Fortsätt till huvudinnehåll

Buug carruureed: "BISADDII ANBATAY"

Buugaagta carruurta soomaalida loogu talo galay waa ay yaryihiin, meelaha qaarna maba jiraan. Inta badan ee laga qoray sheekooyin-ka carruurta, waxa ay u badan yihiin kuwo aan fahamka ilmaha yar ee ku koray magaalo ama aan dalkiiba joogin ku adag. Waxa ay ahayd in si hufan oo aad looga shaqeeyey loogu soo gudbiyo carruurta, buugaag ay fahmi karaan. Sheekooyinka carruurta aadka u da'da yar waa la allifi karaa, iyadoo kolba wax loo tilmaamayo ilmaha yar si uu u fahmo.

Akhriska waalidka ayaa muhiim ah oo in aabbo ama hooyo uga sheekayso sheeko, waxa u sii fududaynaya haddii ay jiraan buugaag ku qoran afsoomaali. Waxa aan in badan arkay buugaag la soo tarjumay, oo afsoomaali loo hal-tebiyey, oo dhaqan iyo diin midna wax fiican aanuu ka korodh-sanayn ilmaha Soomaaliyeed. Muddo dheer ayaan ku fikiri jiray in aan buugaagta carruurta qoro, waana buuggii ugu horreeyey ee jaadkan ah ee aan qoro. Waxa aan ku talo jiraa haddii Ilaahay idmo, in aan buugaag carruurta aadka u da'da yar soo saaro dhawaan. Kuna dhiirri-geliyo inta jecel qoraalku in ay ugu yaraan hal buug u soo saaraan ubadka da'da yar oo ah jiilka berri.

Buuggan la magac baxay Bisaddii Anbatay, waxa uu dhammaystirmay bishii Ramadaan ee gu'ga 2014. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa, Bahja M Ducaale, oo gacan weyn ka geysatay sawirrada ku jira  buugga. Waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa dhiirrigelintii Muuse M Ciise Dalmar, oo ilaa kal hore kolba i xasuusinayey, sidii aan mar uun buug carruurta ah u soo saari lahaa.  Buugaagta carruurta waxa muhiim ah sawirrada, sidaa awgeed waa in aynu aad u dhiirri gelinnaa inta ku fiican sawirrada gacanta. Si qoraaga iyo farshaxanku isula jaan-qaadaan.

Waxa uu ka kooban yahay 24 bog, oo bog kastaba uu sawir ku jiro. Buuggan waxa aad ka dalban kartaa, mareegta hoos ku xusan:

https://www.bod.se/index.php?id=3543&objk_id=1293267
www.Bod.se
gacanlibaax2001@yahoo.se

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Iswidhan---11-07-2014, isniin




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012