Fortsätt till huvudinnehåll

Macallimaddii ugu horreysay ee ka hawlgashay Somaliland 1953 IHN Aamina Macallim Qaasim


Intii aan la furin dugsigii hablaha ee magaalada Burco, waxa waxbarasho kooban loo bilaabay hablo loo dhigi jiray farsamada dawaarka, farshaxanka iyo luuqadda Ingiriisida. Waxbarashadaas kooban ee hablaha waxa laga bilaabay magaalada Sheekh gaar ahaan guri ku yaallay xaafadda Shacabka. Hablahaa waxa ka mid ahayd Aamina Macallin Qaasim, oo aabaheed ahaa macallin caan ka ahaa deegaanka soomaalida gaar haan Somaliland. Markii la furay dugsigii hablaha ee Burco waxa macallimad ka noqotay Aamina Macallim Qaasim, waxyar kadib ayaa loo keenay Edna Aadan Ismaaciil iyo Aamina Jaamac Cadhoole.

Si raadraaca, sooyaalka waxbarshada deegaanka Somaliland loo kaydiyo, waa in la qoraa, oo ay gashaa diiwaanka. 


Sida ay Edna Adan ku sheegtay waraysigii ay siisay barnaamijka Xusuus Reeb ee weriye Ducaale. Waxay kaga warrantay ardaydii ugu horreysay ee dugsigaa ku jirtey markii ay macallimadda ka noqotay. Waxay sheegtay inay ahaayeen 26 arday oo hablo ahaa, waxaana ka mid ahaa:

1. Amina-Weris Maxamed Jirde
2. Aamina Adan Yaaxeen
3. Shamis Xudhuun
4. Mako Jaamac
5. Deeqa Colujoog
6. Ruun Maydhalaalis
7. Raaqiya Xaaji Ducaale
8. Saakin Jirde
9. Xaliimo Axmed Yey

Tiradaasi waa inta ay waraysiga ku sheegtay, laakiin waa ilaa 26 arday. Taariikhda la furay dugsigaa waa 1953kii. Waxa xusid mudan, inta badan hablahaas waxay ahaayeen aabbayaashood intii ugu caansanayd dalka xilligaa, ee gaar ahaan ku jiray ganacsiga ama mamulka ku jiray.

FG: Maxaad ka xasuusataa ama aad ka haysaa taariikhdaas waxbarashada hablaha ee Somaliland
-----------------------------------------------------

Raadraac: 

Weriye, Maxamuud Cali Ducaale Barnaamijka Xusuus Reeb ee HCTV
-Rashiid Sh Adan Xasan oo iiga warramay
- Cibaado Xaaji Xasan Khaliif, oo ka mid ahayd hablihii ay isku ardayda ahaayeen Aamina Macallin Qaasim.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012