Waa duni la kala iibsadoon, nala ogaysiine - Faarax Nuur, AHUN.
Waddaninnimo-darro yeelkeed, xilkasnimo-darro qushigeed,
sarriigasho la’aanina danigeed’e, dhimashadu
waa marka damiirku sidan u dulloobo ee u gumoobo. Dhulkii goobaha akhriska saboolka ka ahaa ee
midda qudh ah lahaa, waxa laga soo
sheegay foolxumo muddo la dedayey oo
dharaarahan furku ka dhacay, dabeedna kashifantay. Maktabad Hargeysa ku taalley oo ciddii akhris
ama buugaag u hollataa u aroori jireen, dad badanina u aayeen, ayaa laga soo sheegay
war laga yaxyaxayo oo laga yaabbanyahay sida uu xilligan suurtagal
u noqday.
Maktabaddii Gaandi ayaa tiiyoo la dhex fadh fadhiyo oo
wax lagu akhrisanayo la kala gatay oo
sidaa lagu dhiirraday, markii la damcay
in la dhaqangeliyo ee irridaha loo laabayna lagu war helay. Boobkii hantida danta guud ee lagu bahaloobay
baa halkaa la maraya madaxdeennii iyo ganacsatadeennii aynnu eednay. Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la
kulantaa! Wixii la boolyan karayey iyo
wixii la dhici karayey wax badani ha uga hirgaleen, maanta ayay se raran lagu
caga gubyoonayo ku joogsadeen, oo ay dacar is waraabsheen! Waxa ay moodayeen in ay dhul iyo hanti kale kala
iibsadeen, waxay se moogganaayeen in
ay digo iyo dambas kala iibsadeen -
sidii labadii nin ee xarfaanta ahaa ee midiba ka kale khiyaamee is
lahaa, dabeedna labadaa walxood isu qariyay.
Ma waxa ay garan waayeen: goobahani waa meelaha tirada
yar ee ay idinkaga maqanyihiin dadka intooda yar ee baraarugsan, idinkana il
dheer marka ay doonaan?! Ma waxa ay garan waayeen haddii ay kolleyba
boob idiin tahay, intii hore ee aad awelba ku mamteen ku ekaada, idinka oo
weliba raad gadanaya? Miyaanay ogayn
dadka ay ardaagooda ugu yimaaddeen ee ka toosiyeen, in ay yihiin kuwa haddii ay
oogsadaan oo kacdoon sameeyaan, cidda ay sahayanayaan ee ay ku bogsanayaan iyaga
tahay? Maanta ma in ay dalka dhan
Hargeysi weliba hal maktabad ka lahaato ayay
ahayd, mise in Hargeysi maktabado yeelato, dabeedna gobol iyo degmo kasta oo
kalena la gaadhsiiyo, oo goobo akhris laga hirgeliyo? Haddiiba se nasiib’darradeeda Hargeysi ay hal
goob-akhris lahayd, ma in tiina laga iibiyo, buugtii iyo cilmigii halkaa tuulnaana
la rabaaliyaa bay ahayd?
Haddii damiirka
sidaa u dilan iyo jaahilnimada heerkaa garaacaysa laga helay dad innaga mida, waxa taa laga waayey oo heeryadaa iska rogay
dadkii laga soo dareeriyay maktabadda iyo cid kasta oo maan fayow oo wax ka
odhan karaysay, oo laga filayey in ay
Gaandi u hiiliyaan, ama isu hiiliyaan.
Geesiyaashii qalinka miigganaa ee erayga dhigan wax ku gilgili jiray
sidee loo xakamayn lahaa bal? Yaa afka
qaban lahaa maansayahankii aftahanka
ahaa ee meeriskoodu meel mari jiray?
Jaadku doonaba ha lahaadee, farshaxankii farriimaha gudbin yaqaannay ma inay tan oo
kale iska daawadaan baa laga eegayey? Dhallinyaradii intaaba u taagnayd ee
hawshaa ku guntatay, guulna ka soo hoysay, iyo cid kasta oo wax ku lahayd in goobtii dib loo furo ayaa bogaadin iyo ammaan
mudan. Hawshaa intii aan soo sheegayba ay ka midaysnayd, bay haddana maalmahan
dad cilladaysani ku asqaynayaan oo majaraha kaga duwi rabaan ku xidhiidhinta dano qabyaaladeed iyo arrimo
kale oo aanay maanta tan meeli uga bannaanayn.
Dad ay ka mid yihiin odayaal iyo madaxdhaqameed-ku-sheeg kasmo
daran baa maalmahan ka kala had hadlayey xaafadaha Hargeysa, oo wax aan
shaqadoodii ahayn dhex yaacayey, wax aan la dhegaysan karinna shubayey. Dadka
caynkaas ahi iyaga oo is moodsiinaya in ay maktabadda wax tarayaan, amaba dano
kale ku hoos qarsanaya, ayay wax u dhimeen dedaalkii arrintaa loo galay. Wax ay taraan haba sheegine, waxyeellada ay
dadkaa ka-dhextooska ahi hawsha ku
darsadeen waa: in ay ujeedkii iyo dareenkii dhallinta leexiyeen, kana been
sheegeen, una ekaysiiyeen arrinta
xidhitaanka iyo furitaanka maktabadda
mid ay reero ku xintamayaan, dabeedna sidaa barbaartii hagaagsanayd fadqalallo ku kala dhex dhigay. Sunta nimankaasi qaybinayaan baa u muuqan
karta mid kala shaki iyo kala qaybin abuurta,
balse aqoonyahankii iyo indheergaradkii awelba danta guud ku midaysnaa,
taas waxba kama soo gaadhayaan, waayo
wacyigooda ayaa ka sarreeya waxa ay fidnowalayaashaasi u sheegayaan. Haddii maanta tan oo kale lagu kala
qaybsamana, tu dhaanta oo berri la isku afgaran karo anigu garan maayo.
Dhacdadan yaabka leh ee iibinta maktabadda, haddii ay
sidii lala rabay u dhici lahayd, runtii haddii afaf kale lagu turjumo oo dunida
kale loo tallaabiyo waxay noqon lahayd halqabsi taariikh-gal ah oo la
yidhaahdo: duul Soomaali la yidhaa baa
beri laga soo weriyay maktabad keliya oo ay lahaayeen inta ay gadeen, dabeedna
goobtii dukaan ka dhigtay oo raashin ku raseeyay. Sidaas bay haddii aynnu foolxumadan dugsan
lahayn oo aan laga diiri lahayn, ay u noqon lahayd halqabsi uu sida
murtida/maahmaahda u soo qaato dal kasta iyo deegaan kasta oo uu markaa wacyiga
dadkiisu hooseeyo, dunida tacliinta ku tanaaddayna dib u weydaarto.
Haddii aynnu si wacan u wada ogaan lahayn aqoonta iyo fidinteeda dhibkii iyo dhaawacyadii ka soo
gaadhay iyo halgankii ay u soo mareen halyeeyadii Maxamuud Axmed Cali, Yuusuf Xaaji Aadan, iyo
raggii la midka ahaa, dhammaanteen waxbarashadaynu ka shaqayn lahayn oo dhiigga
iyo dhuuxaba u shubi lahayn, sidii raggaa taariikhda Soomaalida baalka dahabka
ah ka soo galay oo kale, dabeed cidina kuma dhiirrateen waxan (maktabad la
baabbi’iyo) iyo wax u eg toona in dadka lagu dayo.
Habeenkii 26kii Juun, 1960kii, ee Hargeysa calanka
xorriyadda laga taagey, kii Ingiriisna la dejiyay, raggii ka gabyey oo aad
kollay badidood wada garanaysaan waxa ka mid ahaa Eebbe ha u naxariistee Axmed
Ismaaciil Diiriye “Qaasim” oo Cadan ka
soo tiriyay gabay uu dalluunta bushaaro ugu geynayo sayidkii Ingiriiska la diriri jiray. Waxa gabaygaa ka mid ahaa:
Allow yaa darwiishkii farriin, debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa, dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldeg iyo farax, kala dul eedaama
Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara
In dariiqadii nooshahooy, dunida soo gaadhay
Oo
dabkuu shiday rag kale, dogobyo sii saaray
Allow
yaa af lama daaliyee, daacad ugu sheega.
Xaaladda maalintaas taagnayd ee
gobannimada ku saabsanayd waxa aan u soo qaatay, in aan ag dhigo ta maanta
aynnu aragnay ee aqoonta lagu liiday, maadaama oo labada qaddiyadood-ba
(gobannimada iyo tacliinta) loo soo maray halgan dheer. Inta aan tuducyadan ‘Qaasin’ gabay-dheeg ku sameeyay, ayaa isagu sayidkii
bushaaro ayuu u siday’e, innagu waxa aynnu
u ashkatoonaynnaa aabbihii waxbarashada Soomaaliyeed, Maxamuud Axmed Cali iyo
saaxiibbadii, Eebbe ha u wada naxariistee.
Nimankaa hawshii tacabka badani ka galay, ee iyaga oo ifka jooga ay ku
guulaysteen hirgelinteeda, in maanta oo
ay in badan sii mootanyihiin, ay maqlaan arrintan dhiillada iyo dib u noqodka
ah, maynnaan jeclaanneen, warkan ayaa se u dhigan mid godka ugu geli gaadhaya
geesiyaashaa hore u galbaday’e, maynnu
sidan farriin ugu dirno:
Allow
diricyadii yaa farriin, debecsan gaadhsiiya
Allow
yaa dadkiinnii yidhaa, dawldanimo seege
Allow
yaw dacwoodoo qabriga, daaqad uga fayda
Allow
yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara
In
dariiqadii nooshahoo, duul se ku ciyaaray
Oo dabkii ay shideen uu rag kale, siiba
daminaayo.
Dacwadda iyo dhiillada ka dhanka ah
damacaa waxshinnimada ahi waxa ay ku sigatay in ay dalluunta ka soo saarto, oo
qubuuraha ka soo toosiso raggii cimrigooda intii ay jireen geliyay sidii ay
Soomaaliyi wax u akhriyi lahayd, waxna u qori lahayd.
Marka ummad garashadeeda la caayayo
ama se aan waxba la iskaga tirinahayn, sidan
baa loo liidaa, oo waxa lagula soo dhacaa oo lagula soo dhiirradaa waxaas iyo
wax la mida, oo dabeed aqbalkeeda laga sugaa.
Maanta haddii aynnu tijaabadaas ku dhici lahayn oo arrintan bulshada la
marsiin lahaa, waynnu gumoobi lahayn,
waxaa se halkaa ka cad in aynnu weli noolnahay, oo soo jeedno, weliba
wax badan oo kale ayaa sidaa innagaga maqan oo hantidii danta guud la odhan
jiray sidan baa badankeedii hore loogu liqay.
Tani waxay ahayd farriin la inoo soo diray! Gebi’dhaclaynta bulshada iyo
isku xidhnaan la’aanta aqoonyahanka ayay in la seexday moodeen!“Dheeldheelligaygay inaan dhacayo
moodeen” baa nin abwaana laga hayey.
Fiiro Gaara: tuducyada aan ka soo qaatay gabayga ‘Qaasin’,
sida ay u yaallaan ma wada aha sidii ay iskugu xigeen markay gabayga ku jireen
ee intii aan u dan lahaa baan isla soo doontay.
W/Q:
Cabdiraxmaan Mowliid Cali “Shandaqiiqo”
Email:
Cabdiun@hotmail.com.
Kommentarer
Skicka en kommentar