Fortsätt till huvudinnehåll

Macallim, Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali Gaadaale: "Aabbihii tacliinta, barbaariyihii bulshada, halgamaa u soo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa.


Qodmagoolay iyo buu ahaa tiirmuraayada tariikhdiisu waa muush hadaan lagamasuugaye.

Markay taariikhdu ahayd 08/09/2012, ayaa lagu aasay Qaasim Xaaji Maxamed Xaaji Cali Gaadaale, xabaalaha guriga Dariiqada ee magaalada Sheekh.

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, Qaasim waxa uu ahaa barbaariye, soo barbaariyey kumaankun qof oo maanta ku kala nool dacallada adduunka. Waxa uu ahaa macallin, wax wanaagsan baray carruur maanta aan

carruur ahayn ee ubad kay dhaleen ay ubad sii dhaleen. Waxa uu ahaa, halgamaa ka dhex muuqday kontomaadkii, halgankii gumaysi la dirirka oo uu safka hore kaga jiray. Waxa uu ahaa aabbo tacliinta ku soo kordhiyey manhaj isagu is wada oo uu maalkiisa iyo maankiisa ku abuuray. Waxa la wada qirayaa in uu cimri dheer ku noolaa caafimaad iyo sharaf. Meel kasta iyo goob kastaba fadhiga ayaa looga kacayey. Dad badan oo aan odhan karo boqollaal kun baa magaciisa garanayey, kuna yaqaannay wanaag iyo geesinnimo.

Qaasim Xaaji Maxamed waxa uu ka soo jeedaa qoys Ehlu diin ah oo caan ka ahaa deegaanka Somaliland. Waxa uu ku barbaaray guriga Dariiqada Sheekh oo ah goob ka duwan deegaanka intiisa kale. Waa deegaan, ay ku bahoobeen dad badan oo ka soo kala jeeda beelo kala du-duwan. Xilli ku beegan badhtamihii kontomaadkii ayuu Qaasim si geesinimo ah u galay halgankii gummaysi la dirirka. Waxa in badani goob joog u ahayd in kaloo badanina maqashay sidii uu u abaabuli jiray halgankii lagula dirirayey maamulkii Ingiriiska. Isla xilligaas ayuu dhinaca kalena ka waday barbaarinta carruurta, furidda malcaamadaha iwm. Halgankii danbe ee dhiigga badani ku daatay ee lagula diriray nidaamkii keli taliska ahaa ee ka jiray jamhuuriyaddii soomaalida. Waxa uu marxuumka safka hore kaga jiray iska caabintii ay bulshadu kaga hortagtay cabudhintii iyo jahligii lagula kacay bulshada. Halgankaas oo ay hormood ka ahayd jabhaddii SNM, marxuumku kaalin muuqata ayuu kaga jiray halgankaas.

Kumuu koobnaan jirin deegaan keliya ee muddooyinkii danbe oo dhan waxa uu wakhtigiisa ku dhammaystay sidii uu u furi lahaa dugsiyada qur'aanka. Ma hayo tirakoob balse kama yara boqol dugsi Qur'aan. Goobaha uu ka kala furay waxa ay u dhexeeyaan---inta aan ogahay deegaanka Oodweyne, Burco, Sheekh, Haqaya-malaasle, Go'aha, Sheekh Abdaal ilaa iyo deegaanno kale oo kala durugsan. Kollayba waxa hubaal ah in la ururin doonno taariikhdiisii dheerayd iyo waxqabadkii aanuu maalinna ka nasan. 

Waxa aan se jecelahay bal in aan qoraalkan tacsida la socda aan ku yara eegno malcaamadihii uu furay iyo qaab-kay ahaayeen. Bilawgaba waxa aad iska illawdaa in ay kuu sawiranto malcaamad geed hoostii ku taalla. Aan sii yara iftiimiyo. Sannadkii 1978kii ayaan tegey Burco waxa aan u sii dhaafay Hargeysa oo xilligaa la mari jiray dawgii Go'daWeyn sii mari jirey. Xilligaa waan da'yaraa oo 11 jir baan ahaa. Magaalada Hargeysa iyo Burco wax badan oo ila qurux badnaa baan kula kulmay, laakiin waxa aan aad ula yaabay malcaamadaha ku yaallay oo u badnaa geed hoostii oo ardayduna ay ku fadhiyeen dhagxaan iyo daasado. Aniga oo malcaamadda ka bilaabay---malcaamad ka mid ahayd kuwii uu furay Macallim Qaasim waxa ay ahayd daar dhagax ka samaysnayd. Waxa ay lahayd sabuurad, waxa lagu dhigan jiray afcarabiga, afsoomaaliga iyo dabcan qur'aanka oo ahaa ka ugu mudan. 

Dugsiyada Qur'aanka ee uu Qaasim furay, waxa ay u dhigmayeen manhaj dhan oo ay maamulayso wasaaradda waxbarashadu. Waxa uu ka dhignaa in uu ahaa wasiirkii waxbarashada, isla markaana ahaa maamulhii dugsiga oo ka sii ahaa macallinkii dhigayey dugsiga. Marka uu dugsi-qur'aan meel ka furoba, waxa uu kaga tegi jiray macallimiintii, sii wadi lahayd. Xilliyada qaar waxa uu soo kormeeri jiray dugsiyada uu furay oo dhan oo ku qaadan jirtay safar dheer. Cid uu lacag kaga doonayey ma ay jirin ee dar Ilaahay buu hawshaa u waday. Waxa aynu in badan maqalnaa aabbayaashii tacliinta. Innagoo u jeedna aabayaashii bilaabay waxbarashada casriga ah, laakiin waxa aan odhan karaa aabbayaasha waxbarashadu kuwaa kuma koobna. Waxa aan jecelahay in aan la wadaajiyo qoraalkan laba marxuum oo ka mid ahaa abbayaasha waxbarashada ee dalkeenna gaar ahaan manhajka diiniga ah ee sidan macallin Qaasim u soo halgamay.

Sheekh Cali Ibraahim, oo deggenaa Hargeysa iyo Sheekh Adan Xasan (Kulmiye) oo deggenaa magaalada Sheekh IHN, waxa ay ka mid ahaayeen culimadii taageer-tay in la oggolaado manhajkii maamulkii ingiriisku ay soo dejiyeen. Manhajkaa oo hormood u ahaa Maxamuud Axmed Cali, waxa ay odayaashaasi ku dareen in manhajka lagu daro barashada diinta Islaamka. Taas oo Sheekh Cali Ibraahin iyo Sheekh Adan ba ay ka hawlgaleen wasaaraddii waxbarashada ee Somaliland, kana noqdeen macallimiin dhiga barashada Diinta Islaamka. Haddaba Macallin Qaasim waxa uu isaguna ahaa wasaarad goonni ah oo si gaar ah halgankiisa u muujiyey. Waxa aan ku soo gabagabaynayaa, Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ubadkiisii, iyo ubadkay sii dhaleen iyo kuway sii dhaleenba samir iyo iimaan. Dhammaan bulshada reer Somalilandna samir iyo iimaan ha ka siiyo---aamiin. Taariikhdiisa oo faahfaahsanna waa la ururin doonaa. Si taariikhdiisu ugu xardhanaato wanaagga iyo barbaarintii Macallim Qaasim waa in lagu xusaa goob ka mid ah goobaha Somaliland sida Madaarka Burco oo kale.

Wa Billaahi Tawfiiq
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.