Fortsätt till huvudinnehåll

Sooyaalkii Muj, Ismaaciil Xaaji Cabdi Xaaji Abokor (1936-1988) " Geeri buu ka doortay inuu gorodda laallaadsho"


Muj, Ismaaciil Xaaji Cabdi, waa ninka Isku-joogga buluugga ah xidhan. Sawirkani, waa intii uu ka mid ka ahaa SNM siddeetamaadkii.













Dunida aynu maanta ku noollahay, waxa ay soo martay heerar kala duwan. Markasta waxa jiray muran iyo is-maandhaaf, ku danbayn jiray dagaal iyo dhiig daata. Dadku kama waantoobo, oo nolosha ayey ku taxan tahay "Mid inuu wax duudsiyo, midna diidey ka xigsado inuu Daylo qaayibo" Maansadii Xasan Ganey. Is duu-dsiga, is-gumaysiga, dhaca iyo dhiig-daadinta aan jidka haysan, diinta Islaamku waa ay innoo caddaysay. Laakiin, banii'aadamka sida maankiisu siiyo ayuu ku dhaqmaa oo qummanihiisa ayaa qoorta u sudhan. Maanta waxa aan qalinka u qaatay, Ilaahay ha u naxariistee Ismaaciil Xaaji Cabdi Xaaji Abokor Cabdulle Sugulle. Waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh, gaar ahaan Guriga loo yaqaan Dariiqada, oo ah halkii ugu horreysay ee la dego, aasaaskii magaalada Sheekh. Waxa uu goobtaa ku dhashay 1936kii . Waxa uu dhammaystay waxbarashadii xilligaa ugu sarraysay, wuxuuna ahaa lambarkiisii ardaynimo 344, taasoo macnaheedu tahay, waxa ka horreeyey oo keliya 343 arday Somaliland oo dhan. Ismaaciil, waxa uu ka dhashay qoys caan ka ahaa Somaliland, oo u badnaa Culimadii dhidibada u taagtay kala danbayntii bulshadii reer Somaliland, gaar ahaan deegaanka ku xeeran Sheekh, Berbera, Oodweyne iyo Burco Qarnigii 19-aad. Ismaaciil awoowgii Xaaji Abokor, waxa uu ahaa in muddo ah hoggaankii Culimada Sheekh , waana xilli ku beegan 1900. 

Inta aanan qalin taraarin, aan ku ekaado IHN,tee Ismaaciil Xaaji Cabdi. Sannadkii 1961kii ilaa 1965kii waxa uu ka mid ahaa weriyayaashii Idaacaddii Hargeysa. Waxa uu ka mid ahaa, dhallinyaradii dhidibbada u taagay hab casriyeed loo soo diyaariyo barnaamijyada, taasoo aad u xiiso-gelisay dadka soomaalida oo dhan meel kastaba ha joogaane. Barnaamijyada iyo wararkaba xor bay u ahaayeen in ay iyagu soo diyaariyaan siina daayaan. Iyagoo raacaya xeerarka guud ee saxaafadda dalka, taasoo aan xilligaa lahayn cabudhin iyo faaf-reeb toonna. Sannadkii 1965kii ayuu u wareegay Idaacadda BBC-da, halkaasoo uu ka soo shaqeeyey ilaa 1969kii. Dad badan ayaa ku garanaya Ismaaciil in uu ahaa weriyeyaashii ugu caansanaa BBC-da. Inkale oo badan baa ku xasuusata Reedhyaw Hargeysa, waxaana ilaa maanta cajaladaha qaar ku duuban codkiisii, isagoo waraysanaya Gabayaagii caanka ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) xilli ku beegan todobaatankii, sidaan qiyaasayo. Waana markii uu ka soo noqday BBC-da kuna soo noqday Idaacaddii Hargeysa. 

Markii melleterigu dalka la wareegay ee xoogga ku qabsaday, waxa la galay xaalad kale oo saldhiggeedu ahaa CAR JUUQ DHEH! waxa saamayn ku yeelatay hawshii Idaacadda ee Ismaaciil uu xorta u ahaa in loo yedhiyo, waxa uu ka sii daynayo Idaacadda, Maamulkii gobolka Hargeysa ayey markiiba madaxa isla galeen, oo uu Ismaaciil u arkayey in aan xaq loogu lahayn in hawshiisa loo gacan dhaafo. Taasi waxa ay keentay in uu barnaamij uu ka sii daayey Idaacadda, ay ka cadhoodeen maamulkii gobolku, sidaana lagu soo amray Ismaaciil in uu iska xaadiriyo caasimaddii xilligaas---waa Muqdisho'e. Sidaa ayuu ku waayey shaqadiisii uu gu'yaal badan ka soo shaqeeyey. Muddadii u dhaxaysay 1972-1976kii wax shaqo ah muu qaban, xilligaa  ka dib waxa Maareeye! looga dhigay Hudheelkii caanka ahaa ee dalxiiska JUBBA. Muddo yar ka dib, shirqool loo soo maleegay ayaa lagu xidhay 1976kii, waxaana uu ku xidhaa jeelkii Gaalshire. Markii la soo daayey, intii ka danbaysay waxa uu bilaabay ganacsi u gaar ah, si uu uga maarmo shaqo dawladeed, oo xilliyadaa noqotay mid dulmi iyo xumaan uun ku sifaysnayd. 

Ismaaciil isaga oo jooga Hargeysa ayuu muddaharaad ballaadhani ka dhacay magaalada Hargeysa, waana markii maxkamadda la saaray dhallinyaradii UFO, kuwaasoo lagu xukumay dil iyo xabsi daa'in bishii Feberweri 1982kii. Waxa xukuntay maxkamaddii badbaadada dalka, oo ahayd tii burburinta dalka. Badbaado meelnaba kamay soo gelin maxkamaddaasi, ee burburka maanta taagan waa maxkamaddii kow! ka ahayd. Ismaaciil waxa uu yimi Burco, waxaana Burco ka bilaabmay kacdoon la mid ah kii Hargeysa, sidaa ayaa lagu xidhay odayaal, aqoonyahan, Culimo iyo in alla intii loo arkayey in ay yihiin labeentii magaalada Burco. Danbi lagu soo oogay ma jirin, ee waxa la geeyey Jeelka Burco, maalmo yar ka dibna waxa la geeyey Jeelka weyn ee Mandheera. Wax maxkamad ah lama saarin ee sidaa ayaa lagu xidhay. Horraantii 1983kii ayey soo galeen ciidan SNM ah oo uu hoggaaminayey Muj, Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), waxaanay si xarrago leh uga sii daayeen dhammaan dadkii ku xidhnaa Jeelka Mandheera. Gaar ahaan odayaashii ay sida goonida ah u doonayeen in ay ka sii daayaan ayey, qaadeen oo geeyeen saldhigyadii SNM ku lahayd Itoobiya, odayaashaas ayuu Ismaaciil ka mid ahaa. 

Ismaaciil, waxa uu go'aansaday in uu la dagaal galo xoogaggii SNM. Sidaa ayuu kaga mid noqday jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed. Waxa uu ka soo qabtay xilal dhawr ah intii uu ka midka ahaa SNM, waxaana ka mid ahayd, in uu 1985kii ahaa xoghayihii Warfaafinta oo u dhigmayey Wasiirka Warfaafinta, maaddaama oo Jabhaddu nidaam ahaan dhisatay xoghayeyaal. Waxa uu in muddo ah ka mid ahaa guddidii fulinta ee jabhadda. Ilaahay ha u naxariistee Ismaaciil, waxa uu ahaa nin geesi ah oo aan hadalka la gabban, waana sababihii uu ku waayey shaqadiisii horraantii todobaatanaadkii. Waxa uu markasta odhan jiray, GUUL ama Geeri, astaanta u dhignayd baa sidaa ahayd. Bishii Mey dhammaadkeedii intii u dhaxaysay 28-29 ee gu'gii 1988kii ayey ciidamadii SNM soo galeen magaalada Cadaadlay ilaa Mandheera oo ah jeelkii uu Ismaaciil ku xidhnaa 1982kii. Dhammaan dadkii Jeelka ku xidhnaa oodda ayaa laga qaaday, waxa ka mid ahaa abwaankii caanka ahaa ee dhawaan geeriyooday Cali Xasan Roodhiile, oo ku magac-dheeraa Cali-Banfas. Xerada ciidanka ee Cadaadlay, waxa ay ahayd kaydkii ciidankii Qaybtii 26-aad sidaa awgeed ciidamaddii daacadda u ahaa Maxamed Siyaad Barre xukuumaddiisii, waxa ay ka kala yimaaddeen qaybtii 60-aad, ee fadhigeedu ahaa Baydhabo Q-21aad ee fadhigeedu ahaa Dhuusamareeb ilaa ciidamadii fadhiyey magaalada Muqdisho, ciidan aan tiro lahayn oo la soo raafay (Qasbay). Waxa lagu dagaalamay muddo todobaad ku dhaw, ciidanka SNM oo tiro kooban ahaa, waxa ay ka baxeen xeradii Cadaadlay. Waxa kale oo dhacday in ciidankii bilawgii soo galay Cadaadlay ilaa Mandheera ee SNMta ahaa ay laba qaybood oo ka mid ahi u kala baxeen Hargeysa iyo Burco oo dagaal xoog lihi ka socday.

Xaalku si kastaba ha ahaadee, Muj, Ismaaciil Xaaji Cabdi, waxa uu ka mid ahaa ciidankii difaaca galay ee jilibka aastay, kana dhaqaaqi waayey goobtii ay qabsadeen, dagaalkaas ayuu ku dhintay Ismaaciil. Waxa ay ahayd bishii Ogost 1988kii, wax war ah waxa ugu danbaysay in uu dhaawc ahaa, geed hoostiina uu difaaca kaga jiray. Halkaa ayaa war sugan ugu danbaysay. Xaaskiisii, carruurtiisii, eheladiisii kale, qaraabadii, dib umay arag Ismaaciil Xaaji Cabdi Xaaji Abokor. Geeridu kala xanuun badan, balse isagu, waxa uu go'aansaday in aanuu gacmaha hoorsan asaaggii. Waxa uu go'aansaday GUUL ama GEERI, waxa uu go'aansaday inuu geeri ka doorto inuu gorodda laallaadsho!!. Isaga iyo intii geeriyootay, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo aamiin. Sooyaalka taariikhdu in ay illawdo maaha! Sooyaalka ku taxan, qof ama koox soo maray xaalado adag, waxa laga bartaa wax badan. In aynu maanta ku koobnaanno maaha, timaaddada waa in lagu daweeyaa tagtadii.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
2014-11-15 sabti
Iswidhan

Xigasho:
Qaybaha taariikhda, xilalka iwm waxa aan ka soo xigtay.
- Aadan Ismaaciil Xaaji Cabdi, (wiil uu dhalay Muj, Ismaaciil) 1986kii ayuu Aadan ugu tegey aabbihii Galka Goda-libaax oo ka mid ahayd goobihii ay deggenaayeen SNM/Itoobiya
- Boobe Yuusuf Ducaale Qoraa caan ah, kana mid ahaa Jabhaddii SNM
- Cumar Cabdi Nuux (sawirka ayaan ka helay)


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.