Fortsätt till huvudinnehåll

Caqabadaha Haysta Qoraayaasha Afka Soomaaliga W/Q: Cali Cabdi Coomay

Qoraalku waa waxyaabaha ugu mihiimsan ee aadamuhu macluumaadka isugu gudbiyo intii la aqoon ogyahay ee dunidu soo jirtay. Keydka awoodda erayga qorani wuu ka cimri dheer yahay keydinta cododka iyo muuqaallada. Bal ka fikir 40 sannadood ka dib cod maanta la duubay ama muuqaal siduu u eekaan doono, hasayeeshee keydka erayga qorani waxba iskama beddelaan.  Rene Descartes, Filoosoofarkii weynee ee reer Faransiis ayaa yidhi” Akhriska buugta wanaagsan oo dhami waxa ay la mid tahay la sheekaysiga dadkii ugu wanaagsanaa qarniyadii tegay”. Qoraagga af-soomaaliga wax ku qoraa wuxuu la nool yahay bulsho aan weli dhadhamin qiimaha qoraalka iyo kaalinta qoraannimo.

 Waxa ay dad badani u arkaan danayste xirfad shaqo ka dhigtay qoraalka, hasayeeshee waxa ay dhaadan yihiin xogta, xigmada iyo macluumaadka ay ka dheefsadaan qoraagga. Inta badan bulshada Soomaalidu waxa ay aragtidooda ku qiimeeyaan reernnimada dhaqanka u ahayd oo weli ku xoog badan intii la soo galay magaalooyinka. Haddii deegaan uu qoraagu qoraal ka diyaariyo, waxa ay markaaba la weydiinayaa goorta uu qofka weydiiyey deegaankiisa qoraal ka samaynayo. Qoraagga Soomaaligu wuxuu marar badan la kulmaa gefef aan garowshiyo lahayn oo aan u qalmin wax-qabadkiisa.
Qoraayaal badan waxa riixaya awoodda wax-qorista ee Ilaahay ‘sxw’ ku abuuray, oo leh qoraalka sii wad illaa inta aad ka god gelaysid. Gabayaagii weynee ee reer Nayjeeriya Wole Soyinka ayaa laga hayey “ Buugaagta iyo wax kasta oo la qoro waxa ay argagax geliyaan kuwa doonaya inay runta daboolaan”. Waa qoraa ay u suurtagashay inuu ururiyo, keydiyo, weeleeyo isla markaan soo saaro tiro buugaag ah, oo dhaxal mustaqbal u noqon doona ummadda Soomaalida geeska afirka ku dhaqan ama adduunka kale. 25 sanno ee ugu dambeeyey qoraagga af-soomaaligu wuxuu qarka u saarnaa inuu ka soo dhalaalo kaalintiisii qoraannimo, nooc kasta oo caqabad ahi ha haysatee.
Caqabadaha Haysta Qoraayaasha Soomaalida
Caqabaduhu way badan yihiin, oo in sida dhacamaha la kala qaad qaado ayey u baahan yihiin, hasayeeshee waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa waaweyn:
  1. Qoraayaasha afka Soomaaliga wax ku qoraa, waxa ugu horeeya ee dhibaato la soo daristaa waa ciddii ka bixin lahayd karashka uu buuga ku daabici lahaa. Madbacadaha dalka gudihiisu maaha kuwa fursad siiya buugta curdinka ah, waxa keliya ee ay ka fikiraan waa dantooda ganacsi, inkasta oo si af-gobaadsi ah xafladaha badhigyadda buugaagta ka yidhaahaan buugta cusub gacan weyn ayaanu ka geysanaa, waa se hadal madal laga yidhi oo xayeysiis weheliyo. Tusaale ahaan qoraagu wuxuu awoodi karaa inuu shilimadiisa ku daabaco 50 buug ama 100 buug, ma jirto madbacad daabacaysaa tiradaasi, waxa ugu yar 300 ama 500 oo xabbo.
  2. Markuu buugu soo  baxo, xaalad kasta ha soo mare, waxaana hadda dhacaysa in aan buugii la iibsan markii la soo badhigay oo shilimadii ka galay anaay ka soo bixin. Waxa ugu daran ee qoraagga ku dhacdaa in dadka qaarkii af buuxa ku yidhaahaan buug na sii bilaash ah.
  3. Qoraayaasha qurbo-joogta ahi haddii ay u suurtagasho inay helaan fursad madbacadi ugu daabacdo buugaagta, iyana waxa ay la kulmaan in caqabad ah in buugtoodu aanay soo dhaafin qurbaha oo dadka intiisii badnayd aanay soo gaadhin.
  4. Bulshada Soomaalida oo weli dabada ku haysa dhaqankii hadlaagga ahaa oo aanay qiimo badan la lahayn qoraalku, in kasta oo kor-u-kac weyni ku yimid dhaqanka wax-akhriska bulshada, haddana weli waa gaabis
  5. Waxa meesha gebi ahaanba ka maqan kaalintii dawladu ku lahayd dhiiragelinta qoraagga la daalaadhacaya buugga uu qoray. Ma jirto maalgelin iyo calaamado kale oo muujinaaya kaalin dawladnnimo. Weli may dhicin dawlada Soomaalilaan oo tidhi waxa aanu daabacaynaa buugga noocaasi ah ee ummadda waxtarka u leh.
  6. Dhaqanka bulshada Soomaalida waxa ku yar ama aan jirinba dhiiragelinta iyo wax-isu-ogolaanta. Qoraagii wuxuu kala kulmayaa doodo qabyaaladeysan iyo af-xumo in marar badan lagula kaco. Fallanqeyntii iyo naqdintii cilmiga ku dhisnayd oo aanay inta badan bulshadu u bislaan maadaamoo qoraalku weli socod barad yahay, marka la barbardhigo afafka kale.
  7. In qoraagu aanau helin dad xirfadda qoraalka uga waayo-aragsan ama uga aqoon badan oo buugii ka haadiya (Editing).
  8. Marka ay dhacdo in qoraagga laga iibsado buugaag jimlad ah, waxa buugtaasi lagu xareeyaa bakhaar ama guri oo halkaasina uu ku dilo dhas iyo kulaylku. Taasina waxa ay caqabad ku tahay in buugii uu suuqyada ka go’o. waxa arrintan inta badan sameeya xisbiyadda siyaasadda Soomaalilaan.
  9. Sumad buugga (ISBN) oo aan dalka laga helin: arrintaasina waxa ay keentay in dalka gudihiisa ay ku bataan buugaag aan wadan sumadda ISBN.
  10. Inta badan buugaagta qiimaha jaban lagu daabaco oo aan tayo lahayn, oo keenta inuu buugu markuu muddo jiro kala daato.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan  


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.