Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från maj, 2019

18 Mey 1991 Geedkii nabadda ayaa la beeray

Waxa ay ahayd goor casar dheere ah, oo jawigu aad u qurux badnaa. Gaadhi nooca loo yaqaannay Xaajiyadda oo aan ka soo raacay Harta-Sheekha ayaa meel aan ka fogayn magaalada Rabaso nagula xumaaday. Gaadhiga waxa lahaa Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif, waxa waday Cawil Ibraahin Xaaji Xasan oo uu Mulkiiluhu adeer u yahay, aniguna qaraabo aan ka fogayn baa aan ahaa oo sidaasaa aan uga soo raacay Harta-Sheekha oo ahayd meel aan ka fogayn Kaamkii Qaxootiga ee ugu weynaa. Waxa aannu u soconnay magaalada Burco, laakiin itaal baa halkaa na dhigay. Maalintaas taariikhdu waxa ay ahayd 17 Mey 1991. Gaadhigii waa naloo sameeyey, laakiin habeenimadii waxa uu Cawil go'aansaday in aannu ku noqonno Harta-Sheekha, oo uu kiro ka soo qaado, maadaama oo kiradii hore laga wareejiyey oo gaadhigii dhexda uu ku jabay.