Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005
Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."
Cabdillaahi Cawad Cige, maaha qoraa keliya, ee waa Abwaan ku caan baxay gabayada. Maansada soomaaliyeed waxay u kala baxdaa laamo farabadan. Malaa danbi iga raaci maayo haddaan idhaahdo Maansada soomaalida waxa ugu sarreeya gabayga!. Hadaba qoraaga buuggan qoray waa gabayaa. Wuxuu tiriyey gabayo aad u miisaan badan oo bahda quudata maansadu ay garan karaan inuu Cabdillaahi yahay gabayaa weyn! oo haybad u helay laamaha maansada soomaaliyeed kuwooda ugu sarreeya...waa gabayga'e. Mar haddii Cabdilahi yahay gabayaa, oo miyuu qoraana ku darsaday. Haa! oo waa qoraa laga yaabay buuggiisii ugu horreeyey.
Dadka soomaalidu waxay soo mareen. Xilli ay isgaadhsiintoodu ahayd maansada noocyadeeda. Maansooyin-ku waxay dadka ugu jireen meel muhiim ah oo waxay dadka u ahayd bare "macallin". Waxay u ahayd dagaal-gelin, nabadayn, isu faan, wacyi gelin, ammaan iyo waxkasta oo taabanaya bulshada sida ka hadalka barwaaqada, jiilaalka iwm. Marxaladaa waxa bedeley xilligii fanka iyo bilawgiisii. Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi sinimoo, Cabdillaahi Qarshe, Barkhad cas, Khadiijo balwo, Guduudo Carwo, Cali Sugulle, Xasan Sh Muumin, Cumar Dhuulle oo aan leeyahay intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto inta noolna barwaaqo iyo bashbash ha ku waaraan aamiin. Xubnahaas iyo qaar kaloo badan ayaa noqday ababiyayaasha bulshada, dagaalgelinta, nabadaynta iwm.
Marxaladdaana waxa bedelay maansooyin aan la mid ahayn kuwii hore oo ragga tiriyaa inta badan aanay markiiba maskaxda ka tirin ee qora maansada ay tirinayaan. Xubnahaasina waxay soo kordhiyeen dagaal cusub oo loo adeegsado maansada. Kooxdaa waxaan ka xusayaa Maxamed I Warsame "Hadrawi", Siciid Saalax Axmed, Cabdi Adan Qays, Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye. Kuma koobna xubnaha aan magaacabay ee boqolaal kor bay u dhaafayaan. Ujeedadayda aan u soo dhaadhaco. Markasta waxay bulshada soomaaliyeed dareensanayd in wax ka maqan yihiin, oo tolow! maxaa kamaqan! Way garanayaan waxa ka maqan oo goobkasta oo lagu kulmo waxay isku raacaan soomaalidu meelkastaba ha joogee ilaa Jabuuti ilaa Qaybta waqooyi ee kiiniya. Maxaa wax loo qori waayay! Arki maysid dadka ku habboon qoraalka oo arrinkaa ku dhaqaaqaya. Dabadeedna dad badan ayay u soo baxday, waar! waatanoo dadku qoraallay u baahan yihiine, oo maxaad adiguba u bilaabi wayday...dee! waa meel aan cidkaa horraysaa oo aad tartan la gashaaba jirin.
Taasi waxay keentay in buugaag waxoogaa ah oo afsoomaali ku qoran, balse tayadooda! yeelkeede la odhan karo waa la dedaalay ay soo baxaan. Wax kastaana xilli bay leeyhiin. Maanta waxaad mooddaa in buugga la magacbaxay "Ladh" uu jebiyay gidaar weyn oo soomaalida horyaallay. Waa buuggii iigu horreeyay ee afka soomaaliga ku qoran ee aan ka akhriyo sheeko male-awaalkeedu xiddigaha ku geynayo, marna dhulka aad hoos u xulaysid. Marbaanaad garan-karin! halkaad joogtaba oo aad isweydiinaysaa, Ma miyir qab ayaad akhriyeysaa? Mise waalli. Sheekadu ma dad waalan bay ka warramaysaa, mise dad miyir qaba. Maadaama oo aan kasoo sheekeeyey qaabka bulshada soomaaliyeed wax isugu gudbin jirtay, waxaan qabaa maanta dadka soomaalidu gaar ahaan reer magaalku ma dhegeystaan "Maansooyinka" maba fahmaan. Heesihii guubaabada ee ilaahay ha u naxariistee Cabdillaahi Qarshe cid ay maanta ku duxaysaana ma jirto, oo lamaba dhegaysto. Hadraawi iyo kacaankiisiina, maanta lagama hoos qaado.
Maadaama sidaasi jirto waa in bulshadu heshaa qaabkii ay qaadan kari lahayd. Taasina waa buugaag la qoro. Kuwo sheeko jacayl ah xanbaarsan, kuwo khayaalkoodu dayaxa ku geyn karo, kuwo run ah, kuwo taariikh xanbaarsan iyo noocwalba. Waxay dhammaantood salka ku haynayaan waa ujeedo uu buuggu xanbaarsanyahay. Waa farriin loo gudbinayo bulshada, waa suugaantii aynu baranay in suugaantu tahay maansada oo keliya, ayaa maanta inoo bilaabmaysaa in suugaantu tahay xitaa buuggaagta la qoro ee xanbaarsan sheekooyinka kala jaadjaadka a. Marlabaad haddaan hoos u sii dego. Buugga "Ladh" wuxuu ku saabsanyahay gabadh la yidhaahdo Khadiija, waxaan sheekada ka madhnayn dadkale oo badan oo siyaabo kala geddisan ugu xidhiidhsan Khadiija sida ninkeeda Saalax oo kale. Buuggu wuxuu siyaab-leh u dhexgelayaa dhibaatooyin dhab uga jiray dhulkeenna, balse si ay ku dheehan tahay male-awaal aad u sarreeya ayuu qoraagu innoo tusayaa sawiro maskaxeed aan si fudud loo sharxi karin.
Waa hubaal in dad badani buuggan dhalliili doonaan. Waayo qoraagu kamuu gabban xumaanta iyo dhibaatada bulshadeena haysata. Wuxuu meesheeda ugu tegay xumaanta dhextaalla rag iyo dumar. Isagoo taabanaya halka Sartu! ka qudhunto. Ilaa Arraweelo ilaa maanta ficilka ina-rag iyo haween dhexyaalla ayuu dooxayaa qoraagu. Kamuu tegin maamulkii kharribnaa ee dabeecadaha xumaa qaybta uu ka qaatay, dhaqan bi'iskii bulshada ku dhacay. Qoraagu muu ka booddin jannaalayaashii xoolahay sacuudiga kasoo shaqaystaan ku malgi jiray reer nabad ku seexday. Dhibaatada qotodaa leh waa hubaal inay abuurayso bulsho waallan oo isla hadlaysa. Bulshada waxbaaba ka hadhi lahaa haddii qaybi waalan tahay ee waxa iskaba raaciyey sunta cagaaran ee qaadka bal intan yar ee hoosta ku qoran dhadhanso.
Sheekada qaar waxa layidhaa, waa sheekadii merfeshka. Waxaad arkaysaa nin marqaankii jaadku gaadhay oo maaraynaya arrinkii adduunkoo dhami u taagwaayey. "Wallaahi carabaataasaan rag ahayn, bal may Masar! dhinacaa hirdi kaga soo dhufato, oo Suuriyana harraati u dhiibto, wallaahi inaan la arkeen Israaiil danbe".
Ninka xalkaa gaadhayaa wuxuu fadhiyaa merfesh ka mida kuwa London. Ninkaa maskaxda miidhani, isagaa talo u baahan, xitaa ismuu weydiin sababta isaga keentay London. Dhacdooyinkaasi waa kuwa ugu yar ee buuggu taabanayo. Ujeedada ugu weyn ee buuggu inna farayaa waa bulshada soomaaliyeed oo uu qaawinayo xumaanta la dhexfadhiyo. Gaar ahaan wuxuu tilmaan ka bixinayaa sida ay u nool yihiin qoysaska soomaalida ee ku nool qurbaha. Ugu danbayn waxa hubaal ah in buuggu yeelan karo dhalliilo. Anigu waxaan saluugay dhawr sheeko oo xiisa lahaa oo is barbar socday oo qaarkamid ah aan sii xiisaynayay oo halkii ku badhgo'ay.
Balse waxaanaan maanta dhalliil kale u sii galayn. Dhalliishaba waxa qarinaysa sheekada nuxurkeeda, oo dee! ilaa malaa dhawr jeer la akhriyo aan si fudud kuu hor imanayn. Waa laga yaabaa higgaada in khaldaad ku jiro, laakiin taasi waa mid aan qoraagu ku khaldanayn. Waxa kaloo dhici karta in uu dadka qaar ku adkaado. Tusaale ahaan qof ay ku adagtahay lahjadda uu buuggu ku qoranyahay, waa hubaal in fahamkuna ku yaraado. Iyo sheekada laftigeeda oo khayaal-maskaxeed-ka, sawir-maskaxeedka, islasheekaysiga iyo Male-awaalka uu qoraagu soo hurgufay ay ku adkaan karto dadka qaar. Taasoo aan odhan lahaa Mudane: Qoraa! noo kala yaree oo noo khafiifi...dadku dadkii hore maaha'e.
Ugu danbayn waxaan hanbalyo u dirayaa Cabdillahi Cawad Cige oo ah qoraaga qoray buugga "ladh". Waxaan kaloo hanbalyo taa lamid ah u dirayaa Jama Muse Jama oo ah soo saaraha buuggan yaabka leh. Hambalyo. Dadwaynaha nasiibka u helay inay akhriyaan maqaalkan, waxaan ku guubaabinayaa yaan, lagaaga horrayn ee buuggaa taariikhda galay nuqul raadso.

Kommentarer
Skicka en kommentar