Fortsätt till huvudinnehåll

Dildillaaca Xisbiyada Qaranku, UCID Oo Keliya Ma Aha'e Labada Kalena Way Ku Daba Jiraan



FG: Qoraalkani, waa intaan Xisbiyadaba dib loo furin. Werwer baa igaga jiray in la xakameeyo Xisbiyada badan. Taasoo inoo horseedi lahayd burbur Qaran. Laakiin, dad badan baa taageersanaa in saddexdaa Xisbi ee UDUB, KULMIYE IYO UCID uun ay ahaadaan weligood axsaabta Qaranka, in ay saddexduba burburi karaan, lamaba dareensanayn. Qoraalkan oo aan maanta xasuustay markaan arkay halka Kulmiye maanta cagta saaray, waxa ay noqonaysaa "Waxyi iguma soo dego, waxna iguma seeggana ....." Waxa jooga haddaad garanweydo, miyaad garan kartaa ama mala awaali kartaa waxa soo socda? 

Qoraalkani waxa uu ku soo baxay Haatuf, markay taariikhdu ahayd 26-07-2011.

-------------------------------------------------------------------------------------



In badan baa laga dooday furitaanka Ururada siyaasadeed ee Somaliland. Qof kasta oo akhriyey xeerka ururada siyaasadda ee dalka Somaliland, meel-naba kuma uu arag xakamayn la xakamaynayo tartanka ururada siyaasadeed ee loogu talo galay nidaamka wadatashiga ee Somaliland. Sidaas oo ay tahay ayaa saddex muwaadin lagu xidhay waxa ay furteen urur siyaasi ah, waa Ururkii Qaran'e. Cidiba isma ay weydiin, qaabka loo xidhay. Dad badan baa ku dooday saddexdaa muwaadin dil bay mutaysteen, waayo khalkhal bay geliyeen dalka, waa sida lagu soo eedeeyey'e. Waxa ay kala ahaayeen muwaadiniintaasi Mr Caydiid, Dr Gabboose iyo Maxamed Xaashi. 


Xaalku si kastaba ha ahaado'e waxa xilligaa ka xoogweynayd xeerjebintii xukuumaddii markaa jirtay oo si fiican ugu tumatay xeerarkii dalka u yallay ee la rabay in ay tabantaabiso, koriso, dhawrto oo kobciso. Ilaa xilligaa dadku waa uu ku kala afkaar geddisnaa furashada ururada. Waxa aan ka mid ahaa inta aad u taageersan in ay furantahay (lama furayo, ee xeerkeenna ayaaba oggol) furashada urur siyaasadeed. Maxaan ku taageeray, ilaa maantana aan ku taageersanahay? Siyaasi ma ahi, mana jecli inaan noqdo. Laakiin waxa aan ka mid ahay shacbiga dalkiisa la jecel horumarka, aragtidiisana si xor ah u dhiiban kara. Waxa aan ku taageeray kuna taageersanahay, taa maanta ka dhexdhacday UCID baa dareenkeeda aan qabay. Ma Ucid oo keliyaa? Maya ma aha ee UDUB na aan dhegaysanno saddex bay u kala jabaysaa dhowaan. Kulmiyena inta Xukunka uu ku magaacabanyahay waa uu kala badbaadayaa, maalinta la gaadho tartanka aan dhawrno KULMIYENA laba ama saddex ama afar buu u kala boodayaa. Habaar igama aha. Mana iga aha in la ii waxyooday. Waa saadaasha garaadkaygu i siiyey.

Maxaa looga badbaadi karaa, burburka noocaas ah? Waxa lagaga badbaadi karaa sida xeerkuba inoo fasaxay in dhammaan muwaadiniintu ay xor u yihiin in ay tartamaan. Tartankaasi waxa uu keenayaa saddexda ugu habboon uguna hufan ee kasbada dadka intooda badan. Haddii aad Lixda gobol kasoo kasban kari waydo aqlabiyad--dee itaalkaaga ayaa halkaa ku dhigay. Waxa kaloo laga rabaa ama laga rabay in aanay saddexda xisbi ee maanta jiraa, cidnaba ka baqan ee ay tartanka si xarrago leh mar kale u helaan. Waa haddii ay is dhiseen muddadii ay jireen, oo haatan kuba dhow 10 sannadood. 

Haddii ay is dhisi kari waayeen, taa macnaheedu waxa weeye hoggaan ma qaban karaan. Sidaa awgeed waa in ururada cusub ee is habeeyaa ay boodhka ku qasaan saddexdaasi haddii ay xejisan waayaan lambarkooda. Tartankaasi waa dawo, waxa uu dawo ka yahay taa maanta bilaabantay. Halkudheg baa yidhaahda; Waxaanaad hurayn horaa loo dhigtaa" Dildillaaca saddexda xisbi Qaran, waa ay muuqatay oo dadka inbadan bay u muuqatay, haddii xataa maanta ka gudbaan berri kama gudbayaan imtixaanka. Haddii maanta baarlamaanku ka soo saaro xeer lagu mamnuucayo furashada ururada, waxa ay la macno tahay Somaliland oo gacanteeda isku gawracday. Dadku uma xidhnaan karaan saddex qof, waayo ma jiro ilaa maanta saddex xisbi oo xeer iyo kala danbayn ku wada socda. Ma jiro Xisbi lugo ku taagan, ee waxa jira waa magacyo. dabcan magacyadu, waa kuwa aynu ka sugayno in ay mustaqbalka noqdaan kuwo run ah oo lugo ku taagan.

Si ay lugo isugu taagaan waa in lala tartamaa. Waa in ay iyaguna is qurxiyaan oo is habeeyaan si aan golaha looga tuurin. Tartankaas ayey ku jirtaa quruxda iyo caddaalada iyo nidaamka xisbi wanaagsani uu ku soo bixi karo. Waa haddii lagu dhowaaqo in aan la furan karin ururo. waxa aad sugtaa saddex UDUB iyo Saddex KULMIYE iyo saddex UCID. Waa imisa? waa sagaal Xisbi oo iksu magac ah. Xeerkuna ma oggola sagaal xisbi ee waxa uu oggolyahay waa saddex. Sidaa darteed doorasho-ba dhici mayso. Waxa aan qoraalkan kś soo gebagabaynayaa. Xisbiga UCID wax buu inoo sheegay. Qof ahaan kuma faraxsani, in ay Xisbiyadu burburaan, ee waxa aan jeclaan lahaa iyagoo saddexdani la tartama kuwo cusub oo dee ka badiya--waayo saddexdani haddii ay is dhisayeen 10 sannadood miyaanay ka badin karin ka maanta yagleelaya?. Haddii aanay ka badin karin, dee ha banneeyeen, oo tartanka ha oggolaadaan. Baarlamaankoow, wax ku qaata maanta. Shacbigana gacmaha ha ka xidhina ee xorriyaddooda muwaadinimo u oggoolaada xaq bay u leeyihiine.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."