Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från mars, 2020

Kala taggan Taladii Shalay ee Maxamed Baashe iyo Tan maanta

Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim. Ilaahay baa mahadleh, Qoraalkan waxa aan is idhi malaa wax uun buu tari. Kollay cid eryo ama cid difaac maankayga kuma jirto, balse arrin si gaar ah aan u dareemay baan in yar ka odhanayaa. Waxa maalmahan aad loo hadal hayey waraysi BBC-du qaadday Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo qoraallo baraha bulshada aad loo hadal hayey. Maaddaama uu Maxamed Baashe ka mid yahay asxaabta aannu isku barannay danta guud, muddada aannu isnaqaannayna ay cagacagaynayso 20 sannadood, waxa aan dareemay in aan dareenkayga iyo taladaydaba qoraalkan ku soo koobo.

Kulankii Ururka Badda Cas oo ka dhacay xaafadda Skärholmen ee Stockholm 07 Mar, 2020

Kulanka Badda Cas oo sabti dhaaf lagu qaban jiray xaafadda Rinkeby oo saldhig u ah Ururka Badda Cas, ayaa doorkan lagu qabtay xaafadda Skärholmen. Waxa caado u ah ururka badda cas in kulamadaas la isku waraysto, waxbadan oo dadka baahidooda ahna lagaga hadlo. Waxa uu ururkani kaga duwan yahay ururrada soomaalida intooda badan, arrimaha xoogga la saaro, ee wax la iska weydiiyo waxa ka mid ah: 1. Booqashada bukaanka, oo kolba qofkii diyaar u ah ee kari kara uu soo booqdo bukaanka oo marka hore warsugan laga helo qofka xanuusanaya iyo goobta lagu soo booqanayo. 2. Wacdi kooban oo kulan kasta ay culimadu soo jeediyaan. 3. Haddii uu jiro cashar kale oo loo baahan yahay uu qof aqoon u lihi soo jeedin karo. 4. Guud ahaan in la dhegeysto warbixinno ku saabsan bulshada soomaalida ee deggen Iswidhan guud ahaan gaar ahaanna Stockholm. Arrimahaas waxa dheer in guddidu ay warbixin kooban soo gudbiso, halka hawshu u marayso. Si gaar ah waxa joogto u socda casharrada diiniga ah, oo tan iyo mar