Fortsätt till huvudinnehåll

Buug carruureed: "BISADDII ANBATAY"

Buugaagta carruurta soomaalida loogu talo galay waa ay yaryihiin, meelaha qaarna maba jiraan. Inta badan ee laga qoray sheekooyin-ka carruurta, waxa ay u badan yihiin kuwo aan fahamka ilmaha yar ee ku koray magaalo ama aan dalkiiba joogin ku adag. Waxa ay ahayd in si hufan oo aad looga shaqeeyey loogu soo gudbiyo carruurta, buugaag ay fahmi karaan. Sheekooyinka carruurta aadka u da'da yar waa la allifi karaa, iyadoo kolba wax loo tilmaamayo ilmaha yar si uu u fahmo.

Akhriska waalidka ayaa muhiim ah oo in aabbo ama hooyo uga sheekayso sheeko, waxa u sii fududaynaya haddii ay jiraan buugaag ku qoran afsoomaali. Waxa aan in badan arkay buugaag la soo tarjumay, oo afsoomaali loo hal-tebiyey, oo dhaqan iyo diin midna wax fiican aanuu ka korodh-sanayn ilmaha Soomaaliyeed. Muddo dheer ayaan ku fikiri jiray in aan buugaagta carruurta qoro, waana buuggii ugu horreeyey ee jaadkan ah ee aan qoro. Waxa aan ku talo jiraa haddii Ilaahay idmo, in aan buugaag carruurta aadka u da'da yar soo saaro dhawaan. Kuna dhiirri-geliyo inta jecel qoraalku in ay ugu yaraan hal buug u soo saaraan ubadka da'da yar oo ah jiilka berri.

Buuggan la magac baxay Bisaddii Anbatay, waxa uu dhammaystirmay bishii Ramadaan ee gu'ga 2014. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa, Bahja M Ducaale, oo gacan weyn ka geysatay sawirrada ku jira  buugga. Waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa dhiirrigelintii Muuse M Ciise Dalmar, oo ilaa kal hore kolba i xasuusinayey, sidii aan mar uun buug carruurta ah u soo saari lahaa.  Buugaagta carruurta waxa muhiim ah sawirrada, sidaa awgeed waa in aynu aad u dhiirri gelinnaa inta ku fiican sawirrada gacanta. Si qoraaga iyo farshaxanku isula jaan-qaadaan.

Waxa uu ka kooban yahay 24 bog, oo bog kastaba uu sawir ku jiro. Buuggan waxa aad ka dalban kartaa, mareegta hoos ku xusan:

https://www.bod.se/index.php?id=3543&objk_id=1293267
www.Bod.se
gacanlibaax2001@yahoo.se

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Iswidhan---11-07-2014, isniin




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"