Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från september, 2017

Xasan Cabdi Madar: "Qoraa waxbadan inoo qoray" W/Q, Axmed Iid

Qoraaga caanka ah, mudane Xasan Cabdi Madar waxa uu ka mid yahay akhyaarta aan qalinka lagu gaadhin ee wacyi-gelinta bulshada muddo badan u xusulduubay. In badan baynu aragnay isaga oo qoraallo iyo buugaag badan oo waxtar leh bulshada ugu deeqay. Xagga maansada qudheeda wax badan buu ina tusaaleeyey oo ma uu yarayn.

Afsoomaaliga, Hooyada iyo Da’yarta. W/Q, Axmed Iid Aadan

Waxaynu mararka qaarkood maqallaa iyada oo la leeyahay qofka afkiisa hooyo si fiican u barta ayaa afafka kalena si wanaagsan u baran kara. Afsoomaaligu waa afkeennii. Waa afkii hooyo. Marka waa afkii hooyo la leeyahay, waxa loo jeedaa in uu yahay af aynu hooyooyinkeen ka barannay, oo macallinka u horreeya ee ilmaha wax baraa waa hooyada. Hooyooyinkii hore Afsoomaaliga waa ay ku wanaagsanaayeen, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waxa laga dhaxlay maansooyin iyo murti meel sare gaadhsiisan oo wax-ku-ool ah. Kuwa aan wax curin qudhoodu adeegsiga afka iyo xikmaddiisaba waa ay ku fiicnaayeen oo maahmaaho iyo ereyo badhaxtiran oo hadalka qurxiya ayaa laga faa’idi jiray.

Diiwaanka Qaranka: Dal aan Diiwaan Qaran lahayn waa Geed aan Caleen lahayn

Qoraalkani waxa uu ku socdaa dhammaan Xisbiyada u tartamaya hoggaanka dalka Somaliland. Waxa aynu ku dhegabarjawnay, taageero Xisbi iyo mid Xisbiga kale taageersan oo aflagaaddo iyo cay doonaya in uu wax ku toosiyo. Waxa yaraaday dadka intii talo wax ku ool ah ka geysan lahaa Xisbiyada, kuna dhiirrigelin lahaa dhanka hoggaanka hufan ee hagaagsan. Waxa safka hore inoo galay dadka intii ugu indhaha adkayd oo Xisbi kastaba shaashadaha Tvda  inoo soo fadhiistay. Inta badan arki maysid cid ka hadlaysa arrin iyo waxqabad ee waxa taa beddelkeedii noqday hebel oo u jawaabaya hebel kale. Waxa la inooga baahanyahay in aynu aragti hufan la nimaadno oo haba kala duwanaato aragtidu, balse looga jeedo horumar iyo wax toosin.

GORFEYNTA BUUGGA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE (2017-2022) W/Q, Cabdinaasir Axmed Abraham

Kaddib ibo-furkayga Magaca Rabbi, haddii xaggiisa laga helo qoraalkaygan waxa aan ku lafo-guri doonaa buug yaraha barnaamij Siyaasadeedka XIsbiga Kulmiye ee (2017-2022) Waxa aan hore u gorfeeyay buuggii barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee 2010. Sidoo kale, waxa aan lafo-guray buuggii barnaamij SIyaasadeedka Xisbiga Waddani ee 2017-2022. Anigoo ka mid ah dadka buugta loo qoray ama luugu talo galay in lagu qanciyo si ay raali uga noqdaan siyaasadda Xisbiga. Sidaa awgeed, ayaan xaq ugu yeeshay inaan wax iska weydiiyo, lafo-guro ama falanqeeyo buugta Xisbiyada Qaranka.

Faallo: Buugga Masraxiyaddii Aqoon iyo Afgarad. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 02/09/2017 oo ahayd maalintii labaad ee Ciidal Adxa ayuu gacantayda soo galay buugga laga qoray Rawaayaddii caanbaxday ee Aqoon iyo Afgarad. Waxaana gacantayda soo gaadhsiiyey Muuse M Ciise (Dalmar) oo dhawaan ka yimi Somaliland. Xiise gaar ah ayaan u qabay in aan akhriyo, oo xusuustaydii carruurnimo ilaa anigoo dhallinyaro ah ilaa maanta si aan u maqloba dhegahayga kama fogayn Masraxiyaddaas la magacbaxday Aqoon iyo Afgarad.