Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från december, 2017

Emailkaygii iigu horreeyey iyo sidaan ku samaystay 1998kii W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Waxay ahayd qiyaastii dhammaadkii 1996 ilaa horraantii 1997, markii aan aad u maqlay aaladdan yaabka leh ee INTERNETka, waa laga yaabaa ilaa 1994 in la maqlayey laakiin, dhegaha dadka aad umay gelin. Tariikhdii Internetka iyo siduu ku soo bilaabmay 1950 kii ma gelayo ee waxaan dareemay in wakhti soconayo oo dhallinyaro badan oo imminka adeegsada Internetka ay u haystaan wax soo jiray. 

Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka dhacay mise waxbaa u kordhay? (Q-3aad)

Heshiiskii madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi. Kala fogaanshihii Xisbiga Kulmiye, waxa uu xilliyada qaar qarka u saarnaa in uu burburo. Waxaase jiray indhasarcaad badan oo dadka badidiisu fahmi kari waayeen. Waxa ka mid ahaa markii loo xaabo guranayey shirweynihii Kulmiye ayaa waxa muuqatay in kooxdii Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis ay shirar qabsadeen. Shirarkaas oo la moodayey in aqlabiyaddii Kulmiye ay la socdaan ayuunbaa mar keliya la arkay shirkii oo furmay iyo kooxdii Mucaaradka ahayd oo intoodii badnayd shirkii fadhiyaan, aan ka ahayn tiro kooban oo ay ku jireen Cabdicasiis Sammaale iyo Xirsi Xaaji Cali. Shirkaasi waxa uu ku dhammaaday xaalad u eg, in aanay jirin tartan loo simanyahay, waxaase si sharaf leh u qabsoomay shirkii oo aan buuq iyo sawaxan toonna yeelan. Mar waxa la odhan karaa si fiican baa looga soo shaqeeyey marna waxa muuqan karta in meesha ay ku jirtay waxoogaa afduubid farsamaysan.

Sooyaalka Somaliland laga soo bilaabo 1991kii ilaa Maanta 2017......Q. 2-aad

http://dhegey.blogspot.se/2017/12/sooyaalka-somaliland-laga-soo-bilaabo.html Q-1aad lingaxa sare kala deg. ----------------------------------------------------------------- Dareenkii Lagu soo Dhaweeyey Daahir Rayaale Kaahin 2002 Geeridii Cigaal, markii la keenay dalka, ee maydkiisii ee laga keenay dalka Koonfur Afrika oo uu caafimaad ahaan u tegey, halkaana uu ku geeriyooday, waxa la keenay magaalada Berbera oo uu dardaarankiisii ahaa in lagu aaso qabrigii aabbihii dhiniciisa. Ka soo qaybgalka aaskaasi waxa uu noqday mid aad looga sheekeeyo oo la isaga yimi dhan walba oo soomaalidu degto. Waxa la odhan karaa looma kala hadhin, laakiin laba arrin ayaa dareen taban noqday, oo kala ahaa 1. Jabbuuti oo aan tacsi u soo dirin shacbiga Somaliland, bilawgii inkastoo maalmo ka dib uu Cumar Geelle soo diray tacsi. Dareenkaas oo la qabo ayey Jamhuuriyadda Jabbuuti soo dirtay wefti loogu talo galay in ay ka qaybgalaan aaska marxuum Cigaal, balse wefdigaa hawada ayaa laga celiyey. 2.

Faallo: Buugga Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika ee uu Hal-tebiyey Boodheri Warsame.

HORDHAC --------------- Buugga la magacbaxay "The First Footsteps in East Africa 1854kii, waxa qoray Qoraa, Dalmareen ahaa oo la odhan jiray Richard Francis Burton. Ninkaasi waxa uu ahaa basaas aad u dhiirran, oo u badheedhay in uu ka soo warramo dhul dadka ku nooli aanay oggolayn in cidkale soo degto ama ka soo warbixiso. Sidaa awgeed ayuu u qariyey dhalashadiisii ahayd Ingiriiska, isla markaana uu ka beensheegay diintii uu aaminsanaa, sheegtayna inuu Muslim yahay. Sheegashadaa waxaa u fududaysay aqoontii uu u laa Diinta Islaamka oo uu sannado badan baranayey. Buuggan waxa dhawaan Haltebiyey qoraa, cilmi-baadhe aad ugu dedaala ururinta taariikhdii hore ee soomaalida laga qoray ama waxqabadkii Soomaalida ee beryihii hore, waa Boodheri Warsame'e waxa uu qabtay hawl aad u ballaadhan oo uu ku mutaysan lahaa abaalmarinno. 

Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka Dhacay mise waxbaa u Kordhay? (Q-1aad)

Afeef -------------- Waxa aan ka afeefanayaa in qoraalkani aanuu ahayn mid baadhis dheer aan sameeyey ee waa inta aan xasuusto ee isbeddeladii waaweynaa ee kolba siyaasadda somaliland ay soo maraysay. Ma wada dhamma, oo dhacdooyin fara badan oo miisaankooda lahaa ayaanaan wada xusin. Taasina waxa ay u baahantahay wakhti in la geliyo oo gaar ahaan ardayda Jaamacadaha dhigtaa ay si cilmiyeysan u baadhaan jidka ay soo martay Somaliland. Guud ahaanna jidka ay soo martay Jamhuuriyaddii Soomaalidu in si deggen oo aan lagu badhxin xaglin iyo fikir gaar ah lagu ururiyo si loo helo taariikhsugan oo saxan. Haddii aad dareento in waxbadan aan ka tegey, waa run oo qoraalkan kooban kuma dhammaan karto.