Fortsätt till huvudinnehåll

Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim )

FG: Qoraalkan waxa aan qoray Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo nool.

Ummad waliba waxay leedahay geesiyaal caan ka ah bulshada dhexdeeda. Balse waxaad mooddaa in bulshada soomaalidu ay ka simantahay inaanay geesiyaashooda xusin oo soo hadalqaadin inta ay noolyihiin. Waxa jira geesiyaal farabadan oo maanta nool. Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye "Qaasim" Wuxuu ka midyahay geesiyaasha caanka ah ee maanta nool.

Qaasim waa nin abwaan ah, balse abwaanimadiisu maaha oo keliya inuu tiriyo maanso quruxbadan ee maansooyinkiisu waxay xanbaarsanyihiin dareen shacbi oo dhab ah. Wuxuu sawir ka bixinayaa dareenka dadka iyo qallooca jira iyo weliba sida looga baxayo. Dhanka kale qaabka iyo habdhaca maansooyinkiisu waa kuwo aad odhan karto waxay si farshaxxanimo ku dheehantahay u gelayaan maanka qofka. bal aynu soo qaadano gabayga la magacbaxay "Macaan iyo qadhaah, baydadkiisa hore.



Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe

Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wadayaalle

Midig-tayda iyo bidixday-du waa laba mataanoode

Midi waa martida soora iyo maata daadihise

Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe

Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye.


Macaan iyo qadhaadh oo uu naftiisa kaga hadlayey, haddaynu dhaafno aynu milicsanno halgankii iyo dareenkii uu u soo gudbiyey bulshada. Waxaan ku bilaabayaa maansada la magacbaxday "Farriin". Maansadaa wuxuu tiriyey 26 June 1960. Wuxuu dareenkiisa gaadhsiinayaa bulshada, isagoo ku soo halqabsanaya Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaana ka mid ahaa gabaygaas:

"Aloow yaa darwiishkii, farriin debécsan gaadhsiiya. Aloow yaa dadkaagii yidhaa, dawladnimo qaaday, Aloow yaa dabbaaldeg iyo faras kala dul eedaama. Aloow yaa duleedada Taleex uga damaashaada" .

Dareenkaas wadaninimo, ee soomaalinimadu ku dheehnayd waxa dilay oo bedelay maamulkii u kala danbeeyey Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Gaar ahaan maamulkii keligii taliyihii muddada dheer dalka ka talinayey. Mar uu Qaasim ka hadlayey dhibkii soo gaadhay bulshadii reer Somaliland oo uu si gaar ah uga hadlay Hargeysa ayuu maanso la yidhaahdo Hargeysa ka tiriyey 1984-kii wuxuuna yidhi:


Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene

Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye

Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaamsadaye

Hantidaada muu weerareen halaq wax-boobaaye

Carruurtiyo haweenkaad lahayd lama halgaadeene

Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

Hoos looma eegeen kuwii hawl-karka ahaaye

Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye

Hootada afaysani boqnaha igama heerteene

Dhammaan hoobaladii may-qaxeen hibadu saarrayde


Hayeeshee habeen guule-baad heli habeen dhowe

Had' aan sii fogayn waxaad fishaa heego iyo roobe

Hillaac caafimaad baa ku mari hogol daruureede

Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

Hor ilaahay waan kaa xorayn hawsha kuu timiye

Insha'llah hoy nabad gelyaa lagugu soo hoyne.


Gabaygaa Qaasim wuxuu tiriyey 1984. Waxaad u fiirsataa farxaddii 1960 ee uu ku farxay calankii ugu horreeyey ee dhul soomaaliyeed laga taago iyo dareenka maansada Hargeysa oo uu tiriyey 24 sannadood ka dib. Labada maansoba waxay taabanayaan dareenkii markaa jiray. Kamuu gabban ee wuu toogtay labada jeerba. Maansada "Mugdi" oo uu abwaanku tiriyey 1964-kii bal aynu eegno dareenkii xilligaa jiray iyo sida uu uga hadlayo. Farshaxannimada heerka sare ah ee uu abwaanku adeegsaday bal si dhugmo leh u eeg oo dhuux qaabka uu u sawirayo iyo dareenka uu gudbinayo. Tusaalayaasha uu soo qaadanayo ayaa ah kuwo inoo caddaynaya miisaanka gabayga iyo macnaha uu xanbaarsanyahay.


Mugdibaan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydoowe

Geelbaan maqaarkaw sidaa midi ka dhiiqayne

Soomaali midab doorsantay-baan meeday leeyahaye

Murti samada lagu laalaybaan muhindisaayaaye

Dad musbaar dhegaha kaga jiraan maqal ka tuugaaye

Mawdkii adoogay dilay-baan meel dhow ka arkaaye

Mindidii boqnaha iga jartaa madaxa ii taale

Noloshuba macaan maleh haddanad magac ka reebayne.


Lasoco qaybta labaad.


Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"

Sweden/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."