Fortsätt till huvudinnehåll

Xasan Cabdi Madar: "Qoraa waxbadan inoo qoray" W/Q, Axmed Iid

Qoraaga caanka ah, mudane Xasan Cabdi Madar waxa uu ka mid yahay akhyaarta aan qalinka lagu gaadhin ee wacyi-gelinta bulshada muddo badan u xusulduubay. In badan baynu aragnay isaga oo qoraallo iyo buugaag badan oo waxtar leh bulshada ugu deeqay. Xagga maansada qudheeda wax badan buu ina tusaaleeyey oo ma uu yarayn.


Sida aynu wada og nahay iskaashi iyo wax wada qabsi ayaa wax lagu qabsadaa oo lagu meel maraa. Hawlaha dawladnimada, ganacsiga, waxsoosaarka iyo wax kasta oo nolosha bani’aadamka waxtar u leh waxa lagaga midho-dhaliyaa gacmo wada jira iyo qalbiyo dhan u wada jeeda. Taasi ummadaha kala duwan ee maanta caalamka ku dhaqan qaarkood waa ay ka muuqataa. Hase yeesho ee innagu weli uma aynaan bislaanin arrintaa, oo waxa tusaale inoogu filan in mar kasta oo ay dadkeennu isku dayaan in ay si wadajir ah wax u qabsadaan, ganacsi ama hawlo kala ba waxaase hala xidhiidhee, in uu waxasi burbur ama kala-tag markiiba ku danbeeyo. Haddaba mudane Xasan isaga oo arrintaa inagala hadlaya waxa uu muddo hadda lix sannadood laga joogo yidhi:

• Bulshooy goormaad wax baran 
• Inuu wadna qaybsigiyo 
• Wadaaggu dantaada yahay 
• Hadmaad wacaneey ogaan

Aafada qabyaaladda oo uu isla maansadan ku soo qaaday waxa uu ka yidhi:
• Inuu waran soo noqdiyo 
• Tollaay iyo waa wareey 
• Waxyeello qabiilku yahay 
• Goormaad wacaneey ogaan


Maansadaas sida aan kor ku soo sheegay muddo aan yarayn baa laga joogaa, hase ahaato ee intaa aan ka soo xigtay iyo arrimo kale oo uu kaga hadlay ba weli waa sidii oo waxaba aan marmar is-idhaahdaa, malaha berigaa in uu tiriyey waa aad ismoodsiisay ee immika ayuu tiriyey ba. Taasi waxa ay caddaynaysaa in aynu ku sugan nahay xaalado ayna inta badan waxba iska beddelin.

Xaaladahaa qudhooda mar uu Xasan laftiisu maanso kale ku soo qaaday waxa uu yidhi:
• Cishadii la arkaana
• Cishadii ka horreysay
• Kama cayn duwanaato

Intii aynu sidaa ahayn adduunkii kale isbeddelo waaweyn baa ka dhacay, oo waxa ba la gaadhay dalal sannadka oo dhan 3 ama 4 bilood oo keli ah uun wax beeran karaa in ay meelo kala dudduwan oo adduunka kale ka mid ah waxyaalo ay soo saareen ay u dhoofiyaan. Innaga oo waqti intaa ka badan wax beeran karna, khayraad kale oo fara badanna dhulkeenna ka heli karnana sannad kasta dadkeenna gaajaa laysa oo tarab tarab baa ay u le’daan. Xasan waxa uu yidhi:

• Wuu guuray qayrkeed
• Xiddigahaa la guud maray
• Iyaduna gelgelintiyo
• Goobtii kamay kicin
• Ay shalay guhaadkiyo
• Geerida ku mudatoo


Maansooyinka abwaan Xasan Cabdi Madar aad baan u jecelahay. Waxa ka buuxa aqoon iyo murti badan. Waa maansooyin marka aad akhrisato aad markaaba garanayso in uu nin aqoonyahan ahi tiriyey. Murtidaa qiimaha leh ee uu Xasan inoogu deeqay aad iyo aad buu ugu mahadsan yahay.

Qore: Ahmed Iid Aadan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."