Fortsätt till huvudinnehåll

Reer galbeed halkay u tahriibeen (Ma oge talladuu goostay , Ma Mooga gurigay furayso


Mooge waxaa uu maddaxa la galayaa gu’gii 19aad waxa uu ku jiraa dugsigii sare oo kaga jiraa fasalka 4aad, reerkoodu waa qoys meel dhaxaad ah dhinaca dhaqaalaha waxaanay diyaar u yihiin in ay ka gudbaan marxalad kasta oo soo wajahda. Balo laba qad ah lama arag ayaa la yidhiye wax ay qoyska ay ugu darnayd markii inannkoodii Mooge la yimid in uu goostay socdaal dheer oo uu ku maraayo waddamo baddan oo qaaradda afrika ka mid ah dabadeeto halkaasi ka galaayo qaarad kale oo la yidhaa yurub, Isagu  (Mooge) habeena kumuu seexan tahriib ama inuu bandarkooda(magaalada) ka tago ee qaar baas oo inkaar qaba oo nolasha ka aayo waayay ayaa ku dhaliyay fikirkaasi xun ama cudurkaasi tahriibta.


Qaar kale oo ay asxaab ahaan jireen oo ay isku dugsi ahaayeen kubaddana wadda ciyaari jireen ayaa intay tahriibeen  ardaayadda (website) layskala xidhiidho sida facebook soo dhigeen sawirro ay kusoo galleen meello qurxoon ama baraf leh barafkaaba kala dhac goormuu barafkiina qurux noqday, kuwaas ayaa hiyi kiciyay Mooge caruuray ba’. Istaaqfurulaha caruurtu halkay joogtaa, waa Nin wayn oo gadh iyo gafuurba le Mooge waxa uu usoo kiciitimay xaruntii tahriibta iyo hoygii rafaadku ka bilaabmaayay, ee Addis Ababa.Addis waa meel ay joogaan ugu yaraan 330 qof oo tahriibayaal ah ama laga soo celiyay xuduudka Itoobiya iyo Suudaan.

Mooge waxa uu kusoo rafaaday kuna soo dhibaatooday iyada oon la’is gaadhinba intii uu dhexda uu kusoo jiray, ee uu usoo socday addis ababa  oo mar walba la waydiinaayay sharcigiisii , markii uu soo gaadhay hoygii tahriibta ayaa markiiba qaar halkan tuban oo mukhalasiin ah ( kuwa dadka tahriibiya) ay kaxaynayaan inta ay u maleeyaan inay tahriibaysa oo ay geeyaan meel ay seexdaan, sidaas oo kale ayaa Mooge markiiba lala booday oo gacanta lagu dhagay ayaa la geeyay hotel  hudheelaa HAA  hudheel ayaa la gaynayaa maalinta ugu horaysa si ficana waa loo soo dhawaynayaa kharrashaadkiisiina laga bixinayaa wixii cunto ah iyo kharrashkale wuxuu qabayba. Maxaa uga dambeeya laakinse waa laga matajinayaaye isla marka sidaa loogga qaato lacagtii tahriibta ee uu ku gaadhaayay xadka suudaan ayaa laga kaxaynayaa hoteelkii uu ku jiray oo la gaynayaa meel Ilaahay ogyahay qoobad yar ah koonnaha magaaladda ku taal  oo layskugu keennay boqolaal tahriibayaal ah Addis ababa waa badhtamaha dal waynaha Ethiopia xadka suudaan waxay isku jiraan qiysaatii ( 820 kiiloomitri) Mooge waxa uu ku daalay kuna wareeray jidkii u dhaxeeyay deegaanka somalida iyo  hoyga tahriibka ee addis ababa  waxaana ka horeeya intaas oo dhul ah oo dheraran dhibtiisana wata.

Hadda Mooge laftiisa wax iska badalay go’aankiisii ma jiro ee haddana xaaladiisu ma dagana waxaana loo diyaar garoobay socdaalkii dheeraa ee suudaan lagu gaadhi lahaa waxa lasii habeen dhaxaba Mooge iyo raxan kale oo tahriibayaal ah waxay gaadheen xuduudkii suudaan iyo itoobiya jabka ugu wayni waxa uu ka bilaabmayaa marka lagu qabto xadka isaga iyo raxan kale waxaana ka badbaadaaya xadhigaasi, dhowr kaliyaata badbaado maahee waa ayaan darre usii koradhaye  Mooge waxaa lagu xidhayaa meel maddow oo qadhmuun, ibnu aadan ayaad jeedaaye aan lagu xarayn xoolaha, marka saddex caano maal laga maqnaado ayaa loo keenaa dhaaboo (furin,roodhi) qalashay oo adkaatay markay Mooge iyo asxaabtiisiiba halkaasi ku jiraan Moog (todobaad, wiig)  oo ay ku hooggaan calaacal iyo dibno qaniin ka bilaabayaa kuna dhibaatooday isagoo Mooge   ayna xaafadihii ka war haynin halka uu jaan iyo cidhib ku dambeeyay loona sheegay inuu addis ka baxay 11 casho ka hor  ayaa loo soo gudbinayaa jeel ku yaal Addis halkaas ayuu ka bilaabayaa haddana xidhnaan iyo jeel ku jirid qaadatay 47 maalmood oo xidhiidh ah.

Intaa ka dib waxaa dhacaysa in la hor keeno maxkamad ku taal addis dabadeeto halkaasi lagu xukumo ganaax baddana laga qaado markay intaas dhacdo ayaa la raacinayaa askar gaadhsiisa ilaa xadka ay ka soo galeen ama ilaa xuduuda wajaale. Darreenkaasi iyo mid intaasi ka balaaddhay oo gaadhay khatar dhimasho oo ay dhalinyaro baddan ku leedeen oo ay ku dhinteen badda  ayay ku dhalatay ayaan filayaa tixda uu ku farroyaraystay abwaanka dhalinyaradda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” ee galliilyo  maansadii oo dhamina waa tan:

Ifkay gogoshiisu hawl tay
Ogow galab noolba waa shil
Ma oge taladii u goostay
Ma oga gurigay furayso
Galiilyada moog dambaysa.
Naftana hungraa gadh qaada
Cakuye damacaa ku guura
Haddana godobtiyo lurkeeda
Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
Ogow garashaa u qoollan.
Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baajo
Ishaa gabadheed ma daaho
Ninnaba gabbalkii ma waaro
Wax aan hubo geeri kow dheh.
Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
War geediya oo I qooma
Geddaafo wacaal xambaarsan
Dhegtaydu maxay guddoontay
Intaan tebay gaan la waayey
Maxaan murugadda la goohay
Barbaartii iga gablooshay
Kuwaan guruxyada u belay
Markaan godobtooda raadshay
Gunaadiyo ciil gadhoodhay
Miyaan gocashadda ku qoomay,
Bad gawliyo gacanka xeebta
Miyaan gooddiyey guhaadshay
Gartayda miyaan bilaabay
‘haddaad maxastayda gawrac
Badyahay kaga gooban weyday
Inaad bir ma geydadayda
Sidaa u gashaa gar maaha
Alleylehe waad gumowday!!
Geshaan kugu leeyey qaana
Gar qaado ha soo gignaane
Ilaah naaraha ku geeye
Adaa gadhmadoobahayga
Haweenkiyo gaaridayda
Ku gaasira meel go’doona
Gudhoo galabtaba abaadso
Biyuhu gororoo ku gawdhshe
Gawaan noqo meel garoona
Dhul geedigu galab caraabo.’

Intay guuxday gigleysay
Hirkiyo doobtay garaacday
Waxay tidhi ‘guurowgaagu
Gefiyo waa igu geddaafo
Ma geyo godobtaad I saartay
Aweytida aad ganayso
Miyaan galabsaday bal kaadso

Adoo geyigaagu liito
Hadduu sahankaagu gaabsho
Hadduu samirkaagu guuro
Qaneecaadkuna gabnoobo
Quustoo kugu geylamaysa
Garaad hirilaa ka seexdo
Miyaan geerida shinkeeda
Horteed geedigu ku geynin?

Hablaha guday ee tahriibay
Hir gaatamayaa idleeyey
Geed ay cuskadaana waayey
Markii gacal baajin waayey
Shariidku miyuu gasiintay?

Intuu saxaruhu go’doonshay
Halyey lagu giirtay fiicni
Intee xabsi lagu gumeeyey
Gashaantimo wada quraysha
Intee guuleed tisqaaday
Raqdiisii haad ku goohay
Dhashii guuluhu ku siiyey
Dugaagu muxuu ku guusay
Markuu huudhigu geddoomay
Markay goglanayd barbaartu
Kalluunku miyuu galiilyo
Ilmadda ciil gabbax ka siiyey
Tiiyoo xeebaha goshooda
Meydkeenii galangalcoobay
Miyaad garan weyday kaadso.

Xasuuqa tahriibku geysto
Gummaadiyo geeri foolxun
Hooyooyinka weerka goostay
Shilkani kugu gaaf wareegay
Waxuunbaa laga guntaaye
Miyeydaan kaba gabboobin?
Gu’goo da’ay oo gadooday
Gudgude soo gallab caraabay
Markay galawgiyo jugleydu
Ka yuusaan gelida kaynta
Miyaan garashadu dhigaynin
Dasada gibilada ku giiji?
Geeliyo geesley lo’daada
Halkii gelmi iyo dugaag le
Gelgelin gawsaha hungaysa
Miyaan garashadu dhigaynin
Inaad waaberi ka guurto?

Adoo gurigaagi iibshay
Haddaad gabankiina weydo
Adoo gebogebo u yaala
Haddaad dhiilada guddoonto
Wedkaad gini siisataaye
Haddaad geerida la jaarto
Hadduu maalkaagu gooyo
Intuu aadmigu ka giigay
Kolay waa galabsigaaye
Maxaad gocashada ka toosin?

Garwaaqsaday inan taraaray
Guddoon xaal idhi bal qaado.

Sareedaddu may guddeene
Barbaartuna may go’deene
Badweyn iskuma gureene
Xil baan gubin kaad u dhiibtay
Xal muu garan aayatiinle
Xaq muu gudin aad sugaysay
Halkaad u golleyd ma geynin
Hayaankiyo geedigaaga
Guubaabana wuu ka seexday
Inuu galab nool tibaaxo.

Guulguulka naftaa ku oogan
Dhalaankani sii gurmaaya
Hankaa laga wada gumaystay
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu aadmigu u guuray
Rajada gibilbaa ka saran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahaybaa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabagabaysay.

Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go'aysid
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna
adiga geyigaagu waa kan.
Gobaad tahay moog inteeda
Gargaara faray ka hoogtay
“ku eeg gabargaal horataada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhalaanbaa kugu gedaaman
Gidaarada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xilbaa guudkaaga saran
Kawayn goosoo dhaqaaji.

(qorrmo kooban, Tahriibayaal aan la kulmay )

Qarrnigii 20aad dhamaadkiisii ayay ahayd markii ugu horaysay ee laga maqlo gayiga soomaali dagto kalmadda  tahriib, taas oo loo la macno ah socddaal ama baxsad. 1980 maadkii ayay hayd markuu abwaanka wayn ee somaliyeed maxamed ibraahim warsame hadraawi uu ka tirrinaayay tix maanso ah oo la yidhaa (Baaq)   waa kii lahaa:

Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan
Balcad Jawhar Shalanbood
Barakada Qoryooley
Waxa canab bislaadee
Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?
Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh
Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin
Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.

WAA MAXAY TAHRIIBKU?

Tahriib  ama socdaal laga socdaallo deegaanka uu Alle kugu abuuray ama inta umadda aad la dhalatay ku nooshahay ee aad haybta guud wadaagtaan sida Somali ,Carab , Xabashi, Indonesian, IWM ah  ee looga socdaalaayo sababo baddan ama cayiman dartood ayaa la yidhaahdaa tahriib
Maxaa sababa tahriibka

1. Gumaysi maskaxeed:
Da’ yarta oo laga gumaysto maskaxdda
2. Qofka  oo aan aaminsanayn dhulkiisa
Qofka oo aan aaminsanayn dhulkiisa isagoo ku sababaynaaya inuu ku badasho nolol ka roon ta uu ku suganyahay ee ka jirta dhulka uu joogoa ama aan isku dayin inay dhulkooda wax ka soo saartaan ama xirfaddo samaystaan ,
3. Niyad jab kaga dhaca nolosha la dagaalankeedda
Niyad jab ku dhaca dhalinta oo gul guuldarasata in ay la jihaaddaan nolosha dhabta ah ee ka jirta deegaanka ay ku noolyihiin ama duruufo qalfasan oo ay u adkaysan waayeen waxay ka mid tahay sababaha keena tahriibta

4. Shaqo la’aan baahsan
Shaqo la’aantu waxay ka mid tahay sababaha ugu baddan ee dhalintu ku sababayso waxyaabaha ku dhaliya tahriibta, waanna qodobka ugu horeeya ee aad ka maqlayso markaad su’aasho da’ yarta tahriibaysa
Xal maxaa u ah qodobadaasi
1. Wacyi galin
Wacyi galin aad u balaadhan oo loo sameeyo da’yarta iyaddoo la adeegsanaayo sida warsidayaasha(radio,jariirad,website) waalidka,macalimiinta culimada iyo dawaladuhuba waxay ka qayb qaadan karaan in ay wacyi galiyaan dhalinyaradda iyagoo u sheegaaya khatarta ay leedahay tahriibtu

2. Shaqo abuur

Shaqo samayn ama shaqo abuur la sameeyaa waxay yaraynaysaa in qofka uu ku dhasho tahriib, iyada oo dawladu la kaashanaysa haayadaha iyo dhamaan ganacsatada in ay samayaan shaqooyin lagaga gabado dhalinta socdaalaysa. Abwaan Xasan daahir ismaacil weedhsame isagoo ka hadlaaya dhibaatadda tahriibtu lahayd waa kii ku lahaa maansaddiisa Galiilyo

Qormaddan intaan ku jiray qoraalkeedda wax aan indhahayga ku arkay kontameeyo(50) dhalanyaro ah oo tahriibaysa una badan ubixii soomaali usoo kacaayay da’dooduna ay u dhaxayso 18 ilaa 26.
Ilaahay igu ogyahay annigoo qoraaya qormadan waxaa isoo galay saddex hablood oo tahriibaaya waanan hakinayaa waanan bal waraysi tagayaa. Alle ha sahle sheekaddii na dhex martay waxay u dhacday siddan
Salaamu calaykum ?

Wacalayskuma salaam
Haye maxaa la sheegay?magacaygu waa maxamed
Waa nabad
Maxamed: magacyadiina ii sheega
Waar ma mukhalaskiibaad tahay(ka wax tahriibiya)  maxaad naga waydiinaysa magacyadayadda …….. Mid kale ayaa la soo booday waar magacyadaasi aad sheegayso xadkii wajaale ayaanu kaga nimid…
Maxamed: Haye qiysaatii waad tahriibaysaan ayaan filayaa?
Hablihii: mar qudha  HAAAA
Maxamed: dalkii ma colaado ayaa laga soo sheegay mise way ka jireen
Hablihii mid ka mid ah Haa ayay ku jawaabtay
Mid kalena mayee xaqsoor ayaa lagaga shubtay
Mid kalana way qososhay .

Iyadoo halkaas noo marayso ayay hablihii mid ka mid ah la soo wacay ku’ te halloow hooyo , alla naxdin waynaa waxaan ka naxay in hooyadda soo wacaysaa ay ku dul ooyi doonto oo ay odhan doonto hooyo soo noqo duco iyo habaar kala dooro sida inoo caadadda ah hadaynu nahay soomaali laakinse hadalka waxaan ka dareemay in inantan laga soo amba bixiyay xaafadooddii waayo waxay inantii ugu jawaabtay hooyadeed inta aan maqlaayay haa hadda addis ababa ayaan joogaa ilaa barri ama galabta ayaan baxaynaa. Waan naxay waanan u dhawaadday waxayse hooyadu soo leedahay hooyo waan idiin soo ducaynayaa ee intaad joogtaan addis ha isku hadlina cidna ha doondoonanina , Subxaanka yaa cadiim markaasaan soo xusuustay heestii hooyo ee abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ee ahayd

“Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa..”


Sheekadii na dhex martay dib aynu ugu laabanno ..
Maxamed : xaafadihii way idinla ogyihiin ayaan waydiiyay
Hablihii: haa iyagaa(xaafadihii) na soo saaray gaadhigii
Maxamed: imisa ayaydun wajaale kaga soo baxdeen tahriibaaya
Hablihii: Todobba ayaanu ahayn hargaysa ka soo baxay iyo shan kale oo aanu jigjiga iska soo raacnay oo ah reer boorame
Maxamed : haddii maanta la idin yidhaa halkan addis ababa waa yurub oo waydun soo dhamaysateen safarkii iyo tahriibkii maxaydun samayn lahaydeen ?
Mid ka mid ah hablihii: waxaanu tagi lahayn xerooyinka qaxoontiga
Mid kale oo ka mid ah hablihii waar naga tag moojidaadee
Mid kale waar kan malaha waa dhag (basaas) mar dambe ha u jawaabina su’aalo ayuu gadhka inoo galiyaybee
Maxamed : Ma ihi basaas arday ayaan ahay
Maxamed: idinkoo runta ii sheegaaya sababaha ugu wayn ee aydun u tahriibaysaan waa maxay ?
waxay yidhaahdeen sababta ugu wayn waa camal la’aan oo aanu shoo shaqaysano iyo yurubtan laanoo faaniyaa siday u eegtahay in aanu soo eegno
mid ka mid ah saddexda hablood oonaan waydiiyay maxaad tahriibaysaa?  waxay iigu jawaabtay Nin aan dhul marin dhaayo la’waxa ay ii  sheegtay da’deeda inay tahay 19 jir
waxa kaaga daran canbaadhyaha ku yaalla hablahaasi yaryar iyo quruxdooda.  Kama muuqato dhib inay soo mareen ee waxaad wajigooda markaaba ka dheeganaysaa inay ahaayeen hablo xaafadahoogii iyo guryahoogii iskaga soo cararay , waanna ayaan darro ku dhacaday dhamaan bulshadii soomaaliyeed una baahan in si dagdag ah looga wacyi galiyo loogana hor tago arintaasi
dhalinyaradda waxaan u sheegi lahaa bal suuraysta dhulkiina oo ah sida yurubta aad ku yaacaysaan ee aydun jidadka qaldan u maraysaan.  Waan hubaa in inta la idinku sheegay yurub iyo in ka badanba aad ka helaysaan dhulkiina hooyo waxaan kusoo gunaanadayaa qormadan   Reer galbeed(Yurub) halkay u tahriibeen iyaggu markii hore, way ka shaqaysteen wayna horumariyeen iyaga oo maskax iyo maal iyo muruqba galiyay dhulkoodda fikir oo falaanqee nolosha bulshadaadda umadu addigay kuu baahantahay cid kale ma sugayso

Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go'aysid
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna
adiga geyigaagu waa kan.
Gobaad tahay moog inteeda

w/q M.M Tiyo
Tiyo043@hotmail.com












Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.