Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från 2014

Kulan-suugaaneedkii Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) Iyo Soomaalida Iswiidhan. Goobta: Kista Träff Taariikhda: 2014-12-26 Saacadda: 15:30 – 19:30

Shalay oo ay taariih ahayd 26 bishan diisambar, sannadkan 2014, waxa magaalada Stockholm ee caasimadda Iswiidhan lagu qabtay, kulan-suugaaneed weyn oo kulmiyay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) iyo bulshada Soomaalida ah ee dalkani ku dhaqan. Munaasibaddan oo ahayd mid ay si heersare ah isaga kaashadeen ururka Badda Cas iyo Ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay.  

Ururka Waxbarashada Alkawnayn oo Cashosharaf ku soo dhoweeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey)

Shalay duhurnimadii ayuu ka soo anbabaxay magaalada Eskilstuna Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo maalmahanba ku sugnaa carriga Iswidhan. Waxa uu soo gaadhay Stockholm goor ay saacaddu cagacagaynaysay 14:00 (Labadii maalinimo). Jidku baraf muu lahayn, balse qabaw waxoogaa ah baa jiray. Dabcan xilligan jiilaalka qabawgu waxa uu gaadhaa derejada soddon oo taban (-30). Xilligan oo kale barafku waxa uu tuulmaa jidadka iyo

Abwaan, Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan-Ganey) iyo Stockholm

Maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 26/12/2014, marka ay saacaddu tahay 15:30, waxa ka dhici doona Xaafadda Kista ee dhinaca waqooyi ee magaalada Stockholm kulan aad u ballaadhan. Waxa kulankaa lagu soo bandhigayaa suugaanta iyo sooyaalkii abwaanka caanka ah Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan, oo ku magaca dheer Xasan-Ganey. Muddo ku siman 40 sannadood ayuu abwaanku ka mid ahaa hormoodka fanka iyo suugaanta soomaalida. Waxa uu hal-abuuray Rawaayado caan ka ahaa deegaanka soomaalidu degto oo dhan sida "Dab Jacayl Karin waa" iyo Bidaari Sibiq bay kugu gashaa". Waxa aan la illoobi karin Rawaayaddii "Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah" oo ahayd horraantii siddeetamaadkii. Abwaan Xasan-Ganey, waxa uu maalintaa kula wadaagi doonaa suugaantiisa iyo sooyaalkiisii ilaa bilawgii.

Sooyaalkii Muj, Ismaaciil Xaaji Cabdi Xaaji Abokor (1936-1988) " Geeri buu ka doortay inuu gorodda laallaadsho"

Muj, Ismaaciil Xaaji Cabdi, waa ninka Isku-joogga buluugga ah xidhan. Sawirkani, waa intii uu ka mid ka ahaa SNM siddeetamaadkii.

Ma sidan baa garashada ummad dhan loo caayaa?! W/Q: Cabdiraxmaan Mowliid Cali “Shandaqiiqo”

Waa duni la kala iibsadoon, nala ogaysiine -  Faarax Nuur, AHUN. Waddaninnimo-darro yeelkeed, xilkasnimo-darro qushigeed, sarriigasho la’aanina danigeed’e,  dhimashadu waa marka damiirku sidan u dulloobo ee u gumoobo.   Dhulkii goobaha akhriska saboolka ka ahaa ee midda qudh ah lahaa,  waxa laga soo sheegay foolxumo  muddo la dedayey oo dharaarahan furku ka dhacay, dabeedna kashifantay.  Maktabad Hargeysa ku taalley oo ciddii akhris ama buugaag u hollataa u aroori jireen, dad badanina u aayeen, ayaa laga soo sheegay  war laga yaxyaxayo  oo laga yaabbanyahay sida uu xilligan suurtagal u noqday.  

MUXAADAROOYIN ISLAAMI AH EE 27-28 Okt 2014 STOCKHOLM-SKÄRHOLMEN

Välkomna till spännande förläsningar om Islam SOMALISKAFÖRÄLDRAR FORUM I SKÄRHOLMEN   Xiddigaha berrito:- Dhallinyarada DAGENS UNGA MORGONDAGENS VUXNA Muxaadiriinta waxa ka mid ah: 1- Sheekh Xuseen 2- Sheekh SMS-Bilal

Bandhigga buugaagta ee magaalada Borlänge (04-10-2014, Sabti)

Magaalada Borlänge, oo ay deggenyihiin dad badan oo soomaaliyeed. Gaar ahaan qoysas dhawaan soo degey dalka Sweden, ayaa loogu talo galay bandhig balaadhan oo buugaagta ku qoran afsoomaaliga ah. Waxa si gaar ah maalintaa looga hadli doonaa saddex buug oo cusub, oo dhawaan soo baxay, kuna qoran afsoomaali. Waxa ay buugaagtaasi kala yihiin, Cilmi Boodheri Caashaqiisii, oo uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed, Bisaddii Anbatay! oo ah buug carruureed uu qoray Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) iyo Cawa-dhalad oo uu qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Ma aha markii ugu horreysay ee bandhiggan oo kale lagu qabto Borlänge, ee waa markii saddexaad.

Buugga Baadidoon ee dhawaan soo baxay W/Q, Muuna Axmed

Buuggan waxa uu ka kooban yahay sheekooyin gaagaaban, oo mawduucyo kala duwan ka hadlaya, kuwaas oo aan qoray wakhtiyo kala duwan. Sheekooyinka qaar waa qofayn oo waxa ay cabbirayaan dareen xayawaan, oo innaga cabanaya, ka cabanaya dhibta aynu u gaysano gaar ahaan ubadkeenu u gaysanayaan. Maxaa haddii xayawaan ama ashyaa laga hadlin lahaa dhibtooda inoo sheegan lahaa. 

Buug carruureed: "BISADDII ANBATAY"

Buugaagta carruurta soomaalida loogu talo galay waa ay yaryihiin, meelaha qaarna maba jiraan. Inta badan ee laga qoray sheekooyin-ka carruurta, waxa ay u badan yihiin kuwo aan fahamka ilmaha yar ee ku koray magaalo ama aan dalkiiba joogin ku adag. Waxa ay ahayd in si hufan oo aad looga shaqeeyey loogu soo gudbiyo carruurta, buugaag ay fahmi karaan. Sheekooyinka carruurta aadka u da'da yar waa la allifi karaa, iyadoo kolba wax loo tilmaamayo ilmaha yar si uu u fahmo.

Curashada gu’ga toddobaad ee carwada buugaagta Saddaam Xuseen Carab

Sidu waa sidii kal hore iyo saa’id. Waa xagaaga xagaagiisii, bil ogos bisheedii iyo isla barxaddii guriga shaqaalaha ee Hargeysa; waa na jimce barkhadle. Xalay saqbadhkii mayay baa magaalada miray. Hillaaca walalacdiisa cid hawli soo jeedisay baa daawanaysay. Sanqadha onkodku se dadka hurdada fudud wuu toosinayey. Hakad ha lahaado roobku, se inta ay dhibcihiisu xidhiidhsanaayeen baa badnayn.   Dhibcihii roobka ee xalay   ku laba dhacayey baa dhulka radiyey. Cadceedda subaxeed haddii ay u gurman lahayd, iyana daruuraa daboolay. Sidaas darteEd baa dhulka xareedda wasakhowday meel walba u wadhnayd.  

Sooyaalkii Aabo:Taariikh dheer oo ku taxan deegaanno kala durugsan (1924-2014) Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Aabbo Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac, oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, markay taariikhdu ahayd 04-08-2014, maalin isniin ah. Waxaana aasku dhacay maalintii Salaasada ee bishu ahayd 05-08-2014. Geeridu waa xaq, qof kastaana waa uu dhadhamin doonaa, xilliga Ilaahay ugu talo galay. Sannadihii ugu danbeeyey aad ayuu jilicsanaa, sariirtana kama uu kacayn. Todoba ubadkiisa ka mid ahaa, nasiib umay helin in aanu Aaska joogno, balse afar ka mid ah ayaa joogay oo kala ah: "Foosiya, Asma, Yaasiin iyo Muuna. (kala fogaanta dalalka ay ku nool yihiin, intii wadadhalatay, waxa ay tusaale u tahay xaaladda maanta Soomaalidu ku jirto)

Geed nool (sheeko gaaban) - Saddaam Carab

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta Reer Dhabbohaye, Geed här sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal Badan Buu ku leeyahay Reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka Hoos jooga ee fiirinaya, LABA hablood oo ay walaalo yihiin BAA Lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu Gaaf Tumay. Sogsogtan gabowday BAA arrimo Adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba Intan oo dhan WAA uu ogyahay SÅ WAA isdiidsiinayaa. Hunguri BAA ka haya, vante wayn oo baqe wata. Geeddi WAA Kanaan-Ka yaab ase faruhu aad vik u cuncunayaan galabta.

Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland oo la furay 0707-2014 baahiweyn baa loo qabay

Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan intii ka hawlgashay furitaanka Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland, oo ay hormood ka tahay Samsam Cabdi Aadan, ahna wasiirka waxbarashada Somaliland. Sannadkii hore ee 2013kii ayaanu u wakiilannay Maxamed Xirsi Guuleed, in uu dareenka Ururka Qorayaasha Somaliland u gudbiyo Marwo Samsam. Kaasoo xanbaarsanaa furitaanka Akademiga jaadkan oo kale ah, oo loo qabay harraad. Nasiibwanaag Maxamed waxa uu nagu soo warceliyey in ay hawshaasi socoto oo dareenkaasi horeba ugu jiray wasiirka waxbarashada Somaliland, Marwo Samsam Aadan. Waxa noo farxad ah in hawshii ay rumawday oo la furay Akademigii Cilmiga iyo Fanka. Annagoo ay farxad goonni ah noo sii tahay ka urur ahaan, waxa aanu hambalyo u soo marinaynaa hawada u dhaxaysa Iswidhan iyo Somaliland wasiirka waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, oo taariikhdu xusi doonto.

Bulsho kaa yaabinaysa! W/Q Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)

Way u qalantaa in dhugasho iyo dhaayo loo yeesho bulsho kamid ah kuwa dunida ugu laandheeraysan oo ka kooban 11 qawmiyadood iyo ilaa 25,000   oo qabiil, lagana yaabo in qaarkale jiraan, aanse weli la ogeyn. Intooda badani waa gooni daaq keli keli u nool, sidaada oo kale waxay leeyihiin indho iyo suuniyo, Bishmo (Dibno) iyo dhego, laakiin aad kaaga shaqo badan, saddex dalool oo dalool cuntada aynu cunno iyagaa faxliya.

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012

Tacsi ku socota Siciid Ismaaciil Maxamed "Airline" oo ay dirayaa xubnaha Ururka Qorayaasha Somaliland.

Dhammaan xubnaha ku jira ururka qorayaasha Soomaalilaan, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska reer Ismaaciil Maxamed ( Airline ), gaar ahaan walaalkood Siciid Ismaaciil Maxamed ( Airline ) oo ay maanta hooyadii Milgo Cabdillaahi Rooble ku geeriyootay waddanka Sucuudi Arabiya. Waxa aannu Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto marxuumadda, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday.

Hadhimo sharafeed Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan u sameeyey qoraaga, ahna agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.

Shalay oo taariikhdu ahayd 21-06-2014, markay saacaddu ku beegnayd 13:30 ayaa sidii ballantu ahayd lagu kulmay hadhimo ay soo diyaariyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan. Kulankaas oo lagu soo dhoweynayey agaasimaha madaxtooyada Somaliland, ahna xubin ka mid ah tiirarka Ururka Qorayaasha,  Xasan Cabdi Madar.

Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay, wax miyey ka barteen? Q-1aad W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)

    Beribaa waxa jirey laba Beelood oo is barbar yaalley. Degmada ayaa u kala rognayd, balse isku dhaqan iyo diin ma ay ahayn. Kala af ayay ahaayeen. Labada Bulsho mid waxa la odhan jiray “Islaweyn” ta kalena waxa la odhan jiray “Dangarad”. Islaweyn waxa ay aad u dhaqan jireen Geela oo ay ku faani jireen. Sidaa darteed dadka qaar ayaaba u yaqaannay Bulshadii faanka badnayd ama Faanbadan.

Sheeko gaaban! : "Waaryaahe Kediye! kobtani miyaanay ahayn kobtaynu shalay ka guurrey?" W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Oday Kediye, waa nin dedaal badan. Had iyo jeer reerkiisa waxa uu u sahamiyaa, meesha ugu fiican. Reerka uu odayga u yahay, waa qoys ballaadhan, oo carruurtiisa iyo afadiisa, oo keliya maaha inta eeganaysa odaynimadiisa. Toban wiil ayuu la dhashay, oo isaga ka yar. Da'diisu waxa ay madaxa la gashay sagaashankii, waase xoog xaftaa haya. Xoolo cun buu ahaa, xaaraanna afkiisa muu gelin, waxaase uu ka werweraa had iyo jeer Ilmaadeeradii, oo aan kala aqoon xalaal iyo xaaraan. Geela ayey soo dhacaan, oo cunaan, oo caanahooda cabbaan. Waa geel ay ka soo dhaceen, dad

Qarankuu u hiiliyey goormuu qiimeyn? ...Abwaan, Cabdi Adan Xaad (Cabdiqays)

Waan kuu hogaansamay          kugu soo hamiyi jiray hadba kugu warwari jiray        oon hoos iyo guud hawlahaaga wadi jiray            hor Illaah walaahiye hamadii aan kuu qabay           hiladaydi toosnayd adaa haw ka yidhiyoo             hir lagaaga baaqe

Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014 (Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan)

Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan Warsaxaafadeed: W02/UQS/06-2014   Shalay oo taariikhdu ahayd 0706214, maalin sabti ah, waxa qabsoomay shirweynihii Ururka Qorayaasha Soomaaliland laanta Iswidhan. Shirkan oo ka dhacay, xarunta Ururka ee ku taal xaafadda Telefonplan, ee magaalada Stockholm, waxa uu furmay 10:30 gelinkii hore.

Iyadoo arkaysa! W/Q Saddaam Xuseen Carab

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.

27 Mey ee gu'gii 1988kii : "Xusuus aan duugoobayn"

Waxa ay ahayd goor subaxnimo ah, markii aanu soo kaxaysannay gaadhi Mazda ahaa oo yar. Gaadhiga waxa waday walaalkay Yaasiin M Yuusuf, waxa aanu u dhaqaaqnay dhankaa iyo magaalada. Waxa aanu ka soo dhaqaaqnay, gurigayaga oo ku yaalla Xaafadda caanka ah ee Dariiqada ee magaalada Sheekh. Guriga aanu ka soo kicitinnay waa kii aan ku dhashay, balse muddo lix sannadood ku dhaw ayaan markaa ka maqnaa, oo muddo laba bilood ah ayaan joogay Hargeysa ilaa Sheekh. 

Dildillaaca Xisbiyada Qaranku, UCID Oo Keliya Ma Aha'e Labada Kalena Way Ku Daba Jiraan

FG: Qoraalkani, waa intaan Xisbiyadaba dib loo furin. Werwer baa igaga jiray in la xakameeyo Xisbiyada badan. Taasoo inoo horseedi lahayd burbur Qaran. Laakiin, dad badan baa taageersanaa in saddexdaa Xisbi ee UDUB, KULMIYE IYO UCID uun ay ahaadaan weligood axsaabta Qaranka, in ay saddexduba burburi karaan, lamaba dareensanayn. Qoraalkan oo aan maanta xasuustay markaan arkay halka Kulmiye maanta cagta saaray, waxa ay noqonaysaa "Waxyi iguma soo dego, waxna iguma seeggana ....." Waxa jooga haddaad garanweydo, miyaad garan kartaa ama mala awaali kartaa waxa soo socda?  Qoraalkani waxa uu ku soo baxay Haatuf, markay taariikhdu ahayd 26-07-2011. ------------------------------------------------------------------------------------- In badan baa laga dooday furitaanka Ururada siyaasadeed ee Somaliland. Qof kasta oo akhriyey xeerka ururada siyaasadda ee dalka Somaliland, meel-naba kuma uu arag xakamayn la xakamaynayo tartanka ururada siyaasadeed ee loogu talo gal

Ma runbaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane? Family name iyo reermaad tahay, maxay ku kala duwanyihiin?

Wax kasta oo maankaaga ku soo noqnoqda, inaad fahamto ayaa ka hagaagsan in aadan isweydiinba. Tan iyo intaan fahmay reerka aan ahay, waxa aan maqlayey oo si uun aan u fahmayey, kolba heer ha joogtee tolka, iyo arrimaha ka dhexeeya. Haba ugu horreeyo qaadhaankuye!. Waxaana barbar-taallay, erayo ka soo maaxday maansayahanno soomaaliyeed, oo in badan ka hadlay Qabyaaladda. Waxa ugu mudan oo maalinkasta nool, tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) IHN, oo ahaa "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Haddaba, waxa yaab ah oo aan is qabanayn laba arrimood. 

Dareenkii ugu heerka sarreeyey ee abid!! loogu debbaaldego 18ka Mey iyo Stockholm/Iswidhan.

Shalay oo taariikhdu ahayd 18-05/2014 ayaa la isugu yimi, sidii ballantu ahayd gurigga umadda ee xaafadda Rinkeby ee Stockholm. Waxa ay ahayd xuskii 23-aad, ee ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay, goonni isu taagga Somaliland 1991kii. Barnaamijka oo ay soo habeeyeen Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay si gaar ah xoogga u saareen in qoysaska reer Somaliland helaan, maalin ay carruurtooda iyo waalidkuba ka qayb qaataan. Maadaama oo xafladaha inta badan la qabtaa ay u bateen habeenimo saqdhexe. Waxa lagama maarmaan noqotay in la helo oo la soo nooleeyo dareenkaas oo sii dhimanayey. Runtii si la yaab leh, oo malaa dadka badankoodu aanay filaynba ayaa looga soo qayb galay debbaaldeggii maalinimo ee reer Stockholm. 

Xeeldheerida Maansada "Hadraawi" xidhiidh waxay la leedahay, hadba xaalkii taagnaa, danyar baa xigto u ah.

Waxa aan daawaday, waraysi uu la yeeshay Tv-ga Somalichannel, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi). Su'aalo dhawr ah oo la soo weydiiyey baa waxa ku jirtay weydiin macnaheedu ahaa: "Haddii aad tihiin hal-abuurkii soomaalida, maxaa xumaan uun u saadisaan, maxaase qabiil u kicisaan". Dabcan su'aashu mid qeexan ma ay ahayn oo si gaar ah umuu weydiin Hadraawi, ee hal abuurka oo dhan ayuu u dhigay su'aashiisa. 

Faallo: Gebagabadii Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE iyo gunaanad la'aanta-----"Ciyaari waa gelin danbe"

Xisbiga Kulmiye, waxa uu la bilaabmay Axmed M. Maxamuud  ( Siilaanyo). Waxa uu ahaa Xisbigii ugu danbeeyey, balse noqday kii loogu hadal haynta badnaa, markii la furay axsaabta siyaasadda  Somaliland. Waxa uu sigay in uu judhiiba ku guulaysto hoggaanka dalka oo uu kala wareego xisbigii hadhay  ee UDUB. Madaxweyne Dahir Rayaale oo hoggaaminayey UDUB, waxa uu ku helay hoggaanka tiro aad u kooban, oo uu kaga guulaystay KULMIYE.

Ogeysiis: Debbaaldegga maalinta Qaranimada Somaliland 18-05/2014 maalinta Axadda

Waa maalin lagu xasuusto wax badan. Dhibaato badan oo dadka iyo dalkaba soo martay ayaa lagu xasuustaa, in la saxo oo la xasuusnaado qaladaadkii la soo galay ayaa muhiim ah. In carruurtu barato maalinta qiimaha leh ee dalkooda ayaa wax kastaba ka mudan. Carruurtu waa hoggaanka berrito. Waa in la beeraa, wax fiicaan, oo berrito wax inna tara. Maalintan loogu talo galay reer Stockholm iyo nawaaxigeeda waa maalin ku suntan, debbaaldegga Qaranimada Somaliland.

Ogeysiis: Debbaaldegga maalinta qaranimada Somaliland ee 18-05/2014, Maalinta Axadda iyo Stockholm

Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay ku ogeysiinayaan ka soo qayb-galka, debbaaldegga maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 Mey oo qabsoomi doon-ta, maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 18-05-2014, saacadduna tahay 15:00 (Saddexda galabnimo).

AKADEMIYADDA AKHRISKA IYO QORAALKA HIMILO OO DAAHFUR U SAMEYSAY BUUG CUSUB OO LAMAGAC BAXAY ‘’COLAADIHII GEESKHA’’.

Akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo ayaa daahfur u sameysay buug cusub oo la magac baxay ‘’COLAADIHII GEESKA’’, buugan oo uu qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo’’ CALI CABDI COOMEY’’ galay martisharaf iyo dadweyne aad u tiro baddan.

Indho Ama Dhaayo: 150 Erey Oo Ah Tilmaamaha Af-Somaliga Ee Indhaha U gaarka Ah...W/D, Ali Mohamoud Noor

Waa isku daygii baadhitaan ee noociisa oo kale u horreeyay ahna mid la odhon karo wuxu joogaa marxalad bilow ah oo dhammaystir u baahan. Daraasaddan ayaa ah mid koobaysa dhinac kasta oo xidhiidhinaysa afka hooyo iyo xubinta jidhkeenna u qaabbilsan lexaadka aragga.

Ma geyaan qoriga iyo rasaasta nool! W/Q, Mustafa A. Nuur

 Aqoonta iyo waxbarashadu waa awoodda dhaqaaji sahorumarka, waa xuddunta iyo halbowllaha horumarka.Waxbarashada waxaa ku xidhan shaqo abuurista iyo dhaqaallaha ka soo bilaab ma qof ee socda ilaa iyo qaran, jaamacaddaha iyo waxbarashada sare waa ubucda dhaqaalluhu ka duulo. Dheefta waxbarashada sare iyo jaamacaduhu ma aha uun doorka ay horumarka ku leeyihiin, mana aha uun tababarka ay shaqsiyaad helayaan: waxay se lagama maarmaan u yihiin  xallinta mashkilladaha kala duwan ee bulshada.  Jiritaan ka jaamacaddaha waxa kasoo unkama labada tiir ee ugu waaweyn horumarka: hindisaha shay cusub ama feker cusub iyo dhaqaajinta feker kaasi cusub (invention and labour market force). 

Gebi-dhaclayntii sooyaalkii siyaasadda ee soomaalida iyo xasuustaydii carruurnimo ilaa dhallinyaranimo...W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Waabaa beryey, bilicsan, arooryo baxsan, maalin boqran, kuwii ka baydhee, barbar u leexdee......waa baaba'ooda. Kuwii u baaqee, dabkan baxaaya belelinaayey waa baayadooda...Badh-badhaadhnay, gumaysi baaba', badh-badhaadhnay......!! Goda-dada dhulkeenuu, habeenkay gilgilatee, guddidii heshiisee, golaa tawraddee saree, taladii ku gooyeen,  ama geeri aakhiro ama guusha nololeed, wixii u geeyey, gabadhyey bal ii sheeg, gabadhyey bal ii sheegee. Markii ay gabnawdee, godol qaadi weydee, sagaalkii guyee horee, gaajada la hoyatee!!......

Doorka Naasiya-da ; W/Q Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke) .........Burco, Somaliland

Amin hore, mar aanay saynisyahanada iyo dhakhaatiirtu wax badan ka ogayn sida ay xubinta cad ee 1.4ta Kg ee maskaxda qofku u shaqayso ama u bogsato oo isu hagaajiso marka dhaawac culusi soo gaadho ka dib ayuu shil dh acay-shil xun oo nolosha qofka uu ku dhacay galaafan karayay laakin noqday mid wax laga bartay, mid garaadka iyo xiisaha inta wax baadhaba dareenkooda soo jiitay. Sida dhaawacaas iyo shilkaasi u dhacay waa arin ilaa maanta laga doodo oo wax layska weydiiyo. Waxaa lagu ogaaday in dhaawaca soo gaadha qayb maskaxda ka mid ahi ay saamayn ku yeelato aragtida iyo dhaqanka qofka.

Ardeydii Dhagaxtuur iyo Dhiiranaantii Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”

Febraayo 20,2014                                                                                                                             Mareegaha Farshaxan Qaybtii  3aad... Waxay deeqii tidhi                               Ma nalkii damay inoo daarayaan Maxay doonayeen maxay diidayeen 

Halgankii Ummadda iyo hankii Cabdiqadir Koosaar "IHN"

Qaybtii   2aad Mareegaha Farshaxan April 6,2014          R aqda aarka hore, kii dambuu reenka maqashiine        kuruskuu rudhaayuu hadana, wax uga reebaaye        raxan baad ku cunaysaan, hashaan riiq walba u galaye        raambaha haddii lagu turbo, iyo raani iyo baashe        hadba yeekahaad noogu rogtaan, waysla ruga-gayne                                                     Abwaan Cali Xasan (Banfas)-IHUN-

Hambalyo ku socota kulankii taariikhiga ahaa ee Ururka Qorayaasha Somaliland

Maalintii, ugu danbaysay sannadkii tegey 2013, iyo soo dhoweyntii 2014, kala-wareeggii sannadka ayaa lagu dhawaaqay in Ururka Qorayaasha  Somaliland oo toban jirsaday, uu ka hawl geli doono, dalka gudihiisa. Muddada tobanka sannadood ku sinnayd, waxa xarun u ahayd carriga Iswidhan, oo ah goobtii lagu aasaasay. Dhammaan inta jecel horumarinta qalinka, midaynta, af-qoraalka, dood-wadaagga hufan, soo saaridda buugaag wax tar leh, dhiirri gelinta da'yarta soo koraysa, ee jecel in ay wax qoraan. Waxa uu ururkani u yahay muraayaddii ay iska dhex daawan lahaayeen. Cid ka xigtaana, ma jirto, waa uun in aad buuxisaa, tiirarka uu ka dhigtay xeerka. 

Ururka Qoraaga Somaliland iyo bandhigga buugga Baraarug

Dhawaan waxa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, buugga la magacbaxay Baraarug. Bandhiggaas oo kulmiyey xubno muhiim u ah qalinka, sida: Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland, qoraaga caanka ah, ee af-aqoolka ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo), qoraaga, ahna guddoomiye ku xigeenka UQS, Khaalid Jaamac Qodax. iyo xubno kaloo fara badan.

Sheeko Gaaban: Godobreeb! W/Q, Saddaam Xuseen Carab 04/2014

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan  dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.

Xus iyo Xusuus: IHN, Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Qodax) iyo maansada: "Godol". " Anigoo Itaal gabay, gurigaan dhexjoogana, aan geesna uga bixin: Maansada "Godol"...2012

Galabtii Carraabada Aan gaar u daawado Guullaa amarka siiyoo Hadba gees u dirayee Anigoo Itaalgabay  Gurigaan dhexjoogana Aan geesna uga bixin.

Hargeysa: Akadamiga HIMILO Oo Munaasibad Ballaadhan Ku Xusay Sannad-guudadiisii 1aad Iyadoo La Maamuusay 5 Qof Oo Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan La Qabtay.

Akadamiga Akhriska Iyo Qoraalka HIMILO ayaa munaasibad ballaadhan ku xusay sannad-guuradiisii koowaad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay. Waxaanay munaasibaddaasi ka qabsoontay hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa.  Marti  Sharaf kala duwan oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo ururada, qorayaal, aqoonyahanno, arday iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xafladdaasi si weyn uga soo qayb-galay.

Akademiyada Akhriska ee Himilo ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ururka Qorayaasha Somaliland

Shahaadadda waxa guddoomay guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland Axmed Ibraahin Cawaale oo uu weheliyo guddoomiye xigeenka ururka Khaalid jaamac Qodax, todobaadkii inna dhaafay.  

Soomaalidu isku si wax ma u qiimaysan kartaa? - W/Q, Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd

Dawladnimadu waa hannaan maamul iyo hab abaabul bulsheed oo horumarsan, mana jiri karto dunidan cusub ummad ka maarantaa. Ha ahaatee dawladnimada cusubi dadka soomaalida wax ay u sidday hoog iyo xanuun. Berigii geelasha gooni gooni loo ka la raacan jiray baa la roonaaye, kolkii wax la isku darsaday waa la is eeday oo la isku halligmay. Awal iyo iyo weligeedba waa la is layn jiray laakiin isku itaal baa la ahaa, dawladnimada ayaa se noqotay awood dheeraad ah oo la isku dilo oo la dumiyo.

Warbixin kooban: Tababarka Dafcaddii 1aad ee qoraal/akhriska

Waxa ay ahayd uun horraantii toddobaadkan kolkii Ururka Qoreyaasha Somaliland, Xaruntiisa Hargeysi baahisay tababar ay u qabanayaan dhallinyarada, oo ku saabsan sheeko/buug qorista. Tirada codsadayaasha oo kor u dhaaftay afartan qof, ayaa dufcaddii u horraysay oo labaatan arday ka kooban maanta (2/27/2013) lagu tababaray magaalada Hargeysa. Halka dufcadda labaadna dhawaan loo qaban doono tababar kan la mid ah.

Qaadkii baa qayliyoo yidhi: "Dhallinyahay qarweysaa, maxaa qoonsateen?"

FG: Qormo hore (09-2009) ------------------------------------------------------------------------------ Xilli aan sidaa u sii fogayn ayuu soo galay Qaadku dhulka soomaalida. Geedkaas oo ka baxa buuralayda sare ee dhulka Itoobiya iyo dhinaca Kiiniyaba. Wixii ka horreeyey lixdankii waxa uu ku koobnaa tiro aad u kooban oo u badnaa dadkii u safri jiray Itoobiya gaar ahaan dhulka uu ka baxo. Waxa kale oo uu aad ugu dhexjiray XERTA, oo iyaga laftigoodu lug ku lahaa deegaannada Itoobiya gaar ahaan magaalada Herer. 

Wargalin muhim ah, Buuga Diiwaanka maansooyinka iyo taariikh nololeedkii Abwaan Abdi Iidaan Faarah

Wargalin muhim ah, Buuga Diiwaanka maansooyinka iyo taariikh nololeedkii Abwaan Abdi Iidaan Faarah Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxa soo gabogaboobay wajiga hore ee ururinta taariikhda nololeedkii iyo suugaantii Alle ha unaxariistee Mujaahid abwaan Abdi Iidan Faarah, buuga diiwaanka taariikh suugaaneedka Abwaan Abdi Iidaan waxa lagu wargelinayaa dhamaan bulshawaynta reer Somaliland iyo guud ahaanba bulsho waynta ku hadasha afka somaliga   cidii haysa heeso, gabayo, geeraaro, riwaayado iyo taariikh nololeedkiisaba inay la soo xidhiidhaan cinwaanada hoos ku qoran taasi oo.

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay "Samo-Talis" ee uu qoray Siciid M. Gahayr soona baxay 2013kii Q/-2aad

Maktabad aan guban buu Gahayr goobta soo dhigaye,  Aan gorfeeyo waa gobanimiyo guul  qalin u guuxaaye." Halkan ka akhri Q/1-aad http://dhegey.blogspot.se/2014/01/faallo-buugga-samo-talis-maktabad-aan.html Sidaan qoraalkii horeba ku sheegay, buugga Samo-Talis, waa buug baaxaddiisa leh, dhan kasta waxa ku jira taariikh aad u dheer. dabcan, buugga waxa laga hadlayaa waa Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo ku magac dheer Cabdiwaraabe. Buug kasta oo la qoro ama hawl kasta oo la qabto ma weydo dhalliil. Waxa, wax lagu saxaa mar kasta dhallisha aan xumaantu ku ladhnayn ee dareenkaaga ka dhalata. Mar haddii aan buugga si guud uga faallooday qaybtii hore bal mar kanna aan iska  taago dhankale. 

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay " Samo-Talis" ee uu qoray Siciid M. Gahayr, soona baxay 2013kii, Q/1-aad

Maktabad aan guban buu Gahayr goobta soo dhigaye,  Aan gorfeeyo waa gobanimiyo guul  qalin u guuxaaye." Buugga la magac baxay "Samo-talis" waxa qoray Siciid Maxamuud Gahayr. Waxa uu gacantayda soo galay dorraad oo ahayd maalin jimce ah, taariikduna ahayd 03-01-2014. Waxa uu buugu soo baxay gu'gii hore ee 2013ka. Waa buug loo baahnaa, waa buug laga heli karo taariikh soo taxnayd muddo dheer. Waana maktabad innaga guban lahayd oo aan guban, waa dhaxal u yaalla dadka afka soomaaliga ku hadla. In badan baa garanaysa Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ku magacdheer Xaaji Cabdiwaraabe. 

Dharaarihii tilmaannaa iyo weriye CabdisalaanCismaan Cumar-Jeex (Abuhurayra)

Halkan hoose riix oo ka dhegeyso sooyaalkii soomaalida gaar ahaan Somaliland. Waxa guntiga u xidhay Fu'aad Sh Abuubakar, oo aanuu jirin ilaa maalinkaa maanta ah qof sidiisa oo kale u qalab qaatay ururinta, kaydinta iyo dabagalka taariikhda iyo laamahaeeda faraha badan. http://farshaxan.com/His_Somaliland/Dharaarihii_Timaanaa/Dharaarihii_Tilmaannaa_14.mp3

Hambalyo ku socota guddida cusub ee Ururka Qoraaga Somaliland

Maalintii ugu danbaysay ee sannadkii 2013, maalinimadii salaasada, habeenkii arbacadu soo gelaysay 31-12-2013 ayaa lagu dhawaaqay guddidii ugu horreysay ee ka hawlgasha Somaliland. Ururka Qoraaga Somaliland oo toban jirsaday, waxa la aasaasay 2003-dii. Magaalada Stockholm baa lagu dhisay UQS. Xubna aad u kooban baa isla gartay oo isla meel dhigay in baahidaasi jirto. Muddo yar ka daib, waxa ku soo biiray qorayaal badan, oo kala jooga dacallada adduunka.