Fortsätt till huvudinnehåll

Aanadii Negeeye - ''Boogihii daboollaa, buug weeye daah-furay!'' W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey) Feb 11, 2007




Buugga la magacbaxay "Aanadii Negeeye", oo uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed oo ku magac-dheer "Hawd", waa buug marka horeba muuqaalkiisu ka geddisanyahay buugaagta ku qoran afka soomaaliga. Waa buug lagu dheehay farshaxannimo, laguna daabacay aalad casri ah. Loona dooray xaashida u qalanta in lagu qoro sheekooyinka noocan oo kale ah. Waana buuggii iigu horreeyey ee u qoran si indhahayga soo jiidatay. Qofkasta oo arka buuggani, isma odhanayo waa buug ku qoran far-soomaali. Farshaxannimada iyo muuqaalka buugga marka aan intaa ku dhaafo. Waxaan jecelahay in aan dareenkayga ka dhiibto oo yara dulxaadiyo sheekada uu buuggu xanbaarsanyahay.



Sheekada buuggu waxay ku saabsantahay noloshii qofka soomaaliyeed kala soo kulmay Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Muddadaas oo ku jeeniqaaran laga soo bilaabo dhammaadkii lixdamaadkii ilaa burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Nolosha miyiga iyo ta magaalada ayaa isku dhafan oo kolba aad dacal ka daawanaysaa. Negeeye oo magacaba kula baxay reer geeddi ahaa oo dhalashadiisa u negaaday ayaa usha u haya sheekada. Maadaama oo nolosha miyiga iyo tan magaaladu ay kala jaad tahay, waxa ka muuqata qoraaga buugga qoray in labaduba u fudud yihiin ka hadalkooda.

       Aniga aragtidayda, qorayaashu waxay ku kala xariifsanyihiin, muujinta iyo sharraxaadda deegaanka ku xeeran, goobta uu ka hadlayo. Haddii qoraagu ka hadlayo, qof yar, mid waayeel ah, gabadh, wiil, reer miyi, reer magaal, ciyaal-suuq, wadaad, qof wanaagsan, qof xun. Waa in uu inta nooc ee bulshadu ka kooban-tahayba iska dhigi karaa oo sidooda u hadli karaa. Sida uu qoraagu ugu guulaysto isu ekaysiinta kolba waxa uu ka hadlayo ayaa akhristuhu u kala jeclaanayaa qoraaga iyo buuggiisa. Waxaan meesha ka madhnayn sarbeebta, hummaaga ama erayada uu adeegsanayo qoraagu. Xidhiidhka sheekada iyo isku xidhnaanteedu waa arrimaha u qaalisan ee laga rabo qoraaga. Waxaan isleeyahay, Ibraahin Hawd arrimahaas oo dhan wuu kasoo baxay. Weliba waa buuggiisii ugu horreeyey ee noocan ah.

      Buuggan la baxay "Aanadii Negeeye" wuxuu ku soo hordhigayaa, nidaamkii labaatanka sannadood dalka ka talinayey ee uu hoggaanka u hayey Maxamed Siyaad. Qoraagu wuxuu si sarbeeban oo aad u heersarraysa ugu garnaqayaa bulshada soomaaliyeed ee kala tirsanaysay aanooyinka ku salaysan qabyaaladda. Wuxuu hortaada soo dhigayaa sida bulshada soomaaliyeed ay u ahaayeen dad hanweyn, balse hankoodii la dilay hoosna loo dhigay. Wuxuu kuu muujinayaa sida loo adeegsado qabyaaladda iyo isu aarka ka fog diinta iyo dadnimada. Wuxuu sida dharaarta kuugu soo bandhigayaa, sida aanay dadka soomaalidu u fahmin waxa uu yahay qaran iyo qabiil. Laakiin dhinacyo badan ayuu qoraagu kolba daaqad ka faydayaa oo ku tusayaa khaladaadka dhexjiifa. Waxaad mooddaa inuu qoraagu ku leeyahay adiga iyo garaadkaa iyo cidda aad saaray-so denbiga iyo burburka dhacay.

      Lama waayayo dhalliil, oo buuggani maaha mid ka bedbaadaya dhalliilo. Waxaanse, isleeyahay ilaa sebenkan aynu joogno, in aanuu jirin qoraa sidaa-soo kale uga hadlay dhibaatadii ka dhacday dhulkii la isku odhanjiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sababtoo ah Ibraahin Yuusuf wuxuu ka dheeraaday inuu dhinac keliya khaladka saaro. Wuxuu saldhigga sheekada kasoo tuujiyey ninka la magac baxay Negeeye oo aad fahmi karto nolasha uu soo maray in aanay ahayn mid uu naxariis iyo wanaag ku xasuusto. Maadaama oo noloshiisii carruurnimo ay noocaa ahayd, waxa hubaal ahayd in uu samayn doono waxkasta oo arxan darro ah.

        Qoraagu wuxuu si geesinimo ah ugu badheedhay inuu daaha ka qaado xumaan badan oo dhexmushaaxda bulshada dhexdeeda. Inkastoo aanay ka madhnayn aragtida qof ahaaneed ee qoraaga, haddana waxa habboon in aan qiro inuu waxyaabo badan isku deyey si dhexdhexaadnimo in uu wax uga sheego. Waxa taa u marag ah sida uu isu barbar dhigay Negeeye iyo Raage oo ay ilma-abti yihiin. Sida ay xataa guri ugu soo wada noolaayeen, sida ay u kala qaadeen laba waddo oo kala fog. Taasi waxay dhanwalba ka faydaysaa, dhibaato jirta iyo qaabka bulshadu ugu garnaqayso labadaa nololood ee ka dhexjiray dalka. Ugu danbayn waxaan leeyahay hambalyo qoraaga buugga qoray oo aan leeyahay, waxaad daahfurtay wax badan oo daaha hoostiisa lagu qarinayay. Waxaana iga dhiiri gelin ah in aanuu qoraagu buuggaa ku ekaan ee uu buugaag badan bulshada soo hordhigo. Waayo, waxa ka muuqata qoraaga inuu hibo u leeyahay hab-qoridda sheekooyinka noocan ah.

Dhammaan bulshada soomaaliyeedna waa dhaxal u yaalla buuggaasi. Waxaana habboon in qofkastaaba akhriyo si aynu uga gudubno naanaysta innagu taal ee ah: Soomaalidu waxba ma akhrido ee waa dad tororog-ta ku wanaagsan.

Nabad iyo Caano
Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.