Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från augusti, 2014

Buugga Baadidoon ee dhawaan soo baxay W/Q, Muuna Axmed

Buuggan waxa uu ka kooban yahay sheekooyin gaagaaban, oo mawduucyo kala duwan ka hadlaya, kuwaas oo aan qoray wakhtiyo kala duwan. Sheekooyinka qaar waa qofayn oo waxa ay cabbirayaan dareen xayawaan, oo innaga cabanaya, ka cabanaya dhibta aynu u gaysano gaar ahaan ubadkeenu u gaysanayaan. Maxaa haddii xayawaan ama ashyaa laga hadlin lahaa dhibtooda inoo sheegan lahaa. 

Buug carruureed: "BISADDII ANBATAY"

Buugaagta carruurta soomaalida loogu talo galay waa ay yaryihiin, meelaha qaarna maba jiraan. Inta badan ee laga qoray sheekooyin-ka carruurta, waxa ay u badan yihiin kuwo aan fahamka ilmaha yar ee ku koray magaalo ama aan dalkiiba joogin ku adag. Waxa ay ahayd in si hufan oo aad looga shaqeeyey loogu soo gudbiyo carruurta, buugaag ay fahmi karaan. Sheekooyinka carruurta aadka u da'da yar waa la allifi karaa, iyadoo kolba wax loo tilmaamayo ilmaha yar si uu u fahmo.

Curashada gu’ga toddobaad ee carwada buugaagta Saddaam Xuseen Carab

Sidu waa sidii kal hore iyo saa’id. Waa xagaaga xagaagiisii, bil ogos bisheedii iyo isla barxaddii guriga shaqaalaha ee Hargeysa; waa na jimce barkhadle. Xalay saqbadhkii mayay baa magaalada miray. Hillaaca walalacdiisa cid hawli soo jeedisay baa daawanaysay. Sanqadha onkodku se dadka hurdada fudud wuu toosinayey. Hakad ha lahaado roobku, se inta ay dhibcihiisu xidhiidhsanaayeen baa badnayn.   Dhibcihii roobka ee xalay   ku laba dhacayey baa dhulka radiyey. Cadceedda subaxeed haddii ay u gurman lahayd, iyana daruuraa daboolay. Sidaas darteEd baa dhulka xareedda wasakhowday meel walba u wadhnayd.  

Sooyaalkii Aabo:Taariikh dheer oo ku taxan deegaanno kala durugsan (1924-2014) Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Aabbo Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac, oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, markay taariikhdu ahayd 04-08-2014, maalin isniin ah. Waxaana aasku dhacay maalintii Salaasada ee bishu ahayd 05-08-2014. Geeridu waa xaq, qof kastaana waa uu dhadhamin doonaa, xilliga Ilaahay ugu talo galay. Sannadihii ugu danbeeyey aad ayuu jilicsanaa, sariirtana kama uu kacayn. Todoba ubadkiisa ka mid ahaa, nasiib umay helin in aanu Aaska joogno, balse afar ka mid ah ayaa joogay oo kala ah: "Foosiya, Asma, Yaasiin iyo Muuna. (kala fogaanta dalalka ay ku nool yihiin, intii wadadhalatay, waxa ay tusaale u tahay xaaladda maanta Soomaalidu ku jirto)

Geed nool (sheeko gaaban) - Saddaam Carab

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta Reer Dhabbohaye, Geed här sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal Badan Buu ku leeyahay Reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka Hoos jooga ee fiirinaya, LABA hablood oo ay walaalo yihiin BAA Lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu Gaaf Tumay. Sogsogtan gabowday BAA arrimo Adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday. Isba Intan oo dhan WAA uu ogyahay SÅ WAA isdiidsiinayaa. Hunguri BAA ka haya, vante wayn oo baqe wata. Geeddi WAA Kanaan-Ka yaab ase faruhu aad vik u cuncunayaan galabta.