Fortsätt till huvudinnehåll

Ogeysiis: Sheeko iyo Shaahid: Baratan Suugaaneed – 2013 Tartankii 6aad

Bandhig

Redsea-Online Cultural Foundation iyaga oo duulaya fikradda aasaaska u ah ee ah jiritaankooda oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga, waxa ay soo bandhigayaan Kulankii Lixaad ee ku baratanka Sheeko Curinta Toolmoon, "Sheeko iyo Shaahid".


Sheekooyinka ka soo qaybgalayaa ma aha isku jeeddo e mawduuca sheekadu ku socoto waxa u madax bannaan qoraaga. Waxa se sannadkan lagu dheerrigelinayaa in qoraagu ku saleeyo sheekadiisa mawduuca sannadkan ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan ah “Socdaal”.

Waxa halkan ku lifaaqan xeerka Sheeko iyo Shaahid ee sannadkan 2013.

Xeerka

Baratanka "Sheeko iyo Shaahid" waxaa qeexaya xeerkan.
  1. Waxaa lagu tartamayaa sheeko Af Soomaali ku qoran oo aan hore loo daabicin. Ka qaybgalka tartanku waa lacag la'aan; waxana uu u furan yahay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 40 jir.
  2. Tartanku waxa uu u furan yahay Sheeko (dhacdo dhab ah amase male-awaal). Nuxurka sheekada qoraaga ayaa u xor ah. Waana sheeko aan hore loo daabicin (buug ahaan, degellada internetka, iyo wargays toona). Guddigu waxay dhiirrigelinaysaa sheekooyinka la xidhiidha mawduuca sannadka ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.
  3. Qofkastaa waxa uu ku tartami karaa hal sheeko oo kaliya.
  4. Waxa lagu tartamayaa Sheeko Gaaban. Qoraalka yaraantiisu lama laha xidhiidh ka qaybgalka Sheeko iyo Shaahid, mana siinayo, ama wax ka dhimi maayo, marka loo eego dhibcaha tartanka. Waxa la eegi doonaa oo kaliya nuxurka sheekada iyo qaabka dhigaalka. Qeexidda la siiyey Sheeko gaabani waa in aan qoraalku ka badnaan 36000 xaraf oo u dhiganta 20 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf boggiiba).
  5. Qoraalka waxaa lasoo raacinayaa waraaq gaar ah oo ay ku cadyihiin:
    1. magaca qoraaga (ama qoreyaasha),
    2. cinwaanka lagala soo xidhiidhayo (oo ay ku jiraan ugu yaraan nambarka aleenka gacanta (mobile) ama e-mail midkood),
    3. taariikhda iyo meesha dhalashada,
    4. magaca sheekada uu ku tartamaayo.
Waxaa kale oo waraaqdaa lagu soo qorayaa caddayn uu qoraagu saxeexay oo uu ku caddaynayo inuu u yahay qoraaga rasmiga ah ee sheekada, akhriyey, aqbalayna dhammaan farqadaha xeerkan.
  1. Habka iyo goorta qoraalka lagusoo gudbinayo:
      1. Qoraalka waxaa lagu soo gudbinayaa gacanta isaga oo daabacan oo aanay dusha kaga qornayn magaca qoraaga iyo astaan kale toona; waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa la soo raacinayaa gal xidhan oo ay ku qoran tahay warbixinta ku cad farqadda 5aad. Waxaa la keenayaa cinwaankan: Fidiyaha Aqoonta iyo Eereyga Dhigan ee REDSEA-ONLINE.COM, Daarta Oriental Hotel, Hargeysa inta ka horreysa 8.00 habeennimo ee 1/08/2013.
      2. Qoraalka waxaa iyana lagu soo gudbinayaa isagoo elegtaroonig ah (pen drive, floppy disk amase e-mail). Waa inuu qoraalku ku qoran yahay qorme caadi ah (text file editor, tex, MS Word, iwm). Waxaa bogga kowaad lagu qorayaa Cinwaanka Sheekada. Waxaa lasoo raacinayaa email gaar ah oo gudihiisa ay ku qoran yihiin dhammaan xogta ku cad farqadda 5aad. Waxaa e-mailka loo soo dirayaa inta ka horraysa 12.00 habeenimo ee 01/08/2013 emailka sheeko@redsea-online.com, loona dirayaa nuqul kale info@hargeysabookfair.com. Qofku waa inuu hubiyaa in e-mail kiisa la helay. Haddii aanu jawaabtaas ku helin muddo saddex cisho ah, waa inuu gacanta ka keenaa sida ku cad farqaddan sare. Haddii aanay suuro gal ahayn inuu gacanta ka keeno waa inuu ka eegaa cinwaanka internetka www.hargeysabookfair.com iyo www.redsea-online.com halka lagala soo xidhiidhayo tartanka oo teleefon u soo diraa.
      3. Qoraalladu waa inay soo gaadhaan Cinwaannada Xoghaynta (sida ku cad labadan farqadood ee qodobkan 6) inta ka horraysa 12.00 habeennimo ee maalinta Khamiista 1-da bisha siddeedaad 2013 (xilliga Somaliland). Wax allaale wixii soo gaadha xilligaa dabadeed, kama qayb galayaan tartanka.
  2. Qofkasta oo la aqbalo codsigiisa ka qayb galka tartanka waxaa la ogaysiin doonaa inta ka horraysa 2/08/2013 in uu yahay tartame; lanana socodsiin doonaa halka uu kala xidhiidhayo faahfaahin dheeraad ah.
  3. Guddiga Qiimaynta
  1. Guddi ka kooban ugu yaraan 3 qof (iyo ugu badnaan 5) ayaa loo saari doona qiimaynta Sheekooyinka; Guddigaasi waxay soo qiimayndoontaa darajada Sheeko kastaa hesho iyo ku guulaystayaasha kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad iyagoo aan ogayn cidda qortay sheekada.
  2. Darajadaasi waxay ku salaysnaan doontaa: bilicda suugaanta; heerka af soomaaliga qoran cilmi ahaan; xikmadda ka danbaysa sheekada; iyo tiraab wanaagga qoraaga.
  3. Tartame kasta oo toos ula xidhiidha guddiga qiimaynta inta aan lagu dhawaaqin go’aanka, waxay keeni kartaa lumis xuquuqda tartame.
  4. Ehelka tooska ah ee xubin ka mid ah Guddiga Qiimayntu ma tartami karaan, haddii aanu xubinta Guddiga Qiimayntu ka tanaasulin xubinnamadeeda marka ay xubintaasi ogaato in qof ehelkeeda ahi soo tartamay.
  1. Go'aanka Baratanka:
Guulayastayaasha tartanku waxay kala heli doonaan:
  1. Kaalinta-kowaad:
      • Astaan (billadda kowaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 200USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 100USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
  1. Kaalinta-labaad:
      • Astaan (billadda labaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 100USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 50USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
  1. Kaalinta-saddexaad:
      • Astaan (billadda saddexaad) oo qoraaga magaciisu ku xardhan yahay iyo abaal-gud lacageed oo ah 50USD oo kaash ah iyo hadiyad u dhiganta 25USD oo ah rasiidh uu buugaag kaga qaadan karo mid ka mid ah maktabadaha dalka ku yaal ee arrinka taageeri doona.
  1. Go'aanka Guddigu waa kamadanbays aan laga ashkatoon karin. Guddiga, oo ka koobnaan doonta xeeldheerayaal suugaanta iyo afsoomaaliga, waxaa si gaar ah loogu magacaabayaa qoraal kale oo kan ku xiga. Waxa lagu martiqaadayaa baratamayaashu in aanay haba yaraatee la xidhiidhin guddiga qiimaynta, xitaa si kamma ah u ogaysiinin mid ka mid ah Guddiga sheekadooda wax lagu garan karo. Eeg qodobka 8c.
  2. Bandhigga Go'aanka
  1. Ku dhawaaqista go'aanka tartanka waxaa lagu beegayaa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkan.
  2. Guulaystayaasha kaalmaha 1-3aad waxaa si gaar ah loogu martiqaadayaa Xafladda Bandhiga Go'aanka baratanka.
  3. Waxaa xafladda lagusoo martiqaadayaa warbaahiyayaasha waddaniga iyo kuwa kaleba.
  1. Xuquuqda Qoraalka (Copyright) ee sheekooyinka
  1. Xuquuqda Abuurka Qoraalka (intellectual property copyright) waxay mar kasta u dhawran tahay Qoraaga Sheekada.
  2. Sheekooyinka tartanka ka qaybgala oo dhan maamulka tartanku wuxuu kusii faafin karaa, kuna daabici karaa buug ahaan ama ku soo saari karaa wargaysyada, degellada internetka, joornaallada iyo si kasta oo uu maamulku markaas u arko wanaag, isaga oo markasta xusaaya lahaanshaha sheekada ee qoraaga hal abuuray iyo inay ka qaybgashay tartankan.
  1. Ka qaybgalka tartankani wuxuu kufarayaa oggolaanshaha farqad kasta oo xeerkan ka mid ah. Faahfaahin dheeraad ah ka eeg:http://www.hargeysabookfair.com amase http://www.redsea-online.com ama http://www.kayd.org amase u qora email info@hargeysabookfair.com.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.