Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Buugga (Diihaal-Reeb) "Gebagabada sheekada, gidaarkuu fadhiyi jirey, Saxardiid ma guudmaray"

Buugga la magacbaxay (Diihaal-reeb), waxa qoray qoraa aad loo wada yaqaan, ahna inta qalinka u qaadatay in ay ugu adeegaan bulshadooda. Waa Khaalid Jaamac Qodax oo deggen Hargeysa. Buuggani waa kiisii labaad, wuxuuse kani kaga duwanyahay, waa sheeko mala-awaal ah oo uu isagu maankiisa ka curiyey. Bal marka horeba aan inyar ka idhaahdo buugga iyo muuqaalkiisa. Waa
buug yar oo qofkastaa qaadan karo, jeebka ayuu kuu gelayaa, haddii aad gacanta ku sidatana kuma dhibayo. Waxa aad mooddaa in qoraagu inoo dooray qaabkaa, oo uu dareensanaa in akhristayaasha uu u fududaan karo qaadashadiisu. Midabka buuggu waa madaw, dhexda meel inyar ka sarraysa ay midab caddahay. Waxa aan u macnaystay noloshii mugdiga gashay oo iftiintay. Waase laga yaabaa in ay macneyaal kale xanbaarsantahay iyo in farshaxanka sameeyey uun sidaa jeclaaday.

Waxa uu buuggu ka koobanyahay 219 bog. Waa buug sheeko xidhiidhsan oo ku taxan nolosha wiil la yidhaahdo Saxardiid. Waxa uu ahaa agoon, rajay ah, oo waayey ciirsi, waxa uu ahaa inan yar oo aan lahayn cid tilmaanta, inkastoo uu bilawgii la joogay abtigii, kuma raagin ee waxa hoy u noqday gidaar ka mid ah gidaaradda guryaha bilicda san ee Hargeysa. Dadka kama helin naxariistii dadnimo, muslinimo, ama soomaalinimo toonna. In muddo ah ayuu sidaa ku jiray. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa laga soo qabtay gidaarkii, waxa la geeyey xarunta agoomaha. Waxa Ilaahay u soo diray gabadh Canab la yidhaa oo xaruntaa iyadu yagleeshay. 

Allahayoow haweenka noo daa! waxa ay tilmaan u tahay in haweenku uga naxariis badan yihiin carruurta marka la eego ragga. Qoraagu sida uu doono ha uga jeedee, gabadhaa Canab ayaa sabab u noqotay wax ka beddelkii noloshii Saxardiid ee Mugdiga gashay. Waxa uu noqday wiil firfircoon, dedaal badan, oo waxbarashadana ku fiican. Waxa uu geli jiray kaalinta koowaad, ee waxbarashadii dugsiga hoose, dhexe ilaa Jaamacaddii. Xaruntii Agoomaha, waxa uu uga soo gudbay dugsiga sare, halkaas oo uu ku bartay dhallinyaro badan. Waxa ku cusbayd, in loo arko in uu ku soo koray xarunta agoomaha, oo uu dadka kale ka hooseeyo. Maalin maalmaha ka mid ah arrinkaa dagaal buu ku galay, dhaawacyo ayaana gaadhay. Bulsho aan naxariis lahayn, bulsho liidaysa kii u baahnaa caawimada, kii u baahnaa in la gacan qabto. Bulsho dhiigga iyo dheecaankaba ay ka gashay qabyaalad dhega la, ayuu Saxardiid u soo gacangalay. Malaa gidaarkiisii baa loo qaatay.

Dhibaatooyinkaa waxa uu kaga gudbay, samir iyo isagoo arkayey in aan dadku isku mid ahayn, oo ay jiraan dad wanaagsan, oo fahmaya. Sida Samiira oo uu ku bartay dugsiga sare. Waxa ay barashadoodii gaadhay heer aad u wanaagsan, oo ballan la isu qaaday iyo guur. Guri la yagleelaa, dhisaa waa nolosha ugu wanaagsan haddii naxariis iyo jacayl, iyo wanaag lagu dhiso. Laakiin, dad fikirkooda dhanka maqluubka yahay, miyey maarayn karaan? Waa maya. Guurkaa xalaasha lagu ballamay, ee Saxardiid iyo Samiira jacaylku dhexqaaday, waxa beeneeyey dhaqan ad-adag oo yidhi MAYA. 

Guurkaasi beenaw---Saxardiidna waxa uu guursaday Inaabtidii, aqalgalkiina si fiican buu ugu dhacay. Muddo ka dib Samiiri way maqashay in jacaylkeedii galbaday, oo guursaday ina-abtidii. Waxay qaadday "Calafkaa sidaa waxyidhi---". Qoyskii cusbaa ee reer Saxardiid waxa u soo kordhay wiil yar oo isna sugaya nolol ku taxan geeddi socodka nooluhu maro. Haddii uu saxardiid ku soo koray nolol adag, waxa laga filayaa in uu wiilkiisa ku soo barbaariyo nolol fiican oo naxariisi ka buuxdo. Haddii ubadka laga buuxiyo naxariis waxa ay soo daacaan, oo laga arkaa nolosha bulshada beertay carruur naxariis badan. Haddii carruurta laga dhaamiyo xumaan, aflagaaddo, xasdi, reer hebelbaa xun, innagaa wanaagsan waxa ay bulshdaasi goosataa midhihii ay beeratay. 

Buuggan oo aan leeyahay hambalyo, qoraaga qoray oo aan aqoon u leeyahay, ogahayna kaalinta uu ugu jiro bulshada---gaar ahaan bahda qoraaga. Waxa aan ugu sii hambalyeynayaa mawduuca uu qaatay oo ah mid jira. Waa mid u baahan in wax badan laga qoro. Tusaale waxa la isweydiin karaa carruurta derbi jiifka, maxaa halkaa dhigay. Waxa la helayaa, in ay kala duwan yihiin asbaabaha ka dhigay derbi jiifka. Mid agoon ah, mid aan aabbo iyo hooyo toonna garanayn, oo la leeyahay waa garac (Isagu ma denbi buu galay), mid maalin dhibaato uu sameeyey, lagu soo eryey. Waa kala waayo iyo nolol, waxaa se wadaajiyey gidaarka. Derbijiif, dubjir, lafloow waa dhagax, ciyaalasuuq, intanoo dhammi waa mustaqbalkii berrito, waa midhaha ay buslhadu goosan-doonto.

Maalin uu Saxardiid aad u gaajoonayey, oo uu gaajo darteed hadli kari la'aa, bal yara daymood weedhahan: 

"Mid ka mid ah labadii nin baa istaagay oo ku yidhi, adeer maxaa kugu dhacay waan gaajoonayaa ayuu yidhi Saxardiid isagoo gacanta kor u taagaya. Inta uu naxay ninkii buu, jeebka gacanta geliyey, oo lacag uga soo saaray, kuna yidhi adeer ku cuntee".

Saxardiid nolosha uu soo maray, waxa ay gaadhay halkaa uu gacanta hoodhsaday cid kasta. Waxa uu seexan jiray bannaanka, xataa bisadaha ayaa ka carara oo u hoyda guryaha, iska daa qof baniiaadam ahe. Ku darsa'oo waa carruur kuwa gidaarada jiifa ee xabagta ku cabbaya, ee cid u naxda daayoo, la dhibaataynayo. Allaylehe waa buug dhisaya, tilmaamaya, sheegaya, u hiilinaya carruurta dhibaataysan. Khaalid Jaamac Qodax waxa aynu ka sugnaa, buuggiisii saddexaad, oo waxa aan leeyahay inta qalinku irmaan yahay, erayga qoran ha dayn. Saxardiidna waxa aan leeyahay "Gidaarkaad fadhiyi jirtay, gaar ahaan xasuustii, ka garawday beri hore, bulshadana il gaar-iyo, ku gargaar agoomaha, gidaarada u diid, guurkana, labadii, isu gooni ahaadee, guur xalaala raba, garba-duubku waa MAYA".

W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
26/05/2003 Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.