Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo kooban oo ku saabsan Buugga "Barbaarsame" ee uu qoray Xasan Cabdi Madar.


Buugga magaciisu kor ku xusanyahay ee Barbaarsame, waa buug-aqooneed si gaar ah uga hadlaya barbaarinta wanaagsan ee carruurta. Marka la yidhaahdo waxa laga hadlayaa carruur, waxaad mooddaa in dad goonni ah laga hadlayo. Maya Maya, Carruur weynaatay baad tahay, carruur ayaa aad waalid u tahay, carruurtu waa hoggaankii berrito. Bulshadu waxay ka dhisantaa xagga hoose, bal aan markiiba inoo soo qaddimo dhawrkan bayd ee arrinkaa sida fiican Toojka ugu iftiiminaya.




Marka qoyska hoos laga dhisaa qaran hagaagaaye,

Haddii meel saruun laga qabsado waa qalfoof madhane,
Dadkuna qaabaddaasoo kaluu qayb ku leeyahaye,
Qacda hore haddaan Ubadka kaca qayrka laga leexin,
Hadhow baan la soo qaban karayn qaladkay geystaane.


Gabaygaas ayaa uu qoraagu meelaha qaar soo qaadanayaa. Gabaygaas oo uu tiriyey IHN-tee Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac oo ku magacdheeraa LUGGOOYO. Ma mooddaa in qalinkiiba ila taraaray, buugga yaa qoray? Haa waxa qoray qoraa u banbaxay u faa'idaynta bulshada, Xasan Cabdi Madar ayaa qoray. Waa qoraa inta badan xoogga saara meelaha u baahan in bulshada laga dhiso. U fiirso, buug ka mid ah buugaagtiisii hore waxa la yidhaahdaa "SIRTA GUURKA". Maantana waa BARBAARSAME.

   Buugga hore waxa uu inoo sharxay oo uu farta inoo saaray faa'iidada guurku leeyahay. Gaar haan qaababka guurka soomaalida oo uu sharraxaad ka bixiyey. Waxa uu buugga sal uga dhigay guurka habboon ee diinta Islaamkuna innagu waajibinayso. Maanta waxa uu Xasan soo gaadhay ubadkii ilaahay ka beeray guurkaas in uu iyagana la hadlo. Sidaasuu Xasan ku mutaystay in uu noqdo hoggaamiyaha qoraaga ee dhisidda bulsho wanaagsan.

   Marka aad buugga dhammayso waxa aad is weydiinaysaa weydiimahan. Ma dhakhtar Cilmi Nafsiga ku takhasusay baa qoray? Ma oday waaya-arag ah oo sagaashankii kor u dhaafaybaa qoray? Ma Cilmi baadhe xilli badan ku dhexjiray baadhitaanka iyo wax ka ogaanshaha barbaarinta carruurta ayaa qoray?. Weydiimahaasi kollayba aniga maskaxdayda way ku soo dheceen. Waxa uu wax kaaga sheegayaa qaababka kala jaadjaadka ah ee uu dareemo ilmaha yari. Ilmaha Agoonka ah iyo baahidiisa ayuu kuu tilmaamayaa. Xataa ilmaha yari waxa uu dareemo ayuu farta kuu saarayaa. Waxa uu kugu baraarujinayaa waxyaabo aanaad dareensanayn oo uu ku leeyahay ka digtoonoow.

    Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa qoyska ka kooban saddex carruur ah. Ilmaha weyn, marka hore sida uu dareemo iyo koolkoolinta uu ka helo Waalidka. Marka Ilmo kale ka daba dhasho sida uu dareemo iwm. Marka mid saddexaad ka daba dhasho isbeddelka ku dhaca qoyska ayuu kuu faahfaahinayaa. Carruurtaas oo mid kastaaba si u arko xidhiidhka uu la leeyahay Waalidkiisa. Waana meelaha u baahan in Waalidku ku baraarugsanaado oo uu ka hortago is fahan-waa ka dhaca qoyska dhexdiisa. Xasan Cabdi Madar kama uu tegin in uu sheego oo faahfaahiyo dhaqanxumada ay dad badani kula kacaan Ilmaha aan ku dhalan guurka. Waxa isweydiin leh Ilmahaasi ma isagaa danbiile ah oo bulshadu ku xukumaysaa danbiga uu galay oo ah, in uu dhashay? Ilmahaasi waxa uu uga baahanyahay buslshada taageero.

    Akhriste bal ila eeg meelaha uu qoraagu diiradda saaray. Bogga 122-aad waxa uu cinwaan uga dhigay USHA MACALLINKA, "Uli way qabawdaaye erey ma qaboobo" cinwaankaas waxa ku sii hoos qoran sidan: " Usha macallinku waa mid la kowsatay malcaamad quraantii miyiga. Waxa waalidku marka ilmaha ay u geeyaan macallinka odhan jireen; Jidhkiisa adigaa leh laftiisana annaga". Waxa aan u malaynayaa in ay kugu filantahay farriintaasi. Qofkii soo maray ayuunbaa garanaya. Marka ugu horraysaba Ilmaha yari waxa uu karaahiyeystaa malcaamadda, waa goobtii uu jeclaan lahaa ee naxariistu kow ka ahaan lahayd. Waxa ka mid ah qaybaha buugga BARBAARSAME kuwa hoosta ku qoran:

1. Waayaha Ubadka
2. Deegaanka Ilmuhu ku noolaanayo
3. Xuquuqda Ilmaha
4. Habka Barbaarinta
5. Barbaarinta Ubadka iyo Qurbaha

Kuma koobna shantaa qaybood ee waa tusaale aan ka soo qaatay uun. Waxa uu buuggu ku gabagebaynayaa talooyin uu u soo jeedinayo Waalidka. Buugaagta noocan ah waxa la odhan karaa waa ay ku yar yihiin buugaagta ku qoran afsoomaaliga. Sidaa awgeed waxa habboon in la dhiirri geliyo oo ugu yaraan la sheego in qoraaga buuggaa inoo soo bandhigay uu bulshada ku soo kordhiyay dhigane faa'iido leh oo dhaxal u ah bulshada. Buugga jaadkaas oo kale ah waa buug-aqooneed loo baahanyahay in la akhriyo oo aan markeliya la akhriyin ee lagu noqnoqdo. Buugga aan maanta wax ka qorayo, waa buugga BARBAARSAME, oo uu qoray qoraaga caanka ah, bulsho-kaabaha Xasan cabdi Madar. Waxa aan leeyahay Xasanoow! waxaanu kaa sugnaa buugaag kale oo bulshada waxtar u leh. Waxaanu kaa sugnaa buugaag farta ku fiiqaya meelaha goldaloolada ay bulshadu ka leedahay. Bulshada aan ka hadlayaa waa bulshadeenna aan looga tegin qoranayaal hore. Maanta xoogga ha la saaro.

Guntii iyo gebagabadii. Waxa aan inoo dooray heestii macallinka oo buugga ku jirta, oo aan leeyahay Xasan cabdi Madar, keliya ma aha Qoraa ee waa Macallin:


Macallinkeen Allow kaal
Macallinkiis Alloow kaal
In kaashaba Alloow kaal
Sariir janno Aloow sii
Siddeed janno Alloow sii



Qore: Sayid Maxamed Yuusuf
05/2009 (Stockholm/Sweden)

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.