Fortsätt till huvudinnehåll

18 Mey 1991 Geedkii nabadda ayaa la beeray


Waxa ay ahayd goor casar dheere ah, oo jawigu aad u qurux badnaa. Gaadhi nooca loo yaqaannay Xaajiyadda oo aan ka soo raacay Harta-Sheekha ayaa meel aan ka fogayn magaalada Rabaso nagula xumaaday. Gaadhiga waxa lahaa Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif, waxa waday Cawil Ibraahin Xaaji Xasan oo uu Mulkiiluhu adeer u yahay, aniguna qaraabo aan ka fogayn baa aan ahaa oo sidaasaa aan uga soo raacay Harta-Sheekha oo ahayd meel aan ka fogayn Kaamkii Qaxootiga ee ugu weynaa. Waxa aannu u soconnay magaalada Burco, laakiin itaal baa halkaa na dhigay. Maalintaas taariikhdu waxa ay ahayd 17 Mey 1991. Gaadhigii waa naloo sameeyey, laakiin habeenimadii waxa uu Cawil go'aansaday in aannu ku noqonno Harta-Sheekha, oo uu kiro ka soo qaado, maadaama oo kiradii hore laga wareejiyey oo gaadhigii dhexda uu ku jabay. 



Maalintii 18 Mey 1991kii, ayaa aannu u soo baxnay dhinaca galbeed annaga oo ku sii jeedna Harta-Sheekha. Goor fiid ah ayaa aannu soo galnay Kaamkii Qaxootiga ee ku yaallay Kaam-Abokor. Qorraxda ayaa sii dhacaysay, oo malaa shantii iyo badhkii BBC-da ayaa la dhegaystay oo sheegtay in lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada Jamhuuriyaddii Somaliland. Rasaas ayaa kor loo ridayey, habeenimadii roob aad weynaa ayaa da'ay, oo Buulkii aannu u hoyannay, waxa aad moodaysay in uu kor u qaadayo oo buulkuba nala duulayo. Aroornimadii ayaa naloo sheegay inan ku dhimatay roobkii habeenimadii IHN. Aaaskii baa aannu ka qayb galnay, gelinkii danbena waxa aannu u baxnay Kaam Haashim oo xaaska Cawil Ibraahin uu deggenaa. 

Maalintii danbe ee 19 Mey 1991 ayaa aannu u baxnay Harta-Sheekha, waxa aannu ku yara hakannay Xarshin, habeenimadii waxa aannu u hoyannay Dulcad oo qaxootigii ugu badnaa uu deggenaa. Ma xasuusto in aannu laba ama habeen u hoyannay Dulcad. Waxa aannu soo helnay kiro niman jaadlayaal ah oo Qoti ah jaad ay doonayeen in ay iibgeeyaan. Cawil Ibraahin ayaa ku dhiirrigeliyey in ay Burco geeyaan oo uu isagu ka caawin doono, iibka maaddaama oo uu Cawil ahaa nin aad u kala yaqaanna magaalada Burco oo uu sannado badan jaad geyn jiray gaar ahaan siddeetamaadkii. Labadii nin ee Qotida ahaa waa ay aqbaleen soo jeedintii, sidii baa gaadhigii lagu raray. Cidhib barako leh ayaa aannu ku sii dhufannay, ilaa jihada bari.

Aniga waxa gaadhiga ii saarnaa shan kartuush oo dawo ah oo aan aan ka keenay Diridhabe. Weligay ganacsade ma noqon, ee waxoogaa lacaga oo qurbaha la iiga soo diray, baa aan is idhi " Waar dedaal samee oo ganacsi bilaw".  Safarkii Burco waa uu nagu dheeraaday oo dhulka roob baa ka da'ay, dhawr jeer ayaa gaadhigii afarta taayirba aasmeen. Mar waa nala qabtay, oo ciidan ayaa dhexda noo galay, nasiib wanaag ninka gaadhiga wada waa Cawil'e  ayaa daydaygii mid iyo labo ka gartay, jaad baa uu siiyey, shidaalna waa ay naga shubteen, wax kale nama ay yeelin. Xaaladda lagu jiray ayaa sidaa ahayd oo tallaabo marka aad dhaqaaqdo ciidan baa joogay, waa in jaadka wax laga siiyaa, lacagna loogu daraa. Dalka oo dhan baa sida ahaa, laba habeen ayaa aannu u soo dhaxnay Burco. Sida caadiga ah lagama dhixi jirin Burco ee gaadhiga oo ahaa mid daalay iyo roobabka ayaa na xannibay. Laakiin labadii nin ee Qotida ahaa waxa ay habeeyeen Qaadkii oo ay yidhaahdeen, kani waa buureed oo waxba noqon maayo. 

Burco waxa aannu ka soo galnay jiho aanan weligay ka soo gelin oo aan qiyaasayo in ay ahayd dhanka Hawdka. Rag fara badan ayaa duleedka magaalada nagaga hor yimi sidii oo aannu nahay wefdi la sugayey. Gaadhiga xaajiyadda ahi, laba shidhley baa uu ahaa, waaba naloo soo galay gaadhigii " Waar bal warrama oo dadkii ka warrama"? " Goormaa soo baxdeen"? Weydiimahaas ayaa nalagu boobay, kolkiiba Cawil Ibraahin, si gaar ah ayuu iila hadlay oo yidhi: "Waxaad tidhaahdaa shalay baannu soo baxnay"? Markii aannu dadkii u sheegnay in aannu shalay soo baxnay ayaa nalagu soo xoomay! "Haye, waar dadkii miyaa wax la yeelay"? Dadkee " Dee dadkeennii Dulcad iyo Hartii sheeka? Yaab iyo amankaag. Cawil waxa uu u lahaa shalay baannu soo baxnay, si aan jaadka loo odhan waa baarixi.  Cawil nin aad u wargaleen ah, oo waayo-arag ah ayaa uu ahaa, markiiba warkii buu fahmay oo loo sheegay. Kute! Sayidow, Itoobiya intii aynu dhexda ku soo jirnay ayey Jabhaddii qabsatay, oo Mingiste baxsay baa la yidhi!!

Burco ayaa aan ku maqlay isbeddelka ka dhacay Itoobiya. Intii aannu soo rafaadaynay ayaa jabhaddii TPLF dalkii qabsatay, oo Qaadkiina istaagay. Kan aannu sidno ayaa magaalada u ah Qaad. Nimankii Qotida ahaa Qaadkii wuu u qarxay, waa sida ay jaadlayaashu odhan jireenne. 

Sheekadaa dheer waxa aan u galay, maanta waa 18 Mey 2019. Waa 28 sannadood ka hor, jawigu sidee ahaa magaalada Burco? Roobabkaa aan hore u sheegay baa magaalada ka da'ay, aad uma uu badnayn, shirkii dib u heshiisiinta beelaha Waqooyi ayaa weli socday. Xaalad adag ayaa lagu jiray, haddaan loo guntan talo faraha ayey ka bixi lahayd. Maamulkii SNM oo uu hoggaaminayey Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa uu xoogga saaray nabadgelyada. Ciidammo aan tiro lahayn ayaa hubaysnaa, baabuurta tiknikada ayaa tira beeshay. Waxa aan xasuustaa marka gaadhi aad rabto inaad joojiso xabbad ayaa laga daba ridi jiray, hadda waa keliya waar! ii joog. Burco waa ay ka deggenayd marka la barbar dhigo Hargeysa iyo Berbera. Gaar ahaan Berbera, oo aan burburin waxoogaa raashin iyo shidaal loogu tegey, ayaa lagu degey sida shinni caydh ah. Sidaa darteed meel shirkaa kaga habboonaa Burco xilligaa ma jirin.

Burco baabur xarrago ma dhexmarayn ee tikniko iyo dhawr oo ay madaxda SNM wadatay ayaa dhexmarayey. Dadka badidiisu waa ay lugaynayeen. Makhaayado aan badnayn ayaa ka furnaa, dukaamaduna ma badnayn.

Aroornimadii ayaa aan tegey goobtii shirku ka socday, oo ahayd dhinaca galbeed ee magaalada. Biriijka ayaa laga tallaabayey, dhir waaweyn oo u dhow ayaa dad badani fadhiyeen oo rag u badan. Gidaarka goobta shirka ayaa la tubnaa. Halkii ayaan salooshay sidii ri' geed ay jeceshay saloolanaysa, wax badan kama arkayn, waxa aan xasuustaa mar uu hadlayey Saleebaan Maxamud Adan (Saleebaan Gaal) oo ka hadlayey siyaasadda debedda ee dalka lagu maamulayo ayaa uu lahaa yaan la odhan "Siyaasad debecsan" ee magac kale ha loo raadiyo, waxa uu ku macneeyey in ay Debecsan ay la mid tahay jilicsan. Dadku waxa uu ku faraxsanaa nabadaynta, waayo qof kasta oo garaad lahaa waxa uu dareensanaa haddaan nabadda seeska loo dhigin in aan la soo qaban karin. Xilliyadaa Xamar waxa lagaga dhawaaqay Madaxweyne Cali Mahdi iyo Raysal wasaare Cumar Carte. 

Nabadda loo wada guntaday ee xoogga la saaray waa taa loo wada aayey, ee lagu seexday laguna soo toosay nabad. Dabcan dagaallo danbe waa ay dhaceen, laakiin jirridii nabadda ayaa noolayd. Odayaashii ayaa iyaguna barbar galay maamulkii SNM. Waxa kale oo u baahan in aan halkan ku sheego, jabhaddii SNM waxa ay ahayd mid u hoggaansan odayaasha, oo markasta waxa go'aanka sare lahaa odayaasha. Waxa ay ka dhabeeyeen labadii sannadood ee SNM ballan qaaday in ay gacanta u soo gelin doonaan shacbiga. Maalmahaa waxa Burco isugu yimi wufuud aad u badan oo dhan walba ka yimi, dhaqaale badan dadku ma ay haysan, haddana waxa yaab ahayd sida tirada intaa le'eg cuntadooda, cabbidooda, jiifkooda loo habeeyey. In kasta oo jiifku aanuu dhibaato badan lahayn berigaas oo dadku bannaanka ayey iska seexan jireen. Cuntadana xoolaha dadku soo ururiyaan ayaan la dada cunayey. 

Waa Ilaahay Mahaddii in Nabaddii maalintaa la unkay ay sii xoogaysatay. Waxa aan kaga baxayaa qoraalkan xasuusqorka ah, maalinta 18 Mey waxa ay astaan u tahay dhammaan reer Somaliland, waxa ay astaan ugu tahay nabad ku wada noolaansho, midnimo iyo isa saamaxaad la go'aansaday wixii la kala tirsanayey, xalay dhalay ayaa laga soo qaaday. Qofka leh reer baa leh 18 Mey waxa uu fadhayaa waa qudhun iyo in dadkii nabadda lagu walaaleeyey uu raad arooryo dib ugu celiyo.

Hambalyo 18 Mey, maalinta nabadda, maalinta midnimada Somaliland, maalinta isa saamaxa iyo wadajirka Somaliland.

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Sweden 18 Mey 2019, sabti

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.