suugaanta meeluun ka soo gasha, inta xiisaysa iyo
bahda qoraalka iyo qalinka.


Xadhigga in qof uu amro xadhigga qof ama dhawr qof, waa qalad haddaanay gacanta kula jirin denbi dhagareed. Waase in muddo cayiman la hayaa, lana geeyaa maxkamadda horteeda. Qofku denbiile maaha ilaa xukun ku dhaco. Sidaa awgeed ilaa inta aan ogahay Siciid denbiile maaha, ee maxkamadda ha la geeyo oo xukunkiisa si caddaalada ha loo galo. Haddii Maxkamaddu xukunto, oo denbi ku caddaado Siciid dee halloo hiiliyo oo qaladka ha loo sheego. Laakiin yaanuu horteenna ku xidhnaan isaga oo aan wax denbiya lagu caddayn.

Aniga oo ku hadlaya magaca ururka Qorayaasha Soomaaliland laantiisa Iswidhan waxa aan ka codsanayaa dhammaan bahda qorayaasha, bahda hal-abuurka iyo guud ahaanba bahda suugaanta in ay hoos u dhugtaan oo eegaan sababta uu ku xidhanyahay Siciid M Gahayr. Sida aan kor ku sheegayna gar iyo gardarroba u hiiliyaan.


Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
04/10/2016 Salaasa
Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."