Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från november, 2018

Afduubkii Dayuuraddii Soomali Airline iyo Saamayntii ay Dadka ku Yeelatay. 24/11/1984

Waxay ahayd xilli aad loo hadalhayey dagaaladii buuralayda Sheekh ee dhexmaray ciidankii xukuumaddii Maxamed S Barre iyo ciidankii SNM oo markaa uu hoggaaminayey Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) 1984kii.  Dagaalkaa oo Dawladdii markaa jirtay ku noqday halxidhaale aan la furfuri karin ayaa meelkasta laga hadal hayey. Inkastoo dad badani aanay ka warqabin wixii dalka ka dhacayey oo is gaadhsiintu aad u liidatay ama aan la oggolaynba in arrimahaas laga hadlo, ayaa waxa dhacday arrin meelkasta laga maqlay oo aan la qarin karin.

Sagaarkuba illeen ka feejigan orgaca! W/Q, Jamac M Jama

Sheeko aan ka soo gaadhay ayeeyo, Alle ha u naxariistee, ayaa sidan odhan jirtey: Sagaarku, waa atoorka e, waxa had iyo jeer ku lammaan yac, waa sakaaro e. Orgacu na isaga ayaa u qaylo badan waxaraha, xitaa haddaanu qaloonbiyeyn. Had iyo jeer na waxa la maqlaa “dundumadii reerka dushiisa, maanta halaq baa ku laayay waxaro.” Kolkay dundumada hadhsanayaan waxaruhu, waxa la yidhi, waxa ay qoobka hore galiyaan godka ay ku arkaan dundumada agteeda, saa halaq baa inta badan ku jira e, wuu qaniinaa. Neefku wuu dhintaa markiiba. Kama waantoobaan waxaruhu, oo inta ay bif yidhaahdaan, ayay ku noqdaan mar kale isaga oo waxarkii hore maydkiisu wali dul yaallo godka. Way ku le’daan.