Waxaynu mararka qaarkood maqallaa iyada oo la leeyahay qofka afkiisa hooyo si fiican u barta ayaa afafka kalena si wanaagsan u baran kara. Afsoomaaligu waa afkeennii. Waa afkii hooyo. Marka waa afkii hooyo la leeyahay, waxa loo jeedaa in uu yahay af aynu hooyooyinkeen ka barannay, oo macallinka u horreeya ee ilmaha wax baraa waa hooyada.
Hooyooyinkii hore Afsoomaaliga waa ay ku wanaagsanaayeen, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waxa laga dhaxlay maansooyin iyo murti meel sare gaadhsiisan oo wax-ku-ool ah. Kuwa aan wax curin qudhoodu adeegsiga afka iyo xikmaddiisaba waa ay ku fiicnaayeen oo maahmaaho iyo ereyo badhaxtiran oo hadalka qurxiya ayaa laga faa’idi jiray.
Haddii aynu dulucda soo dhoweyno, hooyooyinkii hore waxa ay ahaayeen qaar xikmad badan, waxaynu ku hadli jireen Afsoomaali wanaagsan oo qurux loo daayey, murtina hodan ku ah. Dabadeed carruurtii ay dhaleen ayaa halkaa fursad ka heshay oo ku ababtay af wanaagsan oo khayr badan, waxayna intooda badani noqdeen qaar ku hadla luqad dhisan oo uu deelqaafku ku yar yahay ama aan lahaynba.
Hooyooyinka waqtigan iska daa carruurtooda ee iyaga laftooda ayuu Afsoomaaligu ku yar yahay, carruurtoodana kama sixi karaan wixii gef ama laaxin ah ee afka ku saabsan. In kasta oo lagu doodi karo tayo-xumada afka ee xilligan in ay bulshada qaarkeed iyo warbaahintuba door ku yeelan karaan, haddana macallinka koowaad oo hooyada ahi kama eed la’aan karto mashkiladdan iyada ah.
Waxan aad u yaabaa maalmaha ciidaha, barnaamijka salaamaha marka Idaacadda Hargeysa laga soo daayo carruur ehelladooda salaamaysa. Marka uu weriyuhu weydiiyo, “Adeer maanta yaad halkan ka salaamaysaa? Waxa ay yidhaahdaan: “Waxaan een een halkan een een ka salaamayaa ma taqaantaayeey, eeneey adeerrayaashay iyo eeney een walaalayaashay, eddoyaashay. Waxan leeyahay ciid fiican, iwm.”
.
Gefafkaasi waxa ay dhacaan marka ay carruurtu si aan hagaagsanayn afka u barato. Waxa jira gefaf kale oo xagga naxwaha ah, kuwaas oo xataa beryahan danbe dadka da’aha dhexe ah siiba dhallinyartu ay gasho. Waxa ay dhacaan marka la hadlayo, waxayna ku saabsan yihiin qofka koowaad, qofka labaad iyo qofka saddexaad ee maqan, kuwaas oo marka xagga afka Ingiriisiga laga eego kala ah (“first person”, “second person” iyo “third person”).
.
Tusaale: halkii ay ka odhan lahaayeen:
.
• Waxaan ahay arday.
• Cali xisaabta wuu yaqaanaa.
• Maxamed gurigii ayuu ka yimid.
• Ninkan waxa la yidhaahdaa Axmed.
• Waxa la yidhi, bari roob baa ka da’ay.
.
Waxa ay odhanayaan:
.
• Cali xisaabta wuu #aqaanaa.
• Maxamed gurigii ayuu ka #imid.
• Ninkan waxa la #idhaahdaa Axmed.
• Waxa la #idhi, bari roob baa ka da’ay.
.
Sida halkaa ka muuqata shantaa weedhood ee danbe wax baa ka wada khaldan, meelaha khaldanina waa meelaha aynu calaamadinnay. Sidaas oo ay tahay haddana lama dareemo. Habeen iyo maalin wax wada sidaas ah ayey da’yarteennu ku hadashaa ama qortaa.
.
Waxa jira gefaf kale oo xagga qoraalka ah oo aan xagga hooyooyinka loo tirin karin, kuwaas oo markii hore da’yarta sii yar yar ku koobnaa haatanse ay dhallinyar badani kaga dayatay. Khaladaadkaa waxa ka mid ah kuwan:
.
• Maalin wanaagsan qaraapada iyo azaxaapta
• Zxp/sxp bal warran
• Alx
• Asc
• Wll
• Jumma muparak, iwm.
.
Ummadaha kale afafkooda waa ay qiimeeyaan, ilaalintiisana miisaaniyad bay ku bixiyaan. Waxa ay ku dadaalaan in ay dhawraan af laga yaabo in ay dad 150 milyan ka badani ku hadlaan, kuwaas oo haddana ku kala nool dalal badan oo kala duwan.
.
Waxan dhowaan akhriyey qoraal sheegayey in dal ka mid ah dalalka Carabtu uu soo rogay in dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba wixii maaddooyin ah ee afka Carabiga la xidhiidha lagu dhigo afka Carabiga ah ee kalaasika ah maaddaama oo bay yidhaahdeen uu afku yahay ka isku haya dhaqanka, taariikhda, ummadnimada iyo ilbaxnimada ummaddaba.
.
Dadaalka ay ummadi afkeeda gelisaa xataa waxa uu u gudbaa bulshooyinka kale ee uu afkaasi saamaynta ku leeyahay. Qofka Soomaaliga ahi marka uu af shisheeye ku hadlayo ama baranayo sida afka Carabiga ama afka Ingiriisiga haddii uu weedh yar ama erey yar khaldo waa lagu qoslaa. Markaas buu isna ku dadaalaa mar kasta oo uu afafkaas mid ka mid ah ku hadlayo ama wax ku qorayo in uu iska hubiyo weedhaha iyo ereyada afkiisa ka soo baxaya ama uu qorayo. Waxaasi wax iska yimid ma aha, ee waa dadaal ay dad kale sameeyeen oo inoo soo gudbay. Laakiin Afsoomaaliga haddii si kasta loo jajabiyo ama dubbe kasta lala dhaco cid u damqanaysa ama dan ka leh inta badan lama arko.
.
Marka la leeyahay “Dad waa dadkii hore, hadalna waa intuu yidhi” waa lagu saxsan yahay. Fac kasta facii ka horreeyey ayaa Afsoomaaliga iyo murtidaba kaga fiicnaa. Guushaa weyn ee ay dadkeennii hore aqoonta afka iyo xikmadda ka gaadheen waxa door weyn oo muhiim ah ku lahaa hooyooyinkii hore. Hooyooyinkii hore waxa ay ahaayeen macallimiin afkeenna takhasus fiican u leh oo soo saari jiray jiilal ay aqoontooda afeed dhisan tahay.
.
Afkeennu waa afkii hooyo. Isaga la’aantii waxyaalo badan baa inaga qalloocanaya. Waa afkii uu Gaarriye, Alle ha u naxariisto ee uu lahaa la’aantii nolosheennu “tayo may lahaateen, dhaqan lama tallaaleen, qaran lama tusmaysteen”. Si ay da’yarta kacaysaa u barato uguna hadasho af wanaagsan oo qurux leh waxa lagama maarmaan ah in ay marka hore hooyooyinka waqtigani afka aqoon fiican u yeeshaan. Markaa ka dib ayey carruurtana Afsoomaali wanaagsan u gudbin karaan, murti bari karaan, wixii gef ahna hadal iyo qoraalba ka sixi karaan. Haddii sidaa la yeeli waayo afka iyo murtidiisa ayaa kala go’i doona, xikmadduna waa ay inagu yaraan doontaa!
.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
___________________
Maqaalkan waxa mar hore lagu daabacay wargeysyada dalka ka soo baxa qaar ka mid ah iyo bogagga Internetka qaarkood.
Kommentarer
Skicka en kommentar