Fortsätt till huvudinnehåll

Soomaaliya waa Dal ee Isir maaha (Jabuutiyaan, Soomaaliyaan, Somalilander, Kiiniyaan, Itoobiyaan)?

Bariido wanaagsan,

Bariidadaa ka dib waxa aan jeclaystay in aan waxoogaa warbixin ka bixiyo qaladaadka inta badan aynu ka galno ISIRKA iyo dhalashada dal ahaaneed. Dadka soomaalidu waa isku Isir, sida aan qabo (waxa jira aragtiyo kala taggan). Waa dad deegaankoodu uu ku yaallo Geeska Afrika, isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Laakiin waxa ay ku kala noolyihiin, shan dal oo feedhaha isku haya. Ma dhex gelayo sababta ay u kala noqdeen shan dal, oo waa aynu ka dheregsannahay. Mid baa se muhiim ah in aan tilmaan ka bixiyo. Soomaalidu dal keliya oo leh maamul kuma wada noolayn, ee waxa ay ahaayeen dad deegaankoodu feedha isku hayo, balse aan waxba wadaagin.


Ceelasha biyaha laga cabbo waa la kala lahaa, Daaqa xoolaha waa la kala sheegan jiray, dagaallo ayaana ka dhexdhici jiray inta badan. Hab ay ku heshiiyaan bay lahaayeen, laakiin dagaalku waxa uu ahaa mid soo noqnoqda. Maamulkii reer Yurub xoog kumay qabsan dhulka soomaalida, ee bulsho kala daadsan oo aan isbixinayn ayey ka faa'iidaysteen. mawduucaasi waa mid innala dheeraan kara ee aan ku ekaado ujeedada qoraalkayga.



Xorriyaddii 1960kii ayaa waxa soo baxday in laga dhabayn karo shantii qaybood in ay meel ku wada noolaadaan. Waxaana horseed ka noqday Somaliland Protectorate oo baarlamaankeedii go'aansaday in ay bilaa shuruud ku biiraan qaybtii Qaramada Midoobay ay gacanta ku haysay ee Soomaaliya. Magaca la qaatay waxa uu ahaa Jamhuuriyadda Soomaalida "Somali Republic" si loo sii diyaariyo helitaanka Jamhuuriyadda Soomaalida, waxa laga hawlgalay sidii loo heli lahaa Jabbuuti, NFD iyo Soomaaligalbeed. Jamhuuriyaddii Soomaalidu may aqoonsan soohdimaha u dhexeeya Itoobiya, Jabbuuti iyo Kiiniya, midnaba. Waxaana la odhan jiray Soohdimaha beenta ah ama Soohdinbeenaadka. Goor la aqoonsaday miyaad garanaysaa akhristoow?

Qaladka yaabka ahi waa kan maanta taagan ee tilmaamaya dal la yidhaahdo Soomaaliya, oo haddana looga jeedo Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waxa isweydiin mudan siyaasiyiinta reer Soomaaliya miyaa ay hoos martay mise waa ay u badheedheen, maalintay qaateen magaca Soomaaliya ee ay si caam ah uga diiwaangeliyeen Qaramada Midoobay? Waayo waxa isbedelay macnihii dal ahaaneed, oo waxa ay ku koobnaadeen dalkii uu maamuli jiray talyaanigu. Mar haddii dalkii noqday Somaaliya, dadka dhalashadoodii ma aha soomaali ee waa Soomaliyan, halka soomaalidii NFD ay ka noqonayaan Kiiniyaan, ayaa reer Jabbuutina ay noqonayaa Jabbuutiyaan, reer Somalilandna ay noqonayaan Somalilander.

Waana halka innaga qaldan fahamkeedu ma adka, oo dhalashada dad ahaan ama isirku waa soomaali, laakiin waa soomaali Jabbuutiyaan dhalashadiisu tahay ama soomaali dhalashadiisu ay tahay Itoobiyaan. Tusaalaha ugu fiican ee aad soo qadan karto waa dadka isirkoodu yahay carabta oo dalal kala duwan ku kala nool dhalashadooduna ay kala geddisan tahay tusaale: Ninkaasi waa Carab dhalashadiisuna waa Ciraaqiyaan ama sacuuduyan ama Suuriyaan ama Masri, laakiin isirkiisa ayuunbaa carab ah. Soomaalidu, waa dad ku kala nool dalal kala geddisan.

Waxa aan isweydiinayaa siyaasiyiinta reer Soomaaliya miyey u badheedheen in ay ka tagaan Jamhuuriyaddii Soomaalida mise way hoos martay? waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkan Jamhuuriyadda Soomaaliya, ma meteli karto dadka soomaalida oo dhan ee deggan Geeska Afrika, laakiin haddii magacu yahay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ama Jamhuuriyadda Soomaalida ayuunbaa meteli karta dadka isirkoodu yahay soomaalida. Somaliya waa dal ka mid ah dalalka soomaalidu ku nooshahay. Waa sida ay farsamo ahaan u tahay dalka magaciisu, laakiin ujeedada siyaasadeed ee aad taageersantahay waxa ay noqon kartaa mid kuu gaar ah. jamhuuriyaddii Soomaalida ee la dhisay 1960kii waxa ay burburtay 1991.

Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, 28-07-2017


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."