Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från oktober, 2018

Faallo kooban: Buugga Dhaxal Abwaan Sooyaalkii Suugaanta Abwaan Dheeg "Waxay bisadi jiir uga shakiday eey shay kale u moodey Shalaytaba way cunaysaye waxay maanta uga shaacday". W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 18 Okt, 2018 ayuu gacantayda soo galay buugga "Dhaxal Abwaan". Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkay Maxamed Xirsi Guuleed oo buugga qoray isaga oo uu ku wehelyo Aadan Daahir. Buugga maansooyinka ku jira way farabadanyihiin waxaanse si gaar ah u xiisaynayey in ay kaydka abwaanka galaan heeso dhawr ah oo dadku aad u jeclaa sida: Beri hore waxa jirey, ee ay ku luuqeeyaan Maryan Mursal iyo IHN, Maxamed Jamac Joof iyo heesta kale ee Sida Canabka beeraha, ee IHN Maxamed Axmed iyo Magool ay ku luuqeeyaan. Kuwaa iyo kuwo kaleba waa dhaxal. 

Caqabadaha Haysta Qoraayaasha Afka Soomaaliga W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qoraalku waa waxyaabaha ugu mihiimsan ee aadamuhu macluumaadka isugu gudbiyo intii la aqoon ogyahay ee dunidu soo jirtay. Keydka awoodda erayga qorani wuu ka cimri dheer yahay keydinta cododka iyo muuqaallada. Bal ka fikir 40 sannadood ka dib cod maanta la duubay ama muuqaal siduu u eekaan doono, hasayeeshee keydka erayga qorani waxba iskama beddelaan.  Rene Descartes, Filoosoofarkii weynee ee reer Faransiis ayaa yidhi” Akhriska buugta wanaagsan oo dhami waxa ay la mid tahay la sheekaysiga dadkii ugu wanaagsanaa qarniyadii tegay”. Qoraagga af-soomaaliga wax ku qoraa wuxuu la nool yahay bulsho aan weli dhadhamin qiimaha qoraalka iyo kaalinta qoraannimo.

Faallo.Buugga: "Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed" Cawil miyaanuu halba seegin? W/Q, Maxamed Axmed Askar

Nasiib-wanaag waxa aan jaanis u helay in aan akhristo Buugga  “RAAD- RAACA TAARIIKH SOOMAALIYEED”  ee uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale “Cawil”.  Buuggani maaha buuggii ugu horeeyay ee uu Cawil qoray bal se, waa kii ugu horeeyay ee aan ka akhristo buugaagtiisa. Inkasta oo aanu buuggani dhalliil la’ayn, oo aan qaar dhalliilihiisa ka mid ah idinla wadaagi doono, haddana waxa aan jecelahay, ugu horayn, in aan si kal iyo laab ah uga mahad-celiyo qoraaga buugga waa Cawile iyo intii kale ee gacan ka gaysatay dhamaystirkiisaba. Si la mid ah sida buugaagta kale ee aan akhristo, buuggani waxa uu igu dhaliyay su’aalo badan. Su’aalahaas uu buuggu igu dhaliyay oo igu soo noqnoqday awgeed iyo waliba waxa uu buuggu ka hadlayo oo ah wax aan wada-leenahay waa taariikhda e, ayaa waxa ay igu dhaliyeen in aan qoraalkan idinla wadaago. Sida magaca buuggaba ka muuqata, buuggu waxa ay ahayd in uu ka waramo taariikh Soomaaliyeed laakiin taa bedalkeeda qoraagu waxa uu kaga sheekeeyay taariikhdiisii