Fortsätt till huvudinnehåll
Geeridii Gadhley Sheegayeen gacal-hawaayeene 

 
W/Q, Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
02/2006-Sweden

Geeridu waa xaq. Nafkastaaba way dhandhamin doontaa geerida. ILaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee waxa dhowaan ku geeriyooday magaalada Jabuuti Abwaankii caanka ahaa Ibraahim Sulaymaan "Gadhle".
Wuxuu ahaa hal-abuure safka hore kaga jirey suugaanta soomaaliyeed. Wuxuu ahaa halgamaa adeegsan jiray haybaddiisa hal-abuurnimo. Dhinaca fanka kale wuxuu ahaa nin qoraa ah oo qoray rawaayado aad u farabadan....
Naxdinta aan ka naxay geerida marxuum Ibrahim "Gadhle", waxaan xasuustay gabaygii baroor-diiqda ahaa ee uu tiriyey ilaahay haw naxariisto'e Cali Jaamac Haabiil, seben haatan laga joogo qarni ku-dhowaad, mar loo sheegay nin uu aad uga naxay geeridiisa oo la odhan jiray Xirsi.
  
  Waxaana ka mid ahaa gabaygaas:
  
  Faaraxow galgaladkaan dhigiyo, gama' la'aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan, gawska uga daayey
Geeridii Xirsey sheegayeen, gacal ha waayeene
Gablamooyin waxay ii wadeen, guuldarriyo hooge
Gabbal baa u dumey reerihii, geliga Booc yiille
Abidkii rag waa go'i jiree, tanise waa gaw e
Lixhal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi:

  
  Hadaba waxaan leeyahay: "Geeridii Gadhlay sheegayeen gacal ha waayeene". Inkastoo geerida siyaabo kala jaad jaad ah looga naxo, balse ta muhiimka ahi waxa weeye in qofkastaaba uu xasuusto in maalini sugayso oo uu u sii shaqaysto. Ujeedadu maaha muxuu hebel u dhintay, ee waa xasuus loo baahanyahay in aad ku xasuusato maalintaada. Dhinaca kale qofba waxbaa lagu xasuustaa. Waxaana jira qof dad badan u noqda tusaale. Waxaan xasuustaa maansadiisii yaabka lahayd ee uu marxuumku kaga hadlayey keligii taliyihii dalka ka talinayey (Maxamed Siyad Barre) markii la ridey, isla markaana uu kala dardaarmayey cid alla ciddii dalka maamulkiisa qabata. Ma hubo--- waxaanse ku wadaa inay maansadaasi soo baxday 1991-kii.
Dhextaalkeeduna ahaa "Ducataye maxay dhali?" Haddaan maansadaa waxyar kasoo qaato,
waxa ka mid ahaa:
  
  Waar! hoy! dadkaygoow
  Laba daan dhexdoodiyo
  Dalqo bahal qof galayoo
  Dirqi iyo tu fool adag
  Debedda ugu soo baxay
  Halkii shalayto lagu dilay
  Ma dareemi waayee
  Durba miyaa iloowdeen
  Duunyadiinii dhacantiyo
  In dadkiinii maqanyahay
  
  Isla maansadaa isagoo qaabkale u dhigaya oo tilmaamaya tusaalaha ay maansadaasi
xanbaarsantahay ayuu yidhi:
  
  Sheekadu dorraatiyo
  Dibu gocasho weeyaan
  Duul aan baraarugin
  Durbaankoodii weeyaan
  Intuu ololku dami laa
  Dunqulaali weeyaan
  Daantaa wixii jiray
  Dabayl qaadda weeyaan
  Waxa daafta kale yaal
  Daad ha qaado weeyaan
  Dawgii rasuulkaynu
  Ku dareerro weeyaan
  
  Farasoow dameeraha
  Halla daaqin weeyaan
  Biyahana dadweynaha
  Deeqsiiya weeyaan
  
  Ilaahay haw naxariistee, xigmadda uu ka tegey abwaan Ibraahim "Gadhle" bal u fiirso baydkan iyo sida uu u tilmaamayo in danta iyo xarrago ay u kala fog yihiin.

  
  Shaadhkaaga duugga ah
  Yaanuu damacu kaa furin
  Waa dillaacsanyee tuur
  Dantu kuma faraysee
  Dib u sii karkaro bay
  Dooddani ku leedahay
  Xariir taal Dukaan
  Indhaha daawo kugu yidhi
  Iyagaa danbiile ah.
  
  Maansadaas oo dheerayd waxaan ku soo koobayaa baydkan talada iyo digniinta isugu
jira.
  
  Waar! hoy! dadkaygoow
  Taladii dullaantaa
  Daadays ka curataye
  Maantana duqdeenii
  Soo dununuc reentaye
  muska degelka saartaye
  Ducataye maxay dhali
  
  Ma siday dorraatoba
  Markii sheekhu daakiray
  Weeraha u ducatay
  Maantana dugaag dhali?
  
  Mise daabbad awriyo
  Rati doobbir badaniyo
  Biyo madaadiyey dhali?

  
  Ilaahay naxariistii janno ha kawaraabiyo marxuum Ibraahim "Gadhle", aamiin ehelkii iyo qaraabadii iyo dhammaan dadka soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha kasiiyo aamiin. Marxuumku wuxuu ahaa taallo u taagan suugaanta soomaaliyeed wuxuu ahaa halgamaa aan eraygiisa la baqan, wuxuu eraygiisa ugu hiiliyey dad badan oo la dulmayey, dhibaato iyo caga juglaynna lagu hayay. Waxa lagu xasuusan doonaa wanaag fara badan oo uu dadkiisa uga tegay.
Waxa lagu xasuusan doonaa maansada aan dhiman oo jiri doonta intii ilaahay ka dhigo. Maansadan hoosta ku qoran wuxuu tiriyey xilligii halgankii reer Jabuuti ay xornimadooda u halgamayeen. Waxaana loogu luuqeeyaa maansadaas si aad iyo aad.......... aad uga jidhidhicoonayso oo ruxaysa
dareenkaaga.
  
  Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Sheekh Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

  
  Xikmadda ama halkudhegyada uu marxuumku ka tegey waxa ka mid ah.
  
  "Maalkaagu yuu noqon, mid masaajid lagu gubo"
  
  Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey
  Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."