Fortsätt till huvudinnehåll

Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland oo la furay 0707-2014 baahiweyn baa loo qabay

Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan intii ka hawlgashay furitaanka Akademiga Cilmiga iyo Fanka Somaliland, oo ay hormood ka tahay Samsam Cabdi Aadan, ahna wasiirka waxbarashada Somaliland. Sannadkii hore ee 2013kii ayaanu u wakiilannay Maxamed Xirsi Guuleed, in uu dareenka Ururka Qorayaasha Somaliland u gudbiyo Marwo Samsam. Kaasoo xanbaarsanaa furitaanka Akademiga jaadkan oo kale ah, oo loo qabay harraad. Nasiibwanaag Maxamed waxa uu nagu soo warceliyey in ay hawshaasi socoto oo dareenkaasi
horeba ugu jiray wasiirka waxbarashada Somaliland, Marwo Samsam Aadan. Waxa noo farxad ah in hawshii ay rumawday oo la furay Akademigii Cilmiga iyo Fanka. Annagoo ay farxad goonni ah noo sii tahay ka urur ahaan, waxa aanu hambalyo u soo marinaynaa hawada u dhaxaysa Iswidhan iyo Somaliland wasiirka waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, oo taariikhdu xusi doonto.


Hawsha sida loo bilaabaa waa ay fududahay, laakiin sida ay u sii socotaa ama ay faa'iido u dhalin kartaa ma fududa. Waxaanay u baahantahay in ay hoggaanka qabtaan dad ehel u ah labada erey ee akademigu ka duuli doono. Dabcan waxa aanu dareensannahay in aanuu Akadeimagani ahayn "DIIWAANKII QARANKA" oo hay'adda "Diiwaanka Qaranku waa ay ka duwantahay tan maanta la furay. Waxa aanu Xukuummadda mar kasta ku guubaabinnaa in dalkani yeesho "DIIWAAN QARAN. Laakiin Akadeimaga Cilmiga iyo Fanku, waa goob aad u ballaadhan oo koobsanaysa dhammaan cilmi ama aqoon jaadkay doonto ha ahaato iyo Fanka oo aynu ku tarjuman karno Suugaanta iyo dhaqanka iyo waxkasta oo la xidhiidha. 

Hambalyo ayaanu leenahay labada wasaaradood ee hawshaa iska kaashaday, ta maaliyadda iyo ta waxbarashada, oo labaduba qabtay hawl loo baahnaa.

Guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
08-07-2014 Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.