Fortsätt till huvudinnehåll

Qormo kooban oo tilmaan ka bixinaysa buugga "Maansadii Timacadde" iyo qoraaga buugga qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)


Bismillaahi raxmaani raxiim.
 
Qaybtan oo aan ku soo afmeerayo dhawr qormo oo aan hore u soo gudbiyey, kuna saabsanaa maansadii yaabka lahayd ee "IHN" Cabdilahi Suldaan Maxamed "Timacadde". Waxaan ku yara hakanayaa buugga dhowaan soo baxay ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Buugga magaciisu waa "Diiwaanka Maansada Cabdilahi Suldaan Maxamed". Mudane Boobe waa qoraa, raad-raace taariikhda iyo dhaqanka, halgamaa muddo dheer dagaal kula soo jiray keligii taliyihii dalka ka talin jiray iyo nidaamkiisii. Boobe wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1948-kii. Waxbarashadiisii hoose wuxuu ku dhammaystay Hargeysa. Gu'gii 1964kii ayuu u bedeshay dugsigii sare ee la odhan jiray Benaadir ee ku yaalley magaalada Muqdisho. Ilaa uu kasoo gaadhay heer jaamacadeed waxbarashadiisa wuu sii watey.
 
Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu ka mid yahay dadka fara-kutiriska ah ee u halgama ururinta dhaqanka soomaaliyeed, fanka soomaaliyeed, taariikhda iyo waxkasta oo uu u arko in loo baahanyahay in la kaydiyo. Inta badan waxaynu aragnaa maalinta qof qiime weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda uu geeriyoodo sida uu markiiba horteenna u soo dhigo taariikh-nloleedka marxuumka geeriyooday. Waxaan odhan karaa Boobe waa diiwaan, la weydiin karo waxbadan oo dalka iyo dadkaba taariikh iyo dhaqan-ba u ah.
 
Intaa markaan ka gudbo, buugga Diiwaanka Timacadde ee ugu horreeyey wuxuu soo baxay sannadkii 1983-kii. Buuggaa waxa qoray Boobe, balse buuggaasi wuxuu soo baxay qoraaga oo jooga goobihii halganka hubaysan lagaga jiray. Buuggan danbe wuxuu soo baxay sannadkan 2006-da. Diiwaan-kani waa diiwaanka ugu ballaadhan ee ilaa maanta taariikhda lagu hayo, dhinaca maasada soomaaliyeed. Diiwaankii "IHN" Maxamed Cabdille Xasan ayaa ugu soo dhow.
 
Diiwaankani wuxuu ka koobanyahay 126 maanso. Xiisaha gaarka ah ee diiwaankani waa, abwaanka oo maansadiisu ku qotonto wadaninimo, geesinimo, qabyaalad-nacayb, reer galbeed-nacayb iyo danta guud oo uu markasta ka maansoon jirey. Buuggan oo soo baxay dhowaan waxaad kala xidhiidhi kartaa qoraaga oo deggen magaalada Hargeysa, caasimadda Somaliland emailka ku jira mareegta hoosta ku xardhan:
 
 
Waxaad kaloo kala soo xidhiidhi kartaa email-kayga hoosta ku qoran. Ugu danbayn qaybtan aynu yara jalleecno dhanka qabyaaladda iyo gabaygiisii caanka ahaa ee "Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Gabaygaasi wuxuu ka mid yahay gabayada galay maanka dadka soomaaliyeed, laakiin ku dhaqankii ayuun-baa soomaalida ku adkaaday. Gabaygaasi waa halhays markastaba la soo hadalqaado, waa gabay si adag u tilmaamaya dhibaatada qabyaaladdu leedahay. Waxaan kasoo qaadanayaa gabaygaas dhawr bayd.
 
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede
Dulmi iyo dhac waa waxa kharribay, degelledeeniiye
Anuun baa damqanayee dheguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iimaane
Bal in ay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore u soo daashadeey degeshanaysaaye
 
Doqoniimo kugu baahdaybaan, cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa daasaddaw tuma'e
Dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye
Waagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaaye
 
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeede
Doc hadday u wada jeesatooy dhawrto danaheeda
Ooy duul walaalo ah tahoo, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa'in abidkiise
Goortay is-wada dooxataa daad u soo galaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeede. (1966-1967kii)
 
Qoraaladii taxanaha ahaa ee aan ka diyaariyey IHN, Cabdilahi Suldaan Timacadde, waxaan ku soo gebagabaynayaa maanso kooban oo aan curiyey 11-01-2006. Maansada waxaan u bixiyey "Suldaankii Qarniga", waxaan hubaa inaanuu jirin abwaan soomaaliyeed oo maansadiisu ay markasta u taagnayd wadaninimo, Qabyaalad-nacayb, han-fogaan iyo danta guud inuu ka maansoodo, aan ka ahayn Cabdilahi Suldaan Timacadde. Waxaan ku qiimaynayaa xilligii uu noolaa Timacadde iyo maansayahannadii la faca ahaa. Waxaan u caleema saaray qarnigii tegey ee labaatanaad inuu dadka soomaalida oo dhan uu Suldaan u ahaa, ilaahay ha u naxariisto Cabdilahi Suldaan Timacadde.
 
(Suldaankii Qarniga 11-01-2006)
 
Samaantoo la taliyaa
Waa sadarka gobanimo
Sabigiyo haweenkuna
Inay nabad ku seexdaan
Subaxana ku toosaan
Nolol suuban weeyee
 
Sadarkeeda maansadu
Laba weeye isa-sudhan
Samaan iyo xumaanbaa
Lagu kala sifeeyaa
 
Seefaha cadaawaha
Nin soofeeyey baa jira
Ninna suubanaan buu
Runta ugu sargooyaa
 
Afartaa sifeeyaye
Salka aan u soo dego
Summadiisa gabaygana
Sahaloow! ku soo durug
Sureereey dhegaha furo
 
Mataqaan! Suldaankii
Sebenaddii horee tegey
Xiddigaha cirkee sare
Sawdkiisu gaadhee
Dhammaan aradka soomaal
Sacab looga tumayee
Duco lagu sagootiyey
 
Ma taqaan! Suldaankii
Sama-talis ku caan baxay
Intuu gabay saruu dhigay
Ku luuqeeyey Sawdkii
Sari jiray wadnaha'e
Laabtana sifayn jiray
Soomaali gebigeed
Ku sooryeeyey gobanimo
 
Mataqaan! Suldaankii
Suubanaanta maansada
Sebenkaynu joognaa
Billad-geesi siiyee
Duco loogu sii daray
 
Adaa saafan doonee
Geeraarradiisii
inyar aan ka saro'e
Markuu saaxirkii diray
Uu saancadkii riday
Wuxuu yidhi Sureereey!
 
"Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyoow ma nusqaamoow,
Aan siduu yahay eegno'e,
Kaana siib kanna saar".
 
Tixdii suubanaydee
Calanka uu ku saaray
Soomaali idilkeed
Summad bay u tahay
 
Saxariirka noloshiyo
Dagaalada sokeeyaha
Qabyaalad baa salkeeda
Xorriyaddii sitiinkii
Barwaaqadii la sugayey
Sacab madhan ayaa xigay
 
Tobankii sannee hore
Qabyaalad baa la sahansaday
Suldaankii qarnigu
Dulucduu ka sii tegey
Sahaloow! ku soo durug
Madduugoobin sadarkii
 
"Dugsi maleh qabyaaladi,
Waxay dumiso mooyaane".
 
Sugnaantiisa baydkaa
Inuu saaka noolyahay
Soomaalidaa la weydiin!
 
Dhammaad
Diyaariye: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
 
 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.