Fortsätt till huvudinnehåll

Dareenkii ugu heerka sarreeyey ee abid!! loogu debbaaldego 18ka Mey iyo Stockholm/Iswidhan.

Shalay oo taariikhdu ahayd 18-05/2014 ayaa la isugu yimi, sidii ballantu ahayd gurigga umadda ee xaafadda Rinkeby ee Stockholm. Waxa ay ahayd xuskii 23-aad, ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay, goonni isu taagga Somaliland 1991kii. Barnaamijka oo ay soo habeeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay si gaar ah xoogga u saareen in qoysaska reer Somaliland helaan, maalin ay carruurtooda iyo waalidkuba ka qayb qaataan. Maadaama oo xafladaha inta badan la qabtaa ay u bateen habeenimo saqdhexe. Waxa lagama maarmaan noqotay in la helo oo la soo nooleeyo dareenkaas oo sii dhimanayey. Runtii si la yaab leh, oo malaa dadka badankoodu aanay filaynba ayaa looga soo qayb galay debbaaldeggii maalinimo ee reer Stockholm. 

Barnaamijka oo uu xidhiidhinayey, guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, Sayid Maxamed Yuusuf, waxa uu codbaahiyaha ku soo dhoweeyey, Sheekh Maxamed Xaaji Ismaaciil, oo ka mid ah odayaasha reer Stockholm, ahna aqoonyahan muddo dheer deggenaa Iswidhan. Maxamed waxa uu ku furay duco iyo aayado ka mid ah Qur'aanka. Waxa uu sii raaciyey, waxoogaa taariikhda Somaliland, oo uu si kaftan ahna u raaciyey, "Magacan somali ku jiro, malaa aynu kaba guurro oo Golisland ama magac kaleba la baxno" kaftankaa ka dib, waxa lagu wareejiyey, guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm, Xuseen Abaadir, oo si rasmiya u furay debbaaldegga maalintaas, waxa isna erey soo dhawayn ah ka yidhi, Cabdisalaan Xaashi Axmed, oo xubin ka ah guddida.

Xisbiyada Qaranka ayaa iyaguna goobta ka hadlay, hambalyada maalinta Qaranimada Somaliland na ay si gaar ah u hambalyeeyeen, dhammaan ka soo qaybgalayaasha iyo inta kale ee dareenka maalintaa la qabtaba. Kulmiye, waxa u hadlay Cabdillaahi Faarax, Ucid waxa u hadashay Faadumo Siciid oo nasiib wanaag marti ku ahayd Stockholm, kana tirsan madaxda Xisbiga UCID. Waxa ay si gaar ah iyadu uga sheekaysay dhibaatadaii 1988kii, waxa ay si faahfaahsan uga sheekaysay hooyo, carruurteedii mid ka mid ah qaadi kari weyday oo cidla kaga tagtay, kuna soo noqotay iyadoo bahal cunay. Markay ka sheekaynaysay Faadumo waa ay ilmaynaysay. Dad badan baa ilmeeyey, waayo si qiiro leh ayey Faadumo uga sheekaysay dhacdadaas.

Xisbiga Waddani, waxa u hadlay siyaasiga, ahna qoraa Axmed Cabdillaahi Cawaale. Waxa uu aad uga hadlay isku duubnidu in ay tahay muhiim, oo aynu dimoqraadiyaddana xoojinno. Qubbaduhu waa ay badnaayeen, in kastoo aad loo soo koobay, si aan loogu dheeraan fadhiga. Waxa hadlay oo goobta ka muujiyey farxad, Amiir Adan oo xubin ka ah baarlamaanka Iswidhan. Waxa kaloo hadashay Jenny Sonneson, oo ah xubin u tartamaysa baarlamaanka Yurub. Labadooda oo kala metelayey Xisbiyada Moderatka iyo Folkpartiga, ahna xisbiyada garabka midig, oo ku bahoobay hoggaanka dalkan Iswidhan, waxa ay ka midaysnaayeen, sidii ay dadka soomaalida ah ugu dhiirrigelin lahaayeen, codaynta baarlamaanka Yurub oo bishan 25keeda qabsoomi doona. Taariikhda maalinta 18ka Mey iyo siday ku timi ayuu ku dheeraaday Cabdillaahi Faarax oo si gaar ah u soo diyaariyey, in uu ka hadlo sooyaalka Somaliland. Si fiican oo faahfaahsan buu u soo koobay. Garabka haweenka ee reer Stockholm, waxa u hadashay Seynab ismaaciil Gabas, oo hambalyada iyo farxadda ku salaantay dadweynihii madasha fadhiyey. 

Waxa ay ahayd madal, cammiran, oo sidii kolba qaybi u imanaysay ayuu buux-dhaafay golihii loogu talo galay in kuraasida lagu fadhiisto. Maadaama oo carruurta si gaar ah diiradda loo saaray, waxa loo sameeyey tartan ay ku tartamaan sawirka calanka Somaliland oo ay sawireen. Lix ka mid ah ayaa loo doortay in ay galeen kaalmaha hore. Kuwaas oo la siiyey hadyado loo soo diyaariyey. Farxaddii carruurta ayaan la illoobi karin. Maalmahaas oo kale waa in lagu
ababaiyaa carruurta, oo waa in ay is weydiiyaan marka ay sii weynaadaanba, sababta loo samaynayo debbaaldeggaas. Maxaa lagu xusayaa? waa in carruurtu isweydiisaa, waa in ay bartaan, gartaan oo fahmaan waxa ay maalintaasi tahay. Aayaha dalkeennu leeyahay, waa carruurta. Wax lagu tacbo carruurtaa ugu muhiimsan. Sidaa awgeed baa xoogga loo saaray in kulankan oo kale uu qabsoomo. Carruurta oo keliya laguma koobin hadyadaha, ee dadka waaweyn waxa la weydiiyey su'aalo ku saabsanaa Somaliland. Waxa ka mid ahaa, sheeg magacyadooda oo saddexan afartii madaxweyne ee soo maray Somaliland?. Waxa kaloo ka mid ahaa, goormaa loo codeeyey dastuurka Somaliland? Weydiimahaas, waxa ka dhashay xiise gaar ah, waxaanay noqotay meelihii uguba sii xiisaha badnaa, markii qofkastaaba gacanta taagay si uu uga jawaabo weydiimaha.

Waxa sacab mug weyn u dhacay masraxiyad kooban oo uu soo diyaariyey Muuse Maxamud Ciise (Dalmar), oo ay la jilayeen Shawqi Saalax  iyo Cabdi oo ka hadlaysay arrimo ku saabsan Somaliland. Sacab iyo mashxarad baa kala go'i weyday. Waxaanay noqotay in dadkii iyagoo qoslaya, faraxsan, oo jecel in loo sii wado ay soo gebagabowday. Waxa la dareemay, in loo baahnaa debbaaldegga jaadkaas oo kale ah. Waxa hubaal ah in sannad walba la qaban doono oo loo samayn doono carruurta, ciyaaro ay xiisayn doonaan. Taariikhda oo si mug leh looga warramaa waa cashar loo baahan yahay. Odayaasha, Islaamaha, hooyooyinka, aabayaasha, dhammaan qoysaska reer Stockholm waxa laga rabaa in ay dareenkii ay shalay 18 mey muujiyeen ay mar kasta diyaar u ahaadaan. Madashiii shalay buux-dhaaftay waa in gu'ga danbe bannaanka lagu qabtaa. Haddii Ilaahay oggolaado. Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa, sida inoo roon, wixii denbi innoogu jiro Allaw naga dhaaf. Aamiin. 


FG: Reer Stockholm kuma uu koobnayn debbaaldeggaasi, ee waxa ka soo qaybgalay magaalooyinka ku xeeran Stockholm, sida Uppsala, oo kale.

Ugu danbayn, waxa halkan hambalyo ka diraya guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm Xuseen Abaadir iyo guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan. Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

Samo ku waar, Samo ku waar................Saamo ku waaaaar!!

Nabad iyo Caano
Bahda Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan
19-05/2014 Isniin
Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.