Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från april, 2020

Macallimaddii ugu horreysay ee ka hawlgashay Somaliland 1953 IHN Aamina Macallim Qaasim

Intii aan la furin dugsigii hablaha ee magaalada Burco, waxa waxbarasho kooban loo bilaabay hablo loo dhigi jiray farsamada dawaarka, farshaxanka iyo luuqadda Ingiriisida. Waxbarashadaas kooban ee hablaha waxa laga bilaabay magaalada Sheekh gaar ahaan guri ku yaallay xaafadda Shacabka. Hablahaa waxa ka mid ahayd Aamina Macallin Qaasim, oo aabaheed ahaa macallin caan ka ahaa deegaanka soomaalida gaar haan Somaliland. Markii la furay dugsigii hablaha ee Burco waxa macallimad ka noqotay Aamina Macallim Qaasim, waxyar kadib ayaa loo keenay Edna Aadan Ismaaciil iyo Aamina Jaamac Cadhoole. Si raadraaca, sooyaalka waxbarshada deegaanka Somaliland loo kaydiyo, waa in la qoraa, oo ay gashaa diiwaanka. 

Dugsigii Dhexe Ee Sheekh: Dugsi Dhalanrogmay oo u Baahan in Taariikhdiisa la Kaydiyo

Dugsiga Dhexe ee Sheekh, waa dugsigii ugu horreeyey ee laga furo dalkii la odhan jirey Somaliland Protectorate, xilli ku beegan 1943 (Waa la sixi karaa) taariikhda oo sugan. Waxa ka soo aflaxay arday badan oo kumannaan ah. Waxa ay noqdeen hoggaankii jamhuuriyaddii Soomaalida iyo ka horba intii maamulkii Ingiriisku joogay. Intii aan la furin dugsigii sare ee Cammuud, waxa uu ahaa dugsiga ugu sarreeya ee dalka ka jiray xillagaas.