Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Buugga Masraxiyaddii Aqoon iyo Afgarad. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 02/09/2017 oo ahayd maalintii labaad ee Ciidal Adxa ayuu gacantayda soo galay buugga laga qoray Rawaayaddii caanbaxday ee Aqoon iyo Afgarad. Waxaana gacantayda soo gaadhsiiyey Muuse M Ciise (Dalmar) oo dhawaan ka yimi Somaliland. Xiise gaar ah ayaan u qabay in aan akhriyo, oo xusuustaydii carruurnimo ilaa anigoo dhallinyaro ah ilaa maanta si aan u maqloba dhegahayga kama fogayn Masraxiyaddaas la magacbaxday Aqoon iyo Afgarad.

Laakiin marna maan arag iyadoo la dhigayo, iyadoo dhammaanteed laga sheekaynayo ama iyada oo qoran midnaba. Waxa aan yaraantii ku soo kacaamay hadalhaynta Masraxiyaddaas, oo berigaa aan yaraa aan maqli jiray waxa sameeyey Maxamed I Warsame (Hadraawi). Beri danbe ayaan maqlay in aanuu keli ku ahayn Hadraawi ee macallimiin badan in ay wada sameeyeen. Xilli ka sii danbeysay baan maqlay Masraxiyaddaa waxa wada sameeyey Hadraawi, Siciid Saalax iyo Maxamed Xaashi Gaarriye IHN-tee. Buugganna waxa ku cad in ay afar macallin ahaayeen oo waxa ii soo kordhay nin afraad oo la odhan jiray Muuse Cabdi Cilmi (Muuse-Gadhle) IHN-tee.

Wixii qoraal sugan gala ayaa xaqiiqda loo dhowaadaa. Aad baan ugu farxay buuggaas dhawaan soo baxay ee ay daabacday, isla markaana faafisay shirkadda buugaagta ee LOOX. Macallin Siciid Saalax Axmed ayaa isaguna hambalyo gaar ah innaga mudan, sida uu buuggaas ugu tuntuunsaday soo bixiddiisa, oo ay ka horreysay taariikh dheer oo ay isla soo mareen sidii buuggaa loo daabici lahaa. Marka uu buugga qorayo qof ka mid ah afartii wada sameeyey Masraxiyadda Aqoon iyo Afgarad, waxa uu kuu sawiri karaa xaaladdii ku xeernayd oo faahfaahsan. Sidaa awgeed buu buuggu dhadhan gooniya leeyahay marka sawirkaa guud laga bixiyo. Waxa uu si gaar ah ugu sii dhadhammayaa qofkii ku soo kacaamay hadalhaynta sheekada Aqoon iyo Afgarad.

Anigu ma gorfaynayo buugga, balse waa uun baal dareen aniga ah oo aan sawiranayo tan iyo yaraantaydii Sheekadaan maqli jiray oo buug ku qoran oo aan akhriyey, fahmay, gartayna dulucdii ay xanbaarsanayd. Waa qoys soomaali ah oo xoolo dhaqato ah, beeralayna ah oo dhibaataysan, xoolihii cudur kaga dhacay, oo abaari u dheertahay, beertii oo aan si fiican ugu bixin, dhaqaale xumo, dhaqan adag iyo isdiiddooyin farabadan oo reerka dhexyaal ayaa inantoodii Dahsoon idhabeelaysaa, dam waxba arki mayso. Dhakhtarku dawadii uu u qorayna waxba ka tari mayso ee xanuun bay ka sii qaadday. Halkaas indha'la'aantu waa god. Meesha kale ee sartu ka qudhuntay waa afgarasho la'aan iyo kala qaybsanaan ku timi dhallintii wax soo baratay oo kala ah qayb af talyaani wax ku soo bartay, kuwo carabida ku soo bartay iyo qaar kaloo af ingiriisi ku soo caanamaalay. Intaasoo midba midka kale aanuu waxba ka dhegaysanayn ayaa dalkii hoggaanka u noqday.

Indha'laantaas waxa aad mooddaa in ay halkii weli joogto xaaladda bulshada soomaalidu, inkastoo macallimiintii masraxiyadda sameeyey ay dawadii heleen oo ku mudeen Dahsoon, oo ahayd inantii indhabeeshay oo ay sidaa ku bogsatay, laakiin rajo ayey qabeen ee way ka sii dartay, oo dawa la'aantaasii waa tii laba ka mid ah afartii sameeyey Aqoon iyo Afgarad ay ugu tallaabeen Itoobiya, waa Hadraawi iyo Gaarriye.  Dawadii ay heleen macallimiintaasi, way taallaa ee sidii dadka loo cabsiin lahaa ayaa malaa adkaatay. Inay dawadaasi dhacdayna laga yaabaa.

Macallin Siciid Saalax, waxa aan ku hanbalyeynayaa sida odaynimada ah ee aanuu u kala sheegin Masraxiyadda iyo siday u kala lahaayeen hal-abuurka iyo midhaha ku jira. Waxaanse aad u xiiseeyey dhawr heesood oo caanbaxay oo si gaar ah iii taabanaya ayaa ku jira, oo aanan hore u ogayn in ay Rawaayaddaas ku jireen, waana kuwan:

Gudcur aan Caddaba Jirin,
Indhahaa Cadceedoo,
Cidla Kaaga weheloo,
Cabsi kaa kaxeeyoo,
Bahal kaala cararee, ...
Addimadu ma ciidmaan,
Culays kaama qaadaan,
Ruuxii curyaan ahi,
Carrabkiyo ishaarada,
Kuma caafimaadee.

Heestaa oo ay ku qaadi jirtay Shankaroon, waxa ay ahayd hees aad u caan ahayd, inay Aqoon iyo Afgarad ku jirtay kollay anigu uma aqoon, hees uun idaacadihii Muqdisho iyo Hargeysa laga sii dayn jiray ayuunbaan u aqaannay buuggan ka hor. Waxa kaloo ka mid ah hees uu qaadi jiray Maxamed Mooge IHN-tee oo aad loo fasiri jiray, waxaana midhaheeda ka mid ahaa:

Walaac anigoo ku seexday,
Maxaan walbahaar la toosay,
Wareer anigoo asqaysan,
Maxaan werwer jiifi waayey,
Maxaan sida weer cadhaysan
Saqda dhexe gaafwareegay
Intuu Waqal ii hillaacay
Maxaan kula rooray weelka,
U baydhay wadiiqo leexsan
Wakhtigu i tilmaami waayey,
Waayeel dadoow
Inaan waalanahay
Duni weer siddoo
Weligeed dhintoo,
Wacadkiyo Xadkii
Weydaarataan,
Weetaynayaa.

Heestaasina waa hees aad loo dhegaysan jiray, oo fasiraraadda dadkuna ay uga war bixin jireen siyaabo kala jaadjaad ah oo yaab leh, naxdin leh werwer leh. Waxa aad heestaa loogu dhegaysan jiray cajaladihii Rikoodhka ee Maxamed Mooge u gaarka ahaa. Bal heestanna u fiirso oo inta ila garanaysaa dhadhankeedii qiirada huwanaa iyo wadaninimada aan waligeedba la hanan, waa la helay ee waan la hanan ilaa maanta. Heestan waxa qaadda Shankaroon oo ahayd heesaa caan ah, waxa heestan laga dhadhamin jiray halgankii iyo rajo abuur dedaal cusub. Waxa midhaheeda ka mid ahaa:

Wuxuu Galawgu qayshaa,
Ama fiintu goohdaa
Gudcur kugu ballaadhaa
Gabbal kaa madawyahay
Badi kugu galgalataa
Kugu gaafwareegtaa
Cirku kugu gadoodaa
Gabaddano ku qabataa
Webi kula gurguurtaa
Kolba gacan ku qaadaa
Geeriyaad nasiibkaa
Marka uu ku geeyeed
Ku gunaanad weydee.

Axmed Guray ma uu dhiman
Ma goblamin Darwiishkii
Geenyadu ma daallana
Ma afbeelin gamastii
Waxaan uga gol leeyahay
Haddii geesi ii kaco
Geyaankayga waan heli.

Saddexdaa heesood iyo kuwo kale oo ku jira oo wada caan ahaa, oo aad ka xasuusan karto, Waan soo socdaa kowdheh, Waxna waan sidaa laba dheh, Saxarlaay ha fududaan... ayaad mooddaa in dhegtaydu mar uun maqashay in heesahaa midhahooda uu Hadraawi lahaa, mise si qaldan baan maqlay. Waxa aan isweydiiyey sababtii masraxiyadda dhammaanteed loogu magacaabi jiray Hadraawi, ma laga yaabaa heesahaa caanbaxay in uu isagu midhaha lahaa, ama badidooda. Dabcan anigu heesahaasi inay kuba jireen masraxiyaddan caanbaxday ma moodayn, aan ka ahayn "SAXARLA". Mar kale waan uga mahadnaqayaa sida aanuu qoraaga buuggu waa Siciid Saalax Axmed u kala saarin qofba inta uu lahaa, waxay ku qurux badantahay sidan uu u soo diyaariyey waayo waa hawl ka dhaxaysay afartooda oo waayaha wadaagayey, walaalo ku noqday danta guud iyo wacyi gelinta bulshada. Afartoodii maanta waxa nool Qoraha buugga Siciid iyo Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) Ilaahay labadoodaba cimri dheer iyo caafimaad iyo cibaado suubban baynu uga barinnay aamiin.

Wixii gorfayn ah kollay dadka aqoonta u leh ama wakhti gelin kara ayaan u dhaafayaa, waxaanse jeclaystay in aan tilmaamo, kooban ka bixiyo waxoogaa yar. Gaar ahaan higgaada oo aan isleeyahay meelo badan ayaa qaldan, oo u baahnaa in aad indhaha lagu fiiqo, oo la tifaftiro si hubsiimo ah, si aanay u gelin madbacadda. Waxa kaloon isweydiiyey hees midhaheeda oo xaraf ku socday ayaa isu bedelay xaraf kale, inkastoo heesta marka la qaadayo oo aan isbarbar dhigay aanay ku jirin qaybta xarafka kale ah waana heestan:

Gudcuraan caddoba jirin,
Indhahaa cadceedoo
[ haddaan Calafba ii gelin
Miyey ii cuntamayaan
..... Dadkuunbaa u maleeyee
Indhaygu dam maahoo
Daawadaydu ma dheeree.

Sidii heestu ugu socotay xarafka C ayuunbay gashay D. Waxa laga yaabaa in heestuna tahay C dabadeedna ay hadal raacinayso ku socda xarafka D. Mar kale waxa aan hambalyo u dirayaa qoraaga buugga Siciid Saalax Axmed iyo dhammaan intii hawshaa la garabgashay. Waxa aan inbadan ku dhiirrinayaa in ay buuggaa akhriyaan,. oo keliya akhris maaha ee in dib loo mtelo ayaa muhiim ah, mar haddii ay inoo qoran tahay waa la dhigi karaa Masraxiyaddaa.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, 06/09/2017 arbaca.



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.