Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Visar inlägg från juni, 2013

Reer galbeed halkay u tahriibeen (Ma oge talladuu goostay , Ma Mooga gurigay furayso

Mooge waxaa uu maddaxa la galayaa gu’gii 19aad waxa uu ku jiraa dugsigii sare oo kaga jiraa fasalka 4aad, reerkoodu waa qoys meel dhaxaad ah dhinaca dhaqaalaha waxaanay diyaar u yihiin in ay ka gudbaan marxalad kasta oo soo wajahda. Balo laba qad ah lama arag ayaa la yidhiye wax ay qoyska ay ugu darnayd markii inannkoodii Mooge la yimid in uu goostay socdaal dheer oo uu ku maraayo waddamo baddan oo qaaradda afrika ka mid ah dabadeeto halkaasi ka galaayo qaarad kale oo la yidhaa yurub, Isagu  (Mooge) habeena kumuu seexan tahriib ama inuu bandarkooda(magaalada) ka tago ee qaar baas oo inkaar qaba oo nolasha ka aayo waayay ayaa ku dhaliyay fikirkaasi xun ama cudurkaasi tahriibta.

Sheeko gaaban: HADDAY OGAAN LAHAYD!!! W/Q, Xasan Cabdi Madar

Aniga oo maraya meel cidlo ah, la shawraya naftayda, xisaabinaya wakhtiga, waayaha ka faaloonaya, ayaan si kedis ah u istaagay. Waxa aan indhaha ku dhuftay warqad meel halkan ah taalla. Gartay inay qof ka dhacday, ka dibna is idhi bal meesha ka qaad, bal in aad cidda ay ku socoto garato si aad ugu gayso. Warqaddii ayaan ku foorarsaday, arkay inaanay gal ku jirin. Waa warqad si farshaxan leh u qoran, midabbo kala geddisan lagu xardhay, ubaxyo ku sawiran yihiin, si heer sarraysa la iskugu dubbariday. 

Sheeko gaaban: Warqaddii gabawday, gabawday, gabawday. W/Q, Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Daarta gabowday, ee boqolka jeer qolof dhacsatay ee badhtamaha Berbera ku taalla, ee labada qol ka koobani weligeed waxa ay ahayd meel ay ku arooraan qisooyin taariikheed oo qaarkood aad loo wada yaqaan qaarkoodna dad koobani hayaan.  Intaas oo dhan ilaa maanta daartu waxa ay ahayd guri lagu nool yahay. Lix boqol oo sannadood oo jiritaanka aqalkaa la isla qirsan yahay waxaa ka la dhaxlay ama ka la iibsaday dad badan oo ka la isir ah. Waxaa kale oo la isla qirsan yahay aqalku in uu ka mid yahay in yar oo magaalada ka badbaadday dab beri fog si xun iyo si xil leh wax u leefay.

Faallo ku Saabsan Isbeddeladii Siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 2013kii

Shan iyo labaatan gu' baa laga joogaa burburkii jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Sannadkii 1988kii ayey burburtay jamhuuriyaddii soomaalidu dhisatay 01-07-1960kii. Heerarka ay dadka soomaalidu soo mareen, oo kolba meel wax uga hirayeen, ee hadana dhalanteedka u noqonaysay. Bal an wax yar isku dayo, anigoo u socda bal maanta halka wax marayaan iyo hirka maanta muuqda. Muddo ka badan 20 sannadood baa laga joogaa inta gebidhaclaynta siyaasadda soomaalidu ay wareersanayd. Meesha keliya ee ka badbaadday wareerkaas waa Somaliland oo dhisatay dawlad goonni ka ah jamhuuriyaddii soomaalida. Sababaha ay uga badbaadday ololka ka baxayey Muqdisho, waa mid u baahan in si gaar ah looga hadlo, iyadoo la baadhayo qodobada ugu muhiimsan.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-2aad

Waxa aan qaybtii koowaad, dul-kaxaadaiyey, sida labada abwaan ee Cabdi Adan Xaad (Qays) iyo Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ay maansadooda dhadhanka fiicani, u kala duwantahay.  Sida uu midba geed goonniya uga

Ogeysiis: Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 Tartankii 6aad

Bandhig Redsea-Online Cultural Foundation  iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".

Xubnihii ka qaybgalay isku daygii la soo noqoshadii Somaliland 1961. W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) 18-05-2006

Dhacdooyinka soo maray deegaanada soomaalidu degto aad ayey u farabadan yihiin. Balse cidi waxba kama qorto. Waxaana laga jecelyahay in laga sheekeeyo oo qofkastaaba uu noqdo qofka xogogaalka ah, si loogu ixtiraamo xogtaa uu hayo. Waxa inta badan aynu aragnaa iyadoo la isku hayso dhacdo dadka iyo dalka soo martay, taasoo xataa ay noolyihiin dadkii dhacdadaa goob joogga ahaa ama kaba midka ahaa. Dadka qaar xogbadan hayana waxaad mooddaa sidii geedo-yaqaankii (Dhirta dawada ah) aan cidnaba u sheegi jirin geedka dawada ah ilaa uu geeri qarka u saarmo, in aan qofna jeclayn inuu xogta uu hayo dadka wada gaadhsiiyo.

Dugsigii sare ee Sheekh iyo kacdoonkii la xidhiidhay, gadoodkii ardayda Hargeysa 1982kii. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 18-02-2008

FG: Qoraalkani waxa uu ku soo baxay mareegaha gu'gii 2008. Sida ay dad badanba wax ka qoreen, maalinta 20 bisha labaad ee sannadkii 1982kii waxa ay ahayd maalin ka tilmaaman maalmaha. Waxa ay maalintaasi u suntan tahay dadkii sida gaarka ah ay taabanaysay dhibkii iyo dhibaatadii maamulkii keligii-taliska ahaa uu gaadhsiiyey.

Faallo ku saabsan “Tayo beelka carruurtu waalid buu tebayaa”. W/Q, Sayid M. Yuusuf ´´Dhegey´´

Ruwaayaddan magaceedu kor ku xusanyahay, waxa ay ka mid tahay Ruwaayadaha xilligan danbe la curiyey. Ruwaayaddu waxa ay ka mid tahay suugaantii ku cusbayd soomaalida. Bilawgii afartamaadkii ilaa kontomaadkii ayaa uu bilaabmay masraxa soomaalidu. Sida sooyaalka ku xusan, macallimiintii dugsiyada ee bilawgii ayaa bilaabay–iyagoo ku meteli jiray afka carabiga. Inta badan waxa ay ka soo dheegan jireen sheekooyin carbeed oo ardayda loo dhigi jiray.

Sheeko xiiso leh: ISAGOO GABOOBAY. W/Q, Xasan Cabdi Madar

Mar 13th, 2010   Tareenkii buu halhaleel ku soo fuulay. isagoo kolba tiir cuskanaya ayuu salka la tiigsaday kursigii ugu dhowaa. Warfaa culays aanu qaadi karayn baa saaran, koodh culus, funaanad ka hoosaysa, koofiyad iyo gacmo gashi ayuu ku hilan yahay. Xilliga jiilaalka ah dalalkan Yurub wax ka qabow badan. Gacmuhu way gariirayaan, lugahana wuu qaadi kari laayahay. Wuu garan laayahay goor cimrigiisu intan gaadhay, goor uu sidan u gaboobay. Isagoo xooggan oo xawli ku socda uun buu garanayaa. Hadduu dib u eego gugii dhalashadiisa todobaatankii buu baarka jaray. Wuxu xasuustaa noloshii macaanayd ee ay soo wada mareen isaga iyo Alle u naxariisaydii, ooridiisii suubbanayd.

Shir-sannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland, Stockholm, Sweden. 22.06.2013

Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 22.06.2013, waxa magaalada Stockholm ee waddanka Iswiidhan ka qabsoomay, shir sannadeedkii ururka Qoraaga Somaliland. Shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen xubnaha ururka ku jira ee ku nool waddanka Iswiidhan ayaa ku qabsoomay xarunta uu ururku ku leeyahay xaafadda Telefonplan ee magaalada Stockholm.

Sheeko gaaban: MA NINKAAN OGAA BAA!! W/Q, Xasan Cabdi Madar 2010

Sannadihii ugu horreeyey ee dalka lagu soo noqday xilli barqo kulayl ah ayaan ku leexday mid ka mid ah makhaayadaha Hargeysa ee qaxwaha laga fuudo si aan koob shaaha oon     kulaylka iskaga qaboojiyo uga cabbo. Waa xilli laga soo noqday xeryo qaxooti oo dadku waxba ma hayo, jeebaduhu way madhan yihiin, busaarad xun baa magaalada ka taagan oo xataa koobka shaaha ah la iskuma shubo.

Xubnihii Baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland 02-1960 oo dhammaystiran.

Xubnaha hoosta ku qoran, waa xubnihii  loo doortay baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato 1960kii. Wixii la kaydiyo ayaa dhaxalgal ah. In muddo ah anigoo raadiyey xubnahaas magacyadooda iyo goobaha laga soo doortay, ayaan tegey magaalada Sheekh 2004. 

Heshiisyadii Dhexmaray Odayaashii Soomaaliyeed Ee Reer Somaliland Iyo Boqortooyadii Ingiriiska. W/Q, Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey" — Sweden — June, 2005

Heshiisyadii uu Ingiriisku la galay Odayaashii madax dhaqameedyada ama Culimadii hoggaanka u ahayd bulsha soomaaliyeed ee deegaanka Somaliland, way farabad-naayeen, waxaanse ka soo qaadanayaa dhawr heshiis oo u baahan in wax-laga ogaado. Heshiisyadaa waxa ka mid ahaa heshiiskii dhacay 1827kii.

Halgankii suugaaneed ee Cabdi Muxummad Ammiin IHN "Maxaan hog abeeso galay, Maxaan halaqyo ugu tegey"! W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 2013kii

Afeef: Qoraalkan ku saabsan Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin, kuma dhamma suugaantiisii ballaadhnayd. Waxa keliya ee aan ugu talogalay in aynu ku xasuusanno uguna ducayno suugaantiisii ku wajahnayd higsiga horumarka.  Ilaahay ha u naxariistee Cabdi Muxummad Amiin, waxa uu dhowaan ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Cabdi waxa uu ku dhashay deegaanka Gebiley ee Somaliland. Wuxuuna ka mid ahaa hal-abuurada soomaaliyeed kuwa safka hore kaga jiray guubaabada dadka. Waxa uu markasta soo gudbin jiray dareenkii jirey.  Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu eegi doonnaa suugaantiisii soo taxnayd muddo ku siman afartan sannadood. Suugaantiisa waxa ka muuqata in uu markasta jeclaa horumar ay dadka soomaalidu gaadhaan. Dareenkiisu waxa uu la jaanqaadayey kolba xaalladdii siyaasadeed ee dadku ku sugnaa. Bal marka hore aan inoo soo hormariy o lixdamaadkii iyo Maansadan la magacbaxday Geediga Wadaay. Anigoo tixraacaya buugga la magac baxay HILIN HAYAAN oo lagu soo ururiyey suugaantii A

Buugga Hantaaqo Jacayl,waxa qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar)

Sida weelka caanaha  hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee  maxaa cunaha dhaafaaye. Curuuqda maxaa kala dhex geli  cadaha hoostooda Ma ciidaamkanaa jabinaya cunaya dhuuxooda. Inaanse cadaydo mooyee  waxaan calalsho la'ii diidye Caqliga yaa ka bi'in tuu  Ilaah ku cir-cadaayeeyey

Faallo kooban oo ku saabsan Buugga "Barbaarsame" ee uu qoray Xasan Cabdi Madar.

Buugga magaciisu kor ku xusanyahay ee Barbaarsame, waa buug-aqooneed si gaar ah uga hadlaya barbaarinta wanaagsan ee carruurta. Marka la yidhaahdo waxa laga hadlayaa carruur, waxaad mooddaa in dad goonni ah laga hadlayo. Maya Maya, Carruur weynaatay baad tahay, carruur ayaa aad waalid u tahay, carruurtu waa hoggaankii berrito. Bulshadu waxay ka dhisantaa xagga hoose, bal aan markiiba inoo soo qaddimo dhawrkan bayd ee arrinkaa sida fiican Toojka ugu iftiiminaya.

WAAN SOO QALDAMAY.... W/Q, Xasan Cabdi Madar, Hargeysa 2007

FG: Sheekadan qoraagu waxa uu qoray mar hore. Waase sheeko aad loo jeclaystay. Qulluufan qallaafan, Waraabe dheg jeexan Shabeel indho giiran Waa maxay dadkani tirada badan ee igu xeerani, dadku dhaadheeraa, waaweynaa, sownigan hoostooda ku shiiqay…maxay ii sheegayaan? maxay iga rabaan?…sownigan gariiraya,…hadal…hadal bay i leeyihiin maxaan ku hadli, dadka intaa le’eg maxaan u sheegi weligayba gole kama hadale, laba qof ka badan lama hadale…maya soco waad samayn kartaa…iska hadal hadday ugu bataan way kugu qosliye, muxuu qosol ku yeeli ma feedh buu kaa jebin.... Waanigan anigoo gargariiraya kelmado af guri u badan si kala googo’an ugu dhawaaqaya…haddana sow kuwan ii sacab tumaya..maxaa ku dhacay dadka, sow kuwa dad waaweyn ah…waxan ka baqayey inay igu qoslaane, miyey iga xishoonayaan mise waa ka dhab…

Faysal Cumar Mushteeg: Heesaa, hal abuurkiisu halhays noqday ......21/09/2012

"Ha ka tegin carrada,ha duulin,  ha degdegine joog,  nala joog, iska jooga,  dalka lama necbaadee,  dibadaha lama jeclaadee. " Ilaahay ha u naxariisto marxuum Faysal Cumar Mushteeg, waxa uu ka mid ahaa hal-abuuradii, heesaagii lugaha u taagay fanka soomaaliyeed. Waxa uu curin jiray heesaha, laxankana saari jiray--isla markaana tumi jiray. Waxa uu ahaa macallin in badan oo maanta kala joogta dacallada adduunka macalin u soo ahaa. Waxa uu ka mid ahaa hoboladdii Walaalo Hargeysa. Waxa u gaar ahaa  sheekooyin uu ku caan ahaa oo badiba dadku maqleen. Xilligii uu macallinka ahaa oo uu ka soo shaqeeyey dugsiyo ku kala yaalla, dalka meelo kala durugsan ayaa waxa ka mid ahaa markii uu macallinka ka ahaa dugsiga caanka ah ee Dayaxa, oo mahadhooyinkii laga reebay ay ka mid ahayd "Dalkaan tegey, Dayixi waaba u galbeed" iyo Qardhoo qumman baan ka qaylinayee ma haddaan tegey qaabaqawseen".

Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf

    (Baarliin adoon tegin ama Boon ka sheekeyn barashada dalkaagaa, horta laga bogtaayoo, bero la isku hawlaa)...... Hadraawi Magaalooyin-ka Saylac iyo Berbera, waxay ka mid yihiin magaalooyinka ugu faca weyn ee ku yaalla xeebaha geeska Afrika. Magaalada Saylac oo qoraalada qaar ku magacaabaan "Aualites" waxay leedahay taariikh aad u fog. 529 C.D, ayuu

Wargeyska Hubaal " waa loo hiilinayaa, xaqaa loogu hiilinayaa---Yeedhaa dam wax la yeeli karo maahaa.

Wargeys la yidhaa HUBAAL, oo ka soobaxa Hargeysa ayaa albaabada loo laabay. Miyeynaan kaba korayn albaabada ayaa loo laabay iyo waa la xidhay, waa loo cagajugleeyey iwm. Marnaba ma difaacayo, qaladka, mana difaacayo cid alla ciddii denbi gasha. Balse waxa difaac mudan xaqa. Qalad wuu dhacaa, waxaase isweydiin leh, qaabkee loo abaalmarinayaa cidda qaladka gashay. Ma sidii qafaalkii baa lala boodayaa oo god madaw lagu ridayaa. Waxa aan xasuustaa wargeyska Jamhuuriya oo kolba la xidhi jiray, marbaa jirtay laga qaatay xataa teebabkii ay wax ku qorayeen. Midh aynu isla fahamno, difaaca la difaacayo Hubaal ama warside kasta oo la qafaashay, waa difaac qaran ee maaha mid qof. Qaabka loo baadhayo denbiga uu wargeysgalo, waa in loo maraa tubta toosan. Haddii kale waxa ay noqonaysaa kala aargudasho ku salaysan, kala aragti, kala beel, iyo qof nacayb iwm. Waa la wada garanayaa marka qoraal aan waafaqsanayn xeerka dalka laga dacwoodo ama xukuumaddu ha ka dacwooto ama qof ha ka soo dacwoodo. Waxa

Aanadii Negeeye - ''Boogihii daboollaa, buug weeye daah-furay!'' W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey) Feb 11, 2007

Buugga la magacbaxay "Aanadii Negeeye", oo uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed oo ku magac-dheer "Hawd", waa buug marka horeba muuqaalkiisu ka geddisanyahay buugaagta ku qoran afka soomaaliga. Waa buug lagu dheehay farshaxannimo, laguna daabacay aalad casri ah. Loona dooray xaashida u qalanta in lagu qoro sheekooyinka noocan oo kale ah. Waana buuggii iigu horreeyey ee u qoran si indhahayga soo jiidatay. Qofkasta oo arka buuggani, isma odhanayo waa buug ku qoran far-soomaali. Farshaxannimada iyo muuqaalka buugga marka aan intaa ku dhaafo. Waxaan jecelahay in aan dareenkayga ka dhiibto oo yara dulxaadiyo sheekada uu buuggu xanbaarsanyahay.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-1aad

Lugihii degdegayuu, U duwadey dhankiisii, Isla doonasho Illaah,Doobku waa walaalkii,  Waa ninkuu dad iyo maal, Dummaddiisa kaga tegey..Hadraawi * Nafta waxa uu u sawiraa--sawir-maskaxeedyo uu maanku  cabbiri karo. Waxaad jeceshahay lama helo naftaydaay,  Wax ku jecelna diidey, Ma ogtahay jannadaudug, nimaan jirrab u soo marin sahal lama dhexjoogee,   Haddaad jamato geed adag,oonad hayn wax kuu jara,  jebin mayso gacantuye, ha ku daalin jeedaal. Cabdi-Qays *nafta ayuu toos ula hadlaa oo xadanteeyaa, tilmaamo dareenlehna wuu kuuguu iidaamaa.

Qormo kooban oo tilmaan ka bixinaysa buugga "Maansadii Timacadde" iyo qoraaga buugga qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Bismillaahi raxmaani raxiim.   Qaybtan oo aan ku soo afmeerayo dhawr qormo oo aan hore u soo gudbiyey, kuna saabsanaa maansadii yaabka lahayd ee "IHN" Cabdilahi Suldaan Maxamed "Timacadde". Waxaan ku yara hakanayaa buugga dhowaan soo baxay ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Buugga magaciisu waa "Diiwaanka Maansada Cabdilahi Suldaan Maxamed".

Qormo xasuus mudan: "Billaddii ugu horreysay ee uu bixiyo ururka Qoraaga Somaliland 2006"

Diiwaanka Maansada Timacadde", Boobe  Yuusuf Ducaale: Buugga Sannadka 2006.    Shalay oo ay bishu ahayd 31/03/2007 maalin sabti ah, ayuu ka dhacay kulan aad loo soo agaasimay magaalo-madaxda dalka Swidhen. Xafladdaas oo loogu talo galay in lagu bixiyo abaalmarinta buugga sannadkii 2006. Abaalmarintaas waxa bixinayey Ururka Qoraaga Somaliland. Ururkaas oo ay ku bahoobeen xubno qorayaal ah, ehelna u ah qalinka iyo

Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay wax miyey ka barteen? Q-2aad

Dalmar: Adeer waxa ay ka yihiin, reer Damaaci Boqorkii: Waar kuwani uma ega qaar wax damaaciyaya’e adeer maxay rabaan? Dalmar: Adeer waa marti, ee dhaqankii miyaa laga tegey iyo sooryeyntii? Boqorkii: Mayee lagama tegine, dee dad noocan ah ayaan weligay I soo martiyin. Caano Geel ma cabbayaan, Hilib Geel,se sow cuni maayaan.?

Bulshadii ”Islaweyn” burburkii ku dhacay, wax miyey ka barteen? Q-1aad

Beribaa waxa jirey laba Beelood oo is barbar yaalley. Degmada ayaa u kala rognayd, balse isku dhaqan iyo diin ma ay ahayn. Kala af ayay ahaayeen. Labada Bulsho mid waxa la odhan jiray “Islaweyn” ta kalena waxa la odhan jiray “Dangarad”. Islaweyn waxa ay aad u dhaqan jireen Geela oo ay ku faani jireen. Sidaa darteed dadka qaar ayaaba u yaqaannay Bulshadii faanka badnayd ama Faanbadan. Bulshada Islaweyn, dhulkoodu waxa uu u badnaa dhagax, geed qodax leh iyo bannaan ama bann. Biyaha iyo dhulka cagaarani wuu ku

Faallo buug: "CAWADARAN"....Inaad cawa-darraataa ceebtaada maahee waa calaf adduunyo. W/Q. Sayid-Axmed M. Yuusuf

Yusur, waxa ay ahayd inan joogta gurigooda. Waxa ay ka dhalatay qoys, hayntoodu ay tahay meeldhexaad. Deegaankay ku dhalatay ee ay ku kortay, colaad baa ka bilaabantay. Waa dagaal aan joogsanayn, aan la garanayn cidda uu dhex marayo.

Faallo buug: "Qaylodhaan deegaan" Gumburigii badhbaa joogsadiyo gorayo-cawshiiye

Gumburigii badhbaa joogsadiyo gorayo-cawshiiye Saryankii garbaha weyn lahaa goob ka kici waaye Waxa goonidaaqii habsaday gubaddadii Hawde Garanuugta iyo Deeradii gaag yar baa hadhaye Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene Kama guuxo Aargoonlihii geliga toomoode Shabeelkii gabraar lagu idlee Giiro layn jiraye.

Naqdinta buugga ''Dhaxalreeb'' ma naqdin buug baa mise waa eedayn?

Maanta oo bishu tahay 11 bishii shanaad ee sannadka 2007 ayaan akhriyey maqaal ku  soo baxay mareegta "Hadhwanaagnews". Maqaalkaas oo ku suntanaa "Naqdiga buugga  dhaxalreeb". Buuggaas oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale,

Madaxweynaha Dahsoon! "Waa ma daale danta guud u maleegan".

Waa madaxweyne isagu is doortay, cid kale may dooran, umaba baahna in la doorto, saa! dadkaba isagaa kala doorta. Hadh iyo habeen waa uu ordayaa, sidii uu u heli lahaa taageerada beesha. Markasta oo la soo hadalqaado qaranimo iyo midnimo--isagu waxa uu u arkaa in duullaan lagu yahay danaha beesha, waxa uu kaga hortagaa dagaal farsamo oo aan la fahmi karin. Inta badan waxa uu isku hawlaa

Sheeko kooban. "Daf iyo Midhiq siyaasad saaran" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey, 2009

Sheeko kooban. "Daf iyo Midhiq siyaasad saaran, haddaad saluugtey, sacba aynu qalannee si kale ma yeelnaa Siissaw ma saarnaa?" Dhammaadkii todobaatanaadkii ee qarnigii labaatanaad ayey dad badan oo ka soo jeeday Somaliland waxa ay saluugeen gawaadhidii talyaaniga lagu soo sameeyey. Gaar ahaan waxa ay xilligaa fidhaab ka istaageen soomaalilayntu gaadhigii isjiidka ahaa ee uu darawalka ka ahaa ninkii da’da weynaa. Darawalkaas oo dhammaadkii lixdamaadkii isla qarnigaa loo dhiibay gaadhiga waxa uu ka helay taageero ballaadhan bulshadii reer Somaliland oo xilligaa loo yaqaannay qaldaamiin. Waxa kale oo loo yaqaannay Soomaalilayn oo tilmaanta ugu quruxda badan ee lagu tilmaansado reer Somaliland waxa ay ahayd “koo oo Soomaalilayn ah” waa marka afka laga ilaalinayo Qaldaan.

GORFAYN: BUUGGA LA MAGACBAXAY "HALGAN IYO HAGARDAAMO" EE UU QORAY KORNAYL, CABDILAAHI YUUSUF AXMED.

Bismillaahi al-Raxmaani al-Raxiim   HORDHAC:   Buugga aan qalinka u qaatay waa buug dhawaan soo baxay, oo uu qoray Kornaylka dhulka soomaalidu degto laga yaqaan, Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Buugga waxa la yidhaahdaa oo uu ugu wanqalay "Halgan iyo Hagardaamo". Waxa ku qoran in la daabacay 2012, balse waxa uu soo baxay 2011ka. Waa buug tayadiisu aad u sarrayso, marka laga hadlayo dhanka muuqaalka. Jeldigiisu waa mid adag (hardcover), si yar kuma duugoobayo. 

Faallo: Buugga la magac baxay "Dirkii Sacmaallada":

"Dibigeeda beyga leh, markuu daymo bahalleeyo, dig wuxuu ka siiyaa higgaad danab la moodaaye"...Baydkani waxa uu ka mid ahaa gabaygii ammaanta lo'da ee uu tiriyeye Abwaan,Maxamed Xaaji Muuse Xaaji Abokor

Ogaysiis: Maalinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada Uppsala, Iswiidhan.

Dhammaan dadweynaha ku hadla afka Soomaaliga iyo inta xiisaysa afka iyo dhaqanka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada   Uppsala    iyo agagaarkeedaba waxa la ogeysiinayaa in maalinta sabtida ee 29.06.2013 lagu qaban doono magaalada   Uppsala    kulan suugaaneed balaadhan oo lagu soo marti qaaday qorayaal iyo suugaanyahanno ka iman doona magaalada Stockholm. Maalintan ayaa noqon doonta maalin xiiso badan oo ay qorayaashu madasha ku soo bandhigi doonaan buugaag cusub , riwaayad cusub oo magaceeda la yidhaa,   Tayo-beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa,    oo ka hadlaysa nolosha qurbaha iyo qoyska Soomaaliyeed uuna     alifay Muuse Dalmar iyo     waliba suugaan kala duwan. Martida maalintaasina waxaa ka mid ah:

Sababtii igu qancisay in aan ku biiro SNM 1983kii....W/Q, Faysal Axmed Xaaji Aadan

Faysal Axmed Xaaji-Aadan macallin, siyaasi, halgamaa xilal badan ka soo qabtay SNM Sababtii igu qancisay in aan ku biiro Dhaqdhaqaaqii waddaniga soomaaliyeed (SNM 1983kii). Sababuhu waa ay fara badnaayeene, sababtii guud ee igu qancisay in aan halgankii SNM ku biiro waxay ahayd, isku darsigii lixdankii oo la kowsaday saluug aad looga biyo-diidey qaabkii loo midoobay. Waxa aan odhan karaa waxa uu ahaa qabyo, waxaana laysku raacay si aqooni ka maqantahay, loona maamulay. Iyadoon cawaaqibkeeda, qabyadaas marna hoos loo deyin.

Kulanklii dhaqanka iyo suugaanta soomaalida ee magaalada Göteborg ee carriga Sweden 01-06-2013 sabti

Markay goorsheegtu ku dhawaatay siddeeddii subaxnimo ee saacadda Stockholm, taariikhduna ahayd 01-06-2013 ayaanu ka dhaqaaqnay faras-magaalaha Stockholm. Waxa aanu ka koobnayn saddex xubnood oo kala ahaa Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) iyo aniga oo ah Sayid-Axmed M. Yuusuf.