Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko Gaaban: Beedkii la Koolkoolin Jiray Armuu Innaga Jabaaa !





Ducaale waxa uu ku soo noqday gurigii Carraale. Markii uu waxyar u soo jiro ayuu kadinka kula kulmay Digaale oo ka sii baxaya. “Salaamu Calaykum” Balse Digaale salaantii kama qaadin ee orod buu ku dhaafay odaygii. Oday Ducaale hore ayuu u sii socday oo istaagay kadinka aqalkii Carraale. Waaryaahe! Carraale oo ninkan xiiqsan ee guriga ka soo baxay muxuu ahaa? Waa ninkii aan kuu sheegayey ee wanaagsanaa, waa Digaale oo runtii waa nin aad u waayo-arag ah oo badda iyo




berrigaba ka soo cabbay” Sidaa waxa yidhi Carraale oo dhinac u jiifa oo jiqlaystay dhagaxweyn oo aqalka dhiniciisa ku tiirsanaa. Oday Ducaale oo xasuustay ninkii horeba magaciisa loogu sheegay ee Digaale, oo aan salaantiiba ka qaadin iyo hawshii uu odaygu ku dhexjiray ayaa Carraale ku yidhi: “Niman-kii aan u tegey go’aan wanaagsan ayaan kala soo kulmay, waanay iga aqbaleen in aan idin dhexgalo.



Oday Ducaale hadalkii ayuu sii watay oo yidhi: Waxa aan kaga imi in manta salaadda duhur dabadeed aynu geedkaa hadhka wanaagsan isugu tagno dhammaan. Labadooduna ay soo kaxaystaan odaayaasha ay ku kalsoonyihiin adiguna aad soo kaxaysato odayaasha aad ku kalsoontahay. Sidaa waxa hadalkii ku soo afmeeray Ducaale. Inyar inta uu aamusay Carraale ayuu kor u soo kacay oo istaagay. “Maxay ku yidhaahdeen beedkii yaa iska leh”? Dee beedka cidda leh iyo dhibka jiraba waa laga wada hadli ee ballanteenu waa geedkaa Hadhwanaag. 




Carraale su’aal kale ayuu ku celiyey odaygii: “ Yaa soo qaaday bay yidhaahdeen beedka, yuuse ka soo qaaday”? Oday Ducaale weydiimahaas ma uu jeclaysan waxa uuna ugu warceliyey. “Waar ninyahaw adigaa beesha maanta xilkeeda haya, iga daa weydiimahanoo, waa inoo geedka Hadhwanaag”. Carraalena inta uu giir iska kiciyey ayuu yidhi: “Adeer I dhegayso, marka hore kediye iyo warfaa waa in ay oggolaadaan in aan anigu gaar u leeyahay beedka, marka ay taa oggolaadaan ayuunbaan la kulmi karaa”.



Yaab iyo amankaag, waar miyaanaynu wax isku ogayn ma ninkan hullaabta xun ee kaa sii baxayey ayaa ku bedelay, Ducaale ayaa si dhiiranaan ah ugu tuuray Carraale. Ninkii Carraalena hadalkaasi waa uu dhibay, markaasuu si cadho ka muuqato ku yidhi: “Adeer aqalka ii dhaaf, hana igu soo noqon. Odaygii, oo yaabban ayaa dib ugu noqday Kediye iyo Warfaa una sheegay in uu ku ballan furay Carraale, arrinkaasna uu halkaa kaga hadhayo. Kediye inta uu qoslay ayuu yidhi: “Adeer mar hore ayaan ku idhi ha ku daalin Carraale annaga ayaa kaa naqaane” Laakiin waad dedaashay, aadna waanu kuugu mahadcelinaynaa sida aad u jeclayd in hawshaa aad dhammayso.” Odaygii Ducaale waxa uu sii watay Socdaalkiisii. Muddo saacad ah dabadeed ayuu Digaale ku soo noqday Carraale. Waar bal warran, maxaa istidhaahdeen Odaygii? Oo maxaanu is odhan lahayn dee waxa uu ku adkaystay inuu ii geeyo labadaa bahal, oo ay geedkaa igu xidhaan, ma mid aan ka yeelayobaa, dee waa maya, adiguna waa adigii talada fiican I siiyay ee yidhi, ilaa ay aqbalaan ha kayeelin, dee sidii baan yeelay. Odaygiina hadalkii baa naga kululaaday oo cadho ayuu igaga baxay”

Intaa markii uu Carraale yidhi ayuu Digaale kor u booday oo yidhi, oo dabadeedna? Dee ma dabo laqbtaa bay leedahay ayuu Carraalena ku jawaabay. Waar waad qaldantahay miyaan ku idhi sidaa arrinku ha u dhaco, waar si xun baad yeeshay. Anigu yara kululee baan ku idhiye ma waxa aan ku idhi xaalku sidaa jiq ha u noqdo, sow beeshu kugu kici mayso oo aqalkaagan yar dab qabadsiinmaayaan. Ninkaa Kediyena waa nin aad u hadal qallafsan oo iminkuu wax dadkuba illaabay soo fadhi doonaa, oo uu ku kiciyo dadkan iska jiifa. Beeshu way kaa sii jeeddaa ee ninyahaw ha isku soo jeedin. Carraale oo yaaban ayaa waxa uu yidhi: “waar ninyahaw adigaan in badan taladaada qaatay, maantana waxa aad I leedahay wixii aan kugula taliyey qalad bay ahaayeen, ma imminkaad waalantahay mise markii hore ee aad lahayd ku jiqsii.? Waar ninyahaw kumaan fahmin ee talo keen? Carraale waa uu kacaa fadhiistay oo kolba dhan eegay, oo ku celceliyey Digaaloow adigaa jar iga riday, dib danbayso haddii aan hadalkaaga u dhegeysto anigaa waalan.



Ha yeelin iyo yeel, ma laba eray oo isku qaldamabaa, saacad ka hor ayaad I layahayd ninamkaa aad ilma-adeerka tihiin ha aqbalin horfadhiisadkooda, waxna ha ka yeelin Eeggana waxa aad I leedahay, waad qaldantahay. Waar ninyahaw beesha iiga dhex bax waa haddii kale xaajadan aad dhabqisay taladeeda keen. Waxa aan kaa sugaa waa arrinkan oo aad furdaamiso, si kale kuma wada hadlayno, anigii baad I leedahay carruurta iyo dumarka ayaa ku shiidi doona oo aqalkaaga dab sudhi doona, Digaaloow! Xal keen!. Markiiba digaale waa uu ka baxay aqalkii waxa uuna u kicitimay gurigii Kediye. Yaab iyo amankaag, waar ma digaalaa ku sii socda gurigii Kediye. War jiraaba Cakaaruu iman, sidaa waxa tidhi Canbaro oo arkaysay in uu Digaale ku sii socdo gurigii Kediye.





Sayid-Axmed Dhegey
Gacanlibaax2001@yahoo.se
Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.