Fortsätt till huvudinnehåll

Dhallinyahay Digtoonoow Dalku waa Dalkaagii Dadkuna Waa Dadkaagii


Wax lala yaabo maaha in banii'aadamku nolosha iyo qaababkeeda, uu la daalaadhaco. Waa Xikmadda ka danbaysa nolosha dunida. Yiqiinta Ilaahay iyo Rasuulkeenii Suubanaa SCW,  ayaana kow u ah imtixaanka la rabo in aynu ka soo baxno inta aynu dunida ku noolahay. Imtxaanka kale waa sida aad u noolaan lahayd, maadaama oo Ilaahay kaa sarraysiiyey noolaha kale oo aad adigu tahay kii loogu talo galay in uu dunida nolol ka abuuro, wanaagsan oo horumar leh. Banii'aadamka ayaa masuuliyaddaasi saaran tahay, sababtoo ah garaad fiican ayuu Ilaahay inna siiyey. Bal haddaba jeedaali oo eeg bulshooyinka dunida ku nool halkeebay soomaalidu kaga jirtaa? Dunida Saddexaad baan maqli jiray, waxa soo baxday Dunida Afraad, haddii ay mid shanaad jirtona la yaabi maayo in aynu safka hore ka gelayno.


Maxaa Soomaalida bartaa dhigay, weliba aan ku xasuusiyo, sida la isku raacay banii'aadamku bilawgiisii waxa uu ku noolaa Geeska Afrika, oo ah goobtaa soomaalidu deggentahay. Tan iyo lixdankii ayeynu kala maqnayn maamulkii reer galbeedka, haddaad dib u dhugato, waxa kuu soo baxaysa in maamulkii Ingiriisku ka habaysnaa kii inoo dhismay 26 Juun wixii ka danbeeyey, mawduucaa geli maayo oo baadhistiisa iyo fahamkiisa ayuu leeyahay. Waxaanse ku garaadsaday iyadoo aad loo hadalhayo xanaftii iyo xanuunkii doorashooyinkii sagaalkii sannadood ee Jamhuuriyaddii soomaalidu dhisnayd, lixdamaadkii. Xanuunkaasi waa ka keenay in Milleterigii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre dalka la wareego, oo baarlamaankii iyo dastuurkii dalka u yaallay gacmihiisa ku qaatay. Baga, Baga Bagaa Baarlamaankii Baguugaha looga dhigay Baga.


Sidaasaa loogu sacbiyey oo lagu soo dhaweeyey, isaguna birta ayuu ka aslay oo markiiba askartii saaxiibadiisii ugu dhawaa rasaas lala dhacay. Culimadiina tiirka lagu xidhay oo xabbad loo quudhay. Ma cidbaa isweydiisayba Ibriiq baa lagu wada addimay, waayo bulshada ayaa waxweyn ka qaldanaa, oo karbaash loo soo diray buu ahaa. Waxa ay ahayd in sagaalkii sannadood dib loo habeeyo oo wixii qaldmay la saxo oo aan baarlamaankii la burburin, balse qaabkii wax u dhismeen ee qabiilku hoggaanka u noqday dib loo habaysto oo la mariyo jidka toosan.


Maanta halkee wax marayaan? Waxa aan ka hadlayaa Waa Soomaaliland, oo ku jirta sagaalkii sannadood ee Jamhuuriyaddii Soomaalida ee burburtay. Waxa ay Somaliland maraysaa jidkii qodxaha badnaa ee keenay KELITALISKII MILLETERIGA. Maanta waxa aynu haynaa waa Baarlamaan lammaan, Xisbiyo Qaran, Xukuumad. In ay intuba iska yara liitaan waa hubaal, laakiin waa in dhallainyaradu la timaaddaa dardar cusub iyo dedaal dheeraad ah oo ay bedelaan odayaasha daalay, ee tan iyo sitiinkii soo lignaa. Dhallinyarada aan sheegayaa, waa 15 jir ilaa 25 jir, waxaase jira da'da dhallinyarnimo dhaaftay oo hoggaanka qaban karta iyagoo haysta codka dhallinyarada, waana da'da u dhaxaysa 25 jir ilaa 45 jir. Wixii da'daa 45 jir ka danbeeya, talo badan ha ka sugin.


Dib u eeg dalkeenna, waxa aad arkaysaa waa 60 jir iyo 70 jir isu haysta dhallinyaro. Waa maxay sababtu, adigaa banneeyey kaalintaadii. Dhallinyaradu waa jiilka wax bedela ee horumarka horseeda. Laakiin haddii aad daba gasho odayaal soo daalay, oo ku soo kacaamay geelqaadnimo iyo dhac iyo boob. Haddaad kaa wax ka sugto ama aad wax ka barato ha sugin horumar iyo in aynu higsanno asaaggeen. Aflagaaddo igama aha in aan odayaasha si gaar ah u durayo, iyagaa iiga markhaati ah, sida ay geela u dhici jireen. Waxaanay yaqaanaan sida loo heshiiyo, laakiin sida belaayada looga hortago may aqoon, waana sababta ay u dhalatay maahmaahda odhanaysa "Belaayo Ka Hortag Bay Leedahay Ee Ka dabatag ma Laha". Marka Geela la soo dhacayo waar ka jooga cidina ma tidhaahdo, marka dad ku dhinto ayaa garta geedka lala tegi jiray.


Bulsho korriinkeedu sidaa u badnaa, haddaad dhallinyarooy daba gashaan waa Ayaandarro. Maanta waa maalintay samaysmi lahayd mareeg isku xidhan oo dhallinyarada midaysa, oo hoggaan fiican laga dhaxlo. Haddii hoggaanka laga dhaxlo odaygii aan dhaafsiisnayn reer hebel ayaa beri dagaal na dhexmaray oo gabaygaasaanu u tirinnay, dee waa hungo. Ilaahay kama dhigo. Waxa aan isleeyahay malaa dhallinyaro firfircoon oo facebuugga aad uga ololaysa wax badan bay qaban karaan hadday helaan meesha duntu ka xidhan tahay. ILH-tee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Maansadiisii "Dabataxan" ayey ku jirtay "Dun baa meel ka xidhan weli, Goldalooladiinuna Doorbay ku leedahay" Ha la helo Duntaas!.

Waxaan ku soo gebagabaynayaa, qoraalkan kooban. Dhibaatada Soomaalida oo dhan haysataa, maaha wax maanta bilaabmay, ee waa wax soo jireen ah, oo aan ilaa maanta inta si fiican loo lafaguray, baadhis lagu samayn halka dhibaatadu taallo. Ilaa imminka waxa loogu qaatay waa Somaliland, oo itaalka nabadgelyo ay iyadu gacmaheeda ku samaysatay haysata, oo aan shisheeye waxba ugu sheeganayn, ciidan ajaanib ahina aanay dadka kala ilaalinayn. Laakiin waxa muuqata maalmahan aynu ku jirno imtixaanka habka Doorashada, sidii sagaalkii sannadood ee loo nacay habka loo ololeeyo. Yaan lagu dhicin jidkii lagu burburay, ee Xisbiyaduna Dhako Kale Ha Keenaan, oo yaanay bulshada kala dilin, intaan ciidanku la wareegin dalkaba, ha la is daba qabto.


Dhallinyahay Digtoonoow
Ha daadraacinee garo
Ha darjiidhinee faham
Dawgaa qalloocee
Dadka lagu hagaayee
Lagu kala dilaayee
Lagu kala durkinayee
Dood aan milgo lahayn
Hadba kii dangaara li
Sida adhi dammaankii
Dadka inuu dareersado
Duunkiisa geliyee.

Dhallinyahay Digtoonoow
Waxaad diiddey baa jira
Waxaad doontay baa badan
Doonistaadu waa mide
Maankaaga deeqsii
Diredire iska ogow
Dadkaan kala qaloonayn
Dermo qudha ku jifaa
Inay kala durkaanoo
Deeradu dhexmirato
Lagu sii diqiyayaa

Dhallinyahay Digtoonoow
Ragga Duubka loo xidhay
Ee wax dawee la leeyahay
Dubjirkaa ku badanoo
Dibnahoodu cay bay
Habeenkii Daldalayaan
Maalintii Dudubiyaan
Ha ku dagane ila garo
Dhegahaaga ka dabool

Dhallinyahay Digtoonaw
Yaan la dilin hankaagii
Dareenkaaga noolee
Dakanooyinkii dhacay
Adigaa dawayn kara
Dib haw raacin raadkii
Ku dhinteen dadkeennii
Duunyadii ku madhataye
Doc kastoo dalooshana
Diintii Islaamkiyo
Deeqdii Ilaahay
Garaadkaaga ku dabool.

Dhallinyahay Digtoonoow
Dalku waa dalkeennii
Dadku waa dadkeennii
Doorashada dhacaysana
Da’da soo koraysiyo
Doorkaagii weeyaan
Hays duubin meel madhan
Safka hore u soo durug.



Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
16, Julaay 2017 Iswidhan



 









Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.