Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juli, 2014

Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland oo la furay 0707-2014 baahiweyn baa loo qabay

Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan intii ka hawlgashay furitaanka Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland, oo ay hormood ka tahay Samsam Cabdi Aadan, ahna wasiirka waxbarashada Somaliland. Sannadkii hore ee 2013kii ayaanu u wakiilannay Maxamed Xirsi Guuleed, in uu dareenka Ururka Qorayaasha Somaliland u gudbiyo Marwo Samsam. Kaasoo xanbaarsanaa furitaanka Akademiga jaadkan oo kale ah, oo loo qabay harraad. Nasiibwanaag Maxamed waxa uu nagu soo warceliyey in ay hawshaasi socoto oo dareenkaasi horeba ugu jiray wasiirka waxbarashada Somaliland, Marwo Samsam Aadan. Waxa noo farxad ah in hawshii ay rumawday oo la furay Akademigii Cilmiga iyo Fanka. Annagoo ay farxad goonni ah noo sii tahay ka urur ahaan, waxa aanu hambalyo u soo marinaynaa hawada u dhaxaysa Iswidhan iyo Somaliland wasiirka waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, oo taariikhdu xusi doonto.

Bulsho kaa yaabinaysa! W/Q Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)

Way u qalantaa in dhugasho iyo dhaayo loo yeesho bulsho kamid ah kuwa dunida ugu laandheeraysan oo ka kooban 11 qawmiyadood iyo ilaa 25,000   oo qabiil, lagana yaabo in qaarkale jiraan, aanse weli la ogeyn. Intooda badani waa gooni daaq keli keli u nool, sidaada oo kale waxay leeyihiin indho iyo suuniyo, Bishmo (Dibno) iyo dhego, laakiin aad kaaga shaqo badan, saddex dalool oo dalool cuntada aynu cunno iyagaa faxliya.