Fortsätt till huvudinnehåll

Kulankii Ururka Badda Cas oo ka dhacay xaafadda Skärholmen ee Stockholm 07 Mar, 2020



Kulanka Badda Cas oo sabti dhaaf lagu qaban jiray xaafadda Rinkeby oo saldhig u ah Ururka Badda Cas, ayaa doorkan lagu qabtay xaafadda Skärholmen. Waxa caado u ah ururka badda cas in kulamadaas la isku waraysto, waxbadan oo dadka baahidooda ahna lagaga hadlo. Waxa uu ururkani kaga duwan yahay ururrada soomaalida intooda badan, arrimaha xoogga la saaro, ee wax la iska weydiiyo waxa ka mid ah: 1. Booqashada bukaanka, oo kolba qofkii diyaar u ah ee kari kara uu soo booqdo bukaanka oo marka hore warsugan laga helo qofka xanuusanaya iyo goobta lagu soo booqanayo. 2. Wacdi kooban oo kulan kasta ay culimadu soo jeediyaan. 3. Haddii uu jiro cashar kale oo loo baahan yahay uu qof aqoon u lihi soo jeedin karo. 4. Guud ahaan in la dhegeysto warbixinno ku saabsan bulshada soomaalida ee deggen Iswidhan guud ahaan gaar ahaanna Stockholm. Arrimahaas waxa dheer in guddidu ay warbixin kooban soo gudbiso, halka hawshu u marayso. Si gaar ah waxa joogto u socda casharrada diiniga ah, oo tan iyo markii la aasaasay Badda Cas u ahayd bud-dhig. 












Shalay oo taariikhdu ahayd 07 Mar, 2020 waxaa lagu qabtay xaafadda Skärholmen oo aad uga durugsan saldhigga Ururka Badda Cas. Sababta loogu qabtay goobtaas waxa ay ahayd, codsi ka yimi, xubnaha rukunka u ah ururka oo inbadani deggen tahay dhinaca koonfureed ee magaalada Stockholm. Kulankii shalay waxa uu u dhacay si aad u fiican, oo wax badan oo muhiim ahaa lagaga wadahadlay. Kulanka waxa goobjoog ahaa guddoomiyaha Badda Cas, Xaaji, Maxamed Xirsi Axmed, ayaa furitaankii hadal kooban oo soo dhoweyn ah ku furay kulanka. Waxaase bilawgii lagu furay Ayaadka Qur'aanka Kariimka ah oo uu Sheekh Bashiir ku bilaabay, isla-markaana Sheekh Bashiir waxa uu ahaa xoghayaha qorayey qodobbada muhiimka ah ee shirka. Waxa kulanka daadihinayey Mawliid Axmed Cabdi oo ah runtii nin habka daadihinta kulamada aad ugu fiican, oo si habsami ah ku bilaabay, doodihii, su'aalihii, warbixintii, taladii ilaa gebagabadii. Arrimaha laga hadlay way fara badnaayeen, laakiin aan ka soo qaato dhawr qodob oo muhiim ahaa. 


1.  Maaddaama oo xaafadda Skärholmen marti loo ahaa, waxa lagu dheeraaday baahida deegaanka koonfureed ee Stockholm sidii loo soo gaadhsiin lahaa dedaalka ka socda dhinaca waqooyi ee magaalada.

2. Maxaa fiicnaa oo aynu ku guulaysannay, maxaase innaga xuma ama aynaan ku guulaysan "Maalmihii Dhaqanka iyo Suugaanta" ee u gaarka ahayd carruurta.

3. Maxaa innaga hortaagan in aynu
samaysanno xarun weyn oo aynu hawlaheenna oo dhan ku qabsan karno? 

Qodobadaas oo mid kasta gaar loo lama-guray ayaa wakhti fiican oo aan degdeg ahayn lagu soo dhammeeyey. Saddexdaas oo keliya ma ahayn arrimihii laga hadlay, ee mid kastaa waxa uu u sii kala baxayey toban qaybood iyo ka badan. Tusaale ahaan, maalmihii dhaqanka iyo suugaanta, oo lagu dheeraaday laguna kala arati duwanaa, waxa muuqatay in arrimo badan oo togan iyo kuwo taban si fiican looga hadlay, qof kastaana wakhti ku filan oo uu laga bogto odhaahdiisa uu helay. Qoraalkan waxa aan ugu talo galay uun in aan qof ahaan xasuus ka reebo, laakiin guddidii Badda Cas oo Guddoomiyhii hoggaaminayey, waxay ku qorteen qodobadii laga hadlay diiwaanka, si ay go'aammo uga gaadhaan. Tusaale ahaan waxa loo soo jeediyey in ay sameeyaan "Guide-hoosaadyo" hawlaha qaar ka fududeeya sida: kulanka Dhaqanka iyo Suugaanta oo sannadkiiba mar qabsooma, in ay u magaacaabaan guddi-hoosaad u gaar ah. 


Waxa soo gebagabeeyey Macallin Ibraahin iyo Sheekh Maxamed Xaaji Ismaaciil oo duco iyo waano ku soo afmeeray kulankii. Waxa uu ahaa kulan sidii loogu talo galay iyo si ka sii fiicanba u dhacay. Waxa xusid mudan Cashadii ay reer Skärholmen soo diyaariyeen oo goobta lagu wada casheeyey.



FG: Sawirrada, waxa qaaday Cabdiwahaab Jirde oo aan uga mahad celinayo.




W/Q, Sayid-Axmed Dhegey
08 Mar, 2020 Stockholm



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.