Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från maj, 2014

27 Mey ee gu'gii 1988kii : "Xusuus aan duugoobayn"

Waxa ay ahayd goor subaxnimo ah, markii aanu soo kaxaysannay gaadhi Mazda ahaa oo yar. Gaadhiga waxa waday walaalkay Yaasiin M Yuusuf, waxa aanu u dhaqaaqnay dhankaa iyo magaalada. Waxa aanu ka soo dhaqaaqnay, gurigayaga oo ku yaalla Xaafadda caanka ah ee Dariiqada ee magaalada Sheekh. Guriga aanu ka soo kicitinnay waa kii aan ku dhashay, balse muddo lix sannadood ku dhaw ayaan markaa ka maqnaa, oo muddo laba bilood ah ayaan joogay Hargeysa ilaa Sheekh. 

Dildillaaca Xisbiyada Qaranku, UCID Oo Keliya Ma Aha'e Labada Kalena Way Ku Daba Jiraan

FG: Qoraalkani, waa intaan Xisbiyadaba dib loo furin. Werwer baa igaga jiray in la xakameeyo Xisbiyada badan. Taasoo inoo horseedi lahayd burbur Qaran. Laakiin, dad badan baa taageersanaa in saddexdaa Xisbi ee UDUB, KULMIYE IYO UCID uun ay ahaadaan weligood axsaabta Qaranka, in ay saddexduba burburi karaan, lamaba dareensanayn. Qoraalkan oo aan maanta xasuustay markaan arkay halka Kulmiye maanta cagta saaray, waxa ay noqonaysaa "Waxyi iguma soo dego, waxna iguma seeggana ....." Waxa jooga haddaad garanweydo, miyaad garan kartaa ama mala awaali kartaa waxa soo socda?  Qoraalkani waxa uu ku soo baxay Haatuf, markay taariikhdu ahayd 26-07-2011. ------------------------------------------------------------------------------------- In badan baa laga dooday furitaanka Ururada siyaasadeed ee Somaliland. Qof kasta oo akhriyey xeerka ururada siyaasadda ee dalka Somaliland, meel-naba kuma uu arag xakamayn la xakamaynayo tartanka ururada siyaasadeed ee loogu talo gal

Ma runbaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane? Family name iyo reermaad tahay, maxay ku kala duwanyihiin?

Wax kasta oo maankaaga ku soo noqnoqda, inaad fahamto ayaa ka hagaagsan in aadan isweydiinba. Tan iyo intaan fahmay reerka aan ahay, waxa aan maqlayey oo si uun aan u fahmayey, kolba heer ha joogtee tolka, iyo arrimaha ka dhexeeya. Haba ugu horreeyo qaadhaankuye!. Waxaana barbar-taallay, erayo ka soo maaxday maansayahanno soomaaliyeed, oo in badan ka hadlay Qabyaaladda. Waxa ugu mudan oo maalinkasta nool, tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) IHN, oo ahaa "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Haddaba, waxa yaab ah oo aan is qabanayn laba arrimood. 

Dareenkii ugu heerka sarreeyey ee abid!! loogu debbaaldego 18ka Mey iyo Stockholm/Iswidhan.

Shalay oo taariikhdu ahayd 18-05/2014 ayaa la isugu yimi, sidii ballantu ahayd gurigga umadda ee xaafadda Rinkeby ee Stockholm. Waxa ay ahayd xuskii 23-aad, ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay, goonni isu taagga Somaliland 1991kii. Barnaamijka oo ay soo habeeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay si gaar ah xoogga u saareen in qoysaska reer Somaliland helaan, maalin ay carruurtooda iyo waalidkuba ka qayb qaataan. Maadaama oo xafladaha inta badan la qabtaa ay u bateen habeenimo saqdhexe. Waxa lagama maarmaan noqotay in la helo oo la soo nooleeyo dareenkaas oo sii dhimanayey. Runtii si la yaab leh, oo malaa dadka badankoodu aanay filaynba ayaa looga soo qayb galay debbaaldeggii maalinimo ee reer Stockholm. 

Xeeldheerida Maansada "Hadraawi" xidhiidh waxay la leedahay, hadba xaalkii taagnaa, danyar baa xigto u ah.

Waxa aan daawaday, waraysi uu la yeeshay Tv-ga Somalichannel, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi). Su'aalo dhawr ah oo la soo weydiiyey baa waxa ku jirtay weydiin macnaheedu ahaa: "Haddii aad tihiin hal-abuurkii soomaalida, maxaa xumaan uun u saadisaan, maxaase qabiil u kicisaan". Dabcan su'aashu mid qeexan ma ay ahayn oo si gaar ah umuu weydiin Hadraawi, ee hal abuurka oo dhan ayuu u dhigay su'aashiisa. 

Faallo: Gebagabadii Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE iyo gunaanad la'aanta-----"Ciyaari waa gelin danbe"

Xisbiga Kulmiye, waxa uu la bilaabmay Axmed M. Maxamuud  ( Siilaanyo). Waxa uu ahaa Xisbigii ugu danbeeyey, balse noqday kii loogu hadal haynta badnaa, markii la furay axsaabta siyaasadda  Somaliland. Waxa uu sigay in uu judhiiba ku guulaysto hoggaanka dalka oo uu kala wareego xisbigii hadhay  ee UDUB. Madaxweyne Dahir Rayaale oo hoggaaminayey UDUB, waxa uu ku helay hoggaanka tiro aad u kooban, oo uu kaga guulaystay KULMIYE.