Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juli, 2017

Soomaaliya waa Dal ee Isir maaha (Jabuutiyaan, Soomaaliyaan, Somalilander, Kiiniyaan, Itoobiyaan)?

Bariido wanaagsan, Bariidadaa ka dib waxa aan jeclaystay in aan waxoogaa warbixin ka bixiyo qaladaadka inta badan aynu ka galno ISIRKA iyo dhalashada dal ahaaneed. Dadka soomaalidu waa isku Isir, sida aan qabo (waxa jira aragtiyo kala taggan). Waa dad deegaankoodu uu ku yaallo Geeska Afrika, isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Laakiin waxa ay ku kala noolyihiin, shan dal oo feedhaha isku haya. Ma dhex gelayo sababta ay u kala noqdeen shan dal, oo waa aynu ka dheregsannahay. Mid baa se muhiim ah in aan tilmaan ka bixiyo. Soomaalidu dal keliya oo leh maamul kuma wada noolayn, ee waxa ay ahaayeen dad deegaankoodu feedha isku hayo, balse aan waxba wadaagin.

Carwada Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo Toban Jirsatay W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

" It is one of the largest public book fairs in the Horn of Africa . ..."   Wikipedia.org Waa ay habboon tahay in maantoo kale laga faalloodo, oo wax laga yidhaahdo Carwada Caalamiga ah Ee Buugaagta Hargeysa. Waa gu'gii 10-aad ee Carwada buugaagta lagu qabto magaalamadaxda Somaliland ee Hargeysa. Toban sannadood oo sannad walba la qabanayey xilliga xagaaga, waa muhiim in la tilmaamo, oo wixii toganna la sheego wixii tabanna farta lagu fiiqo. Faalladaydu wax badan oo ka mid ah habsami u socodka Carwada buugaagta ma dhexgelidoono, laakiin baal yar oo ka mid ah xasuustayda ayuunbaan soo gudbin doonaa.

Dhallinyahay Digtoonoow Dalku waa Dalkaagii Dadkuna Waa Dadkaagii

Wax lala yaabo maaha in banii'aadamku nolosha iyo qaababkeeda, uu la daalaadhaco. Waa Xikmadda ka danbaysa nolosha dunida. Yiqiinta Ilaahay iyo Rasuulkeenii Suubanaa SCW,  ayaana kow u ah imtixaanka la rabo in aynu ka soo baxno inta aynu dunida ku noolahay. Imtxaanka kale waa sida aad u noolaan lahayd, maadaama oo Ilaahay kaa sarraysiiyey noolaha kale oo aad adigu tahay kii loogu talo galay in uu dunida nolol ka abuuro, wanaagsan oo horumar leh. Banii'aadamka ayaa masuuliyaddaasi saaran tahay, sababtoo ah garaad fiican ayuu Ilaahay inna siiyey. Bal haddaba jeedaali oo eeg bulshooyinka dunida ku nool halkeebay soomaalidu kaga jirtaa? Dunida Saddexaad baan maqli jiray, waxa soo baxday Dunida Afraad, haddii ay mid shanaad jirtona la yaabi maayo in aynu safka hore ka gelayno.