Fortsätt till huvudinnehåll

Afduubkii Dayuuraddii Soomali Airline iyo Saamayntii ay Dadka ku Yeelatay. 24/11/1984

Waxay ahayd xilli aad loo hadalhayey dagaaladii buuralayda Sheekh ee dhexmaray ciidankii xukuumaddii Maxamed S Barre iyo ciidankii SNM oo markaa uu hoggaaminayey Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) 1984kii. 
Dagaalkaa oo Dawladdii markaa jirtay ku noqday halxidhaale aan la furfuri karin ayaa meelkasta laga hadal hayey. Inkastoo dad badani aanay ka warqabin wixii dalka ka dhacayey oo is gaadhsiintu aad u liidatay ama aan la oggolaynba in arrimahaas laga hadlo, ayaa waxa dhacday arrin meelkasta laga maqlay oo aan la qarin karin.

Waxa la afduubay dayuuraddii Somali Airline, oo sidaan filayo ahayd mid ka mid ah labadii Dayuuradood ee waaweynaa ee dalkuba lahaa. Waxa aan joogay Muqdisho, waxaan maqlay goor fiid ah. Warkii TV-ga waa laga sheegay, waayo wax la qarin karo ma ay ahayn. Kabtanka Afduubay oo ahaa Cawil Cadami IHN waxa uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta. Waxaana ku weheliyey Baashe iyo Axmed Waraabe. Haddaba afduubkaasi saamayn weyn ayuu ku yeeshay dad badan. Waxaana ugu saamayn badnaa dadkii socdaalka ku jiray ama ku qornaa Dayuuradda.
Waxa aan xasuustay, IHN Aabbahay, Maxamed Yuusuf Dhegey dhibaatadii ka soo gaadhay, afduubka iyo dagaaladii Buuralayda Sheekh. Fasax ayuu ku yimi dalka, kana yimi Imaaraadka Carabta/Abudabay oo uu muddo dheer ka shaqaynayey. Markii Buuraha la soo galay waxa uu joogay magaalada Sheekh, oo ahayd goobtii qoyska reer Maxamed deggenaa. Markii dagaalkii SNM iyo Ciidankii Dawladdu ku kala hagaageen, oo uu dagaalkii dhammaaday, ayaa sidii caadada u ahayd xukuumaddii Siyaad Barre, la soo qabqabtay dadkii shicibka ahaa. Waxaana dil lagu xukumay 25 qof (24 rag ah iyo haweenay keliya). Waxa ku jira Sheekh la odian jiray Cabdiraxmaan M Cali IHN dhammaantoodba, waxa la weydiiyey dilkooda wax yar ka hor inay maxkamadda wax ka codsanayaan. Wuxuuna Sh. Cabdiraxmaan yidhi, gabadha ka fura xadhigga. 
Maxkamaddaasi waxay ka dhacday geed hoostii, waxaana go'aankii maxkamaddu ahaa DIL IYO IN IMMINKA LA FULIYO. Maydkoodiina waxa lagaga tegey goobtii lagu dilay oo ahayd halka laga galo Buurta Sheekh. Haddaba Aabbo waxa uu ka mid ahaa dadkii la soo xidhxidhay, wuxuuna la xidhnaa rag ay ka mid ahaayeen Sh. Cabdiraxmaan M Cali oo ah Sheekha la dilay. Aabbo waa laga soo daayey, waxaana la soo gaadhay xilligii uu ku noqon lahaa shaqadiisii yo Abudabay, laakiin muxuu raaci? Dayuuraddiiba waa la afduubay. Mana tegi karo Berbera, fasax la'aan. Waxay noqotay inuu helo warqaddii oggolaanshaha dhaqdhaqaaqa oo aan halkan ku soo lifaaqay. Waa Xusuus in wax laga barto ayuun baa muhiim ah. Qaladka si yar u dhaca, waxa uu keenaa qaladaad waaweyn oo aan laga dabbaalan karin.

Ilaahay ha u naxariisto dhammaan intaa aan qoraalka ku soo qaatay, ramin, aamiin

Sayid-Axmed Dhegey
25/11/2018 Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.