Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Gebagabadii Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE iyo gunaanad la'aanta-----"Ciyaari waa gelin danbe"


Xisbiga Kulmiye, waxa uu la bilaabmay Axmed M. Maxamuud ( Siilaanyo). Waxa uu ahaa Xisbigii ugu danbeeyey, balse noqday kii loogu hadal haynta badnaa, markii la furay axsaabta siyaasadda Somaliland. Waxa uu sigay in uu judhiiba ku guulaysto hoggaanka dalka oo uu kala wareego xisbigii hadhay ee UDUB. Madaxweyne Dahir Rayaale oo hoggaaminayey UDUB, waxa uu ku helay hoggaanka tiro aad u kooban, oo uu kaga guulaystay KULMIYE.





Inyar xasuusta dib u celi, oo xasuuso xubnihii soo maray Xisbiga iyo meeshay ka yimaaddeen. Ku xigeenkii hore, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Ibraahin C. Xuseen (Dhegaweyne), Maxamed Kaahin Axmed iyo in kaloo badan waxa ay ka yimaaddeen Ururkii libaaxa (Asad) oo uu hoggaamin jiray Saleebaan Maxamuud Aadan. Ururka Asad oo ka da'weynaa KULMIYE, dhinacnaba wuu u socon waayey, dadkuna wuu ka sii jeeday.

Ururkii Sahan waxa ka soo guuray Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Cabdi Iskeerse iyo xubno kaloo fara badan, kolkii ay dhisan kari waayeen ururkii SAHAN ama aan idhaahdo ay ku heshiin waayeen. Ururka SAHAN, waxa kaloo ka mid ahaa Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr Gabboose. Ururada kale ee laga soo wada hangallaystay waa badan yihiin, su'aashuna waxa ay noqonaysaa, maxaa lagu arkay KULMIYE? Waa hubaal in aan barnaamij fiican lagu dooran, ee odayga Axmed Siilaanyo, ayaa la soo wada dugsaday. In kaloo badanina dabcan Axmed Siilaanyo ayey ka fogaanayeen. Arrinkeena siyaasadeed ba marka aad gunta soo taabato waa qof ku xumee ama ku wanaaji. Ma jiro barnaamij aad leedahay kaasaa kan ka fiican.

Intaas hordhaca ah, aan ku dhaafo Axmed Siilanyo ayaa haystay shacbiyadda ugu badan ee mucaaradka ahayd. Sidaasaa, in badani u soo hadhsatay KULMIYE. 

Wax badan ba kama soo wareegin kolkii, muranku ka dhashay ku xigeenka, is sharraxaadda madaxweynenimo iyo qaab dhismeedka Xisbiga. Arrimahaasi, waa ay soo kala hufmeen oo kala haadismeen. Waxaase se aan faallada ugu talo galay, shirweynihii saddexaad ee dhawaan dhacay. Kaasoo ka dhacay Hudheelka Maansoor. Waxa dhegaheenna ka batay dib ayaa loo dhigay shirkii, Ina Biixi baa diiday, Maya, Ina Sammaale iyo Biixi baa is haysta. Madaxweynuhu waxa uu la socdaa hebel iyo wax la mid ah. Waxa aynu sugaynay in lagu dhawaaqo yaa u taagan oo isu sharraxaya madaxweyne? Guddoomiye shan sannadood ah xaggee u socdaa, doorashadiibaaba ka soo hormaraysa'e.

Haddaba, faalladeenan kooban waxa aan ku soo koobayaa dhawr qodob oo aan u arko in ay yihiin ma-dhaafaan, kuwaasi oo wax badan innaga tusaya sidii uu u dhacay shirweynihii Kulmiye  iyo ifafaalaha siyaasadeed ee  mustaqbalka dhaw ee xisbiga.

1. Muuse Biixi Cabdi, in uu guddoomiyahaa ku qancay oo aanuu damac danbe oo madaxweyne la iman doonin. Tani, waxa ay soo afjaraysaa, in aan tartan ba la gelin, waxaanay u egaanaysaa in Madaxweynaha haatan jooga Axmed Siilaanyo uu kursiga mar kale ku fadhiisto. 

2. In guddoomiye Muuse Biixi, uu jab maaggan yahay, oo uu is casili doono, marka la furo tartamayaasha madaxweyne. Isuna taagi doono murrashaxa madaxweyne. Halkaana waxa ku sii hoos jirta in Muuse u sii banneeyey saaxiibkii Maxamed Kaahin in uu ahaado guddoomiyaha Kulmiye ee mustaqbalka. Waxa se la isweydiin karaa, marka Maxamed Kaahin noqdo guddoomiyaha KULMIYE, ee Muuse Biixina tartanka ka qayb galo...miyaanuu Muuse waayi karin xilkii guddoomiyenimo, islamarkaana, waayi karin, tartanka musharraxa madaxweyne. dabadeedna bannaan buu fadhiyaa Muuse!!

3. In Muuse Biixi ahaado guddoomiyaha shantaa loo saxeexay, sidaana ku qanco. Dhinacyada is sharraxaya ee u tartamaya madaxweynaha waa in aanay ka soo jeedin beesha guddoomiyaha ee waa in ay noqdaan beelaha kale. Waayo, waxa si xooggan dib loogu noqday is-beelaysi, oo uu Xisbigu aad u xoojiyey. Mase dhici kartaa in guddoomiyaha iyo musharraxa madaxweyne isku beel ka soo jeedaan.? Arki doonnee!!

Arrimahan oo dhammi waa wax dib loo dhigtay. Sidaa darteed, shirkii dhacay, wax badan ma uu maarayn. Kubbaddii halkii bay taallaa. Ciyaarina waa gelin danbe. In badan baa malaa u qaadatay in Muuse Biixi guulaystay. Garabyadii is hayey midna ma guulaysan. Waxa ay isku afgarteen aan indhaha dadka iska yara jeedinno oo ah sacabka ha loo tumo guddoomiyaha shanta sannadood ee soo socota. Oo meeday doorashadii loo ordayey? kun iyo dheeraad baa u codeeyey guddoomiyaha, isweydii sidee bay ku dhacdaa dadka intaa le'eg in ay isku wada fikrad u noqdaan.?

Faalladan waxa aan ku soo af-jarayaa, waa la isu gabbanayaaye, ciyaari waa gelin danbe. Jiritaanka Xisbiga ayaa u baahan in aad looga fikiro. Odayga Axmed Siilaanyo in la nasiyo ayuu u baahanyahay, isagana go'aan adag baa looga fadhiyaa.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.