Fortsätt till huvudinnehåll

Carwada Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo Toban Jirsatay W/Q, Sayid-Axmed Dhegey



" It is one of the largest public book fairs in the Horn of Africa. ..."   Wikipedia.org


Waa ay habboon tahay in maantoo kale laga faalloodo, oo wax laga yidhaahdo Carwada Caalamiga ah Ee Buugaagta Hargeysa. Waa gu'gii 10-aad ee Carwada buugaagta lagu qabto magaalamadaxda Somaliland ee Hargeysa. Toban sannadood oo sannad walba la qabanayey xilliga xagaaga, waa muhiim in la tilmaamo, oo wixii toganna la sheego wixii tabanna farta lagu fiiqo. Faalladaydu wax badan oo ka mid ah habsami u socodka Carwada buugaagta ma dhexgelidoono, laakiin baal yar oo ka mid ah xasuustayda ayuunbaan soo gudbin doonaa.



Inta badan wax waynu bilawnaa, laakiin joogtayntu, waa innagu yartahay, taasoo keenta in aanuu dhaxal yeelan wax kasta oo wanaagsan oo la bilaabo. Maalmahan waxa lagu gudajiray debbaaldegga toban jisrsiga Carwada Caalamiga ah Ee Buugaagta Hargeysa, waxaana lagu jiraa gebagabadii sannadkan. Waxa aan jeclaysatay in aan taariikhda dib u yara milicsanno, oo inta aan ka ogaa aan soo gudbiyo. Waxa kaloo muhiim ah, in aan dareenkayga waxoogaa ka tilmaamo, waxyaabaha togan ee laga faa'iiday Carwadaas. Waxa aan xasuusta dib ugu celin doonaa markii ugu horreysay ee aan barto Jaamac M Jaamac oo ah aasaasihii seeska u dhigay Carwada Buugaagta.

Sannadkii 1999 kii bishii Jeeniweri, horraanteedii, waxa aan helay farriin iigu soo dhacday Email oo iiga timi Rashiid Gaaruf (oo imminka ah wakiilka Somaliland u fadhiya USA). Farriintaasi waxa ay ku socotay aniga iyo Jamac M. Jaamac oo xilligaa gacanta ku hayey Email-kooxeed ay ku bahoobeen Qurbe joog iyo Qormajoog badan oo isu bahaystay waxtarka dalka iyo aniga oo ahaa qofka codsaday in uu ka mid noqdo ururkaas oo la odhan jiray Somaliland Forum. Codsigayga ka midnoqoshada Ururkaas, waxa sabab u ahayd anigoo ku arkay Baraha Internetka caawimo loogu talogalay Cisbitaalka Guud ee magaalada Burco. Xilligaa waxa Burco ka ahaa Duqa Magaalada nin aad loo jeclaa oo la odhan jiray Maxamed Xuseen. Maalintaa Emailka uu isugu kaayo soo xidhay Rashiid Gaaruf ilaa maanta waan la socday dhaqdhaqaaqa Jaamac M Jaamac.

Maadaama oo ay Toban jirsatay Carwada Caalamiga Buugaagta Ee Hargeysa, waxa ila habboonaatay intaan ka ogaa in aan soo gudbiyo. Bilawgiiba waxa aan arkay in uu Jaamac aad u jecelyahay ururinta, kaydinta  iyo qoridda buugaagta. Waxa aan ku xidhmay degelka www.redsea-online.com oo Jaamac isagu gaar u lahaa. Xidhiidh dhow dabadeed waxa uu Jaamac iga codsaday in aan degelkaas gelin karo buugaagta afka soomaaliga ku qoran, annagoo hawshii kale ee Somaliland Forum ee samafalka ahaa ka wada shaqaynayna, ayaanu si gaar ah arrimaha qoraalka wax iska weydiin jirnay. Sannadkii 2003 waxa aanu ka aasaasnay Stockholm Ururka Qorayaasha Somaliland oo odayaashii ku dhawaaqay ay ka mid ahaayeen Maxamed Xirsi Guuleed, Nuux Ismaaciil Maxamed, Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi oo noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee ururkaasi yeesho. Muddo gaaban dabadeed ayuu Jaamac M Jaamacna xubin firfircoon ka noqday UQS.

Sannadkii 2006dii waxa la aasaasay oo lagu dhawaaqay Naadigii ugu horreeyey ee Akhriska, oo la odhan jiray Hargeisa Readers Club, waxa aan ka xasuustaa xubnihii bilaabay Musaabaqo, Mustafe Khayre, Mustafe A Nuur iyo Khaalid J Qodax. Dabaysha jacaylka qoraalka buugaagta, waxa beryahaas isla helay jiibta iyo jaanta xubno aad u farabadan oo dacallada dunida kala joogay.  Sidaan horeba u tilmaamay joogtayntu waa wax innagu adag, in wax la bilaabo waa ay fududdahay, laakiin gacan ku haynta ayaa adag. Xilligaas aan odhan karo waxa soo ifay kacaankii buuggaagta, ayuu Jaamac si muuqata uga dhexmuuqday. Xaalku si kastaba ha ahaadee Jaamac waxa uu ku guulaystay in uu bilaabo Carwada Buugaagta ee Hargeysa, taasoo ay xilligaa barbar istaageen Naadigii Akhriska ee Hargeysa iyo dhallinyaro si hagar la'aan ah ula shaqeeyey. Dad badan waxa ay ku ahayd riyo, laakiin waa ay rumawday, waxaanay noqotay mid laga dabqaato oo maanta maraysa Muqdisho iyo Garoowe. Waa wax lagu farxo.

Dedaalkii Jaamac waxa meel dheer isaga muuqday dedaal kale oo ay wadday Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka bilaabmay London iyo debbaaldegga Somali Week Festival, oo runtii noqday mid nooleeyey gabayaagii, Rawaayad qorayaashii, laxan-qorayaashii, heesaagii hore, dhexe iyo kii danbeba. Kollay anigu waxa aan ka mid ahay inta kuwii hore jecel, waxaanay ii ahayd farxad weyn 2008 oo aan ka qaybgalay Somali Week Festival, oo aan halkaa kula kulmay IHN-tee Cali Sugulle, Maxamed Axmed Kuluc iyo in kaloo badan. Debbaaldeggaas oo sannadkii mar la qabto waxa uu noqday mid si weyn uga dhex muuqda bulshada Soomaalida. Haddaba anigoo soo koobaya, waxaad qiyaastaa iftiinkii Ayaan ay hormoodka ka ahayd iyo Jaamac oo Ilayskii uu Hargeysa ka bilaabay oo midoobay. Inay wax weyn sii qaban karaan waa hubaal.

Hawshii ay bilaabeenna, waataa 10 jirsatay. Duco ayey innaga mudan yihiin. Hambalyo ayaan leeyahay, waxaanse sii tilmaamayaa gacmowadajirbay wax ku gooyaane, waxba maydin qaban karteen haddaan dhallainyarada xooggoodu idin barbar gelin. Intaa haddaan ka gudbo, aan ku soo afmeero waxoogaa talo iyo tusaaleba ah. Qof aan waxba qaban ayaan eed lahayn, qofka wax qabta eedo badan baa dusha laga saaraa, waana la dhalliilaa, waayo dee waxbuu qabtay. Haddaba eedaha qaar waa uun iska meelo soke, qaarna waa kuwo wax dhisaya, toosinaya oo kuwaa ma odhan karno waa Eedo, ee waa talo iyo tilmaamid. Kuwa wax toosinaya waxa aan odhan lahaa taladiina iyo toosintiina waa loo baahanyahay ee u gudbiya cidda ay khusayso. lama waayo dhalliil oo taa banii'aadam baa loo yahay, laakiin miisaanku xagga uu u bato ayaa muhiim ah. Haddii tognaantu badato, inta yar ee taban waa wax la sixi karo. Ilaa hadda waxa aan isleeyahay tognaanta ayaa badan.

Waxaana habboon, inta walaalkaa noolyahay in aad tidhaahdo wax wanaagsan baad qabatay, maalinta uu dhinto waxba u tari mayso dhiirrigelintaadu iyo oohintaadu toonna. dhalliil keliya ayaan tilmaamayaa oo ah magaca Carwada Buugaagta iyo hawsha ballaadhan ee maalmahaa socotaa waa ay kala miisaan culusyihiin, waxaad mooddaa in buugaagtii culays kale oo ka baaxadweyni uu haleelay, sidaa awgeed waxa qarsoomay buugaag farabadan oo sannadwalba soo baxa, oo u baahnaa in la eego, baadho, soo bandhigo, wakhti la siiyo oo tayayntooda laga shaqeeyo, maalmaha Carwadu socoto. Dabcan, wax waa laga qabtaa arrimaha aan kor ku xusay, laakiin wakhtigii baa ku yar, oo hawlo u badan arrimaha bulshada ayaa culays ku haya. Taasna waxa aan soo jeedin lahaa oo malaa lagaga bixi karaa, haddii uu soo baxo qof ama laba iyaguna u banbaxa Carwada Buugaagta Ee Qaranka Somaliland (National Book Fair)  oo aan ahayn Carwada Caalamiga ah (International Book Fair). 

Marka ay tahay International Book Fair, waxa inbadan lagu hadli karaa af qalaad, si dadyawga ka soo qaybgalay ay u fahmaan doodaha iyo qudbadaha socda, halka Carwada Qaranka aan af kale loo baahnayn aan ka ahayn afsoomaali. Buugaagtuna waxa ay heli lahaayeen fursad weyn oo u gaar ah buug kasta oo soo baxay oo afsoomaali ku qoran. Hawshaa yaa u diyaar ah? Tan inoo toban jirsatay waa ilaashanaynaa, waa mid dhaxal inoo ah, waxaana innoogu suntan Jaamac M Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur, Ilaahay ha ka abaalmariyo hawshaa ay dadkooda iyo dalkooda u hayaan, aamiin, dhallinyarada la shaqaysana la'aantood waxba may suurtagaleen. Waxa ay sabab u noqdeen inay kulmiyaan dad badan oo aan ku garaadsaday magacyadooda, sida Siciid Saalax Axmed, Cabdi Qays, Rashiid Gadhweyne, Dalmar, Muuse Cali Faruur, Xasan Ganey oo habeenkii dhawaa maansadii MISKI sacab mug weyn lagu soo dhoweeyey, weriye Weji iyo in kaloo badan oo aanan halkan ku soo wada tixi karin.



FG:  Intan yar ee kooban ee hoosta ku xusan, waxaan ka soo dheegay barta Internetka ee Wikipedia.org waana qoraal xanbaarsan in Carwada Buugaagta Hargeysa ay tahay tan ugu ballaadhan Geeska Afrika oo dhan.




" It is one of the largest public book fairs in the Horn of Africa. Every summer, HIBF brings writers, poets, artists and thinkers from Somaliland and from all over the world gather to share and discuss their art and literary productions with a wider audience."

https://en.wikipedia.org/wiki/Hargeysa_International_Book_Fair

Hambalyo Toban guurada Carwada Caalamiga Buugaagta Ee Hargeysa.

Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan 27-07-2017



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.