Fortsätt till huvudinnehåll

GORFAYN: BUUGGA LA MAGACBAXAY "HALGAN IYO HAGARDAAMO" EE UU QORAY KORNAYL, CABDILAAHI YUUSUF AXMED.




Bismillaahi al-Raxmaani al-Raxiim
 
HORDHAC:
 
Buugga aan qalinka u qaatay waa buug dhawaan soo baxay, oo uu qoray Kornaylka dhulka soomaalidu degto laga yaqaan, Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Buugga waxa la yidhaahdaa oo uu ugu wanqalay "Halgan iyo Hagardaamo". Waxa ku qoran in la daabacay 2012, balse waxa uu soo baxay 2011ka. Waa buug tayadiisu aad u sarrayso, marka laga hadlayo dhanka muuqaalka. Jeldigiisu waa mid adag (hardcover), si yar kuma duugoobayo. 

Jeldiga waxa ku sawiran Cabdilaahi oo aan malaynayo in uu qudbad ka jeedinayey Qaramada Midoobay. Qaabka qoraalka iyo fahamkiisuba aad ayuu u fiicanyahay oo waad dareemaysaa in hawl badani gashay. Waxa kaloo aad dareemaysaa in dhaqaale badani galay. Isku soo wada duuboo, waa buug lagu farayaraystay dhanka muuqaalka iyo tayadiisaba. Dabcan marka buug laga hadlayo qasab maaha in ay isku mid noqdaan muuqaalka buugga iyo farriinta uu gudbinayo. Waxa dhici karta buug aan muuqaalkiisu ku deeqin in farriintiisu ku deeqdo ama mid muuqaalkiisu ku deeqo oo farriintiisu aanay ku deeqin. Waxa aan ka mid ahay inta aadka u jecel wax ka ogaanshaha taariikhda dadka soomaalida meel kastaba ha joogeene. Waxa aan xiiseeyaa, qoraalada xanbaarsan taariikhda. Inta badan, buug kasta waxbaan kaa faa'iidaa. Inta aanaan u gelin buugga, aan marka hore afeefto.
 
AFEEF:
 
Runtii ma fududa in aad gorfayso, buug xanbaarsan arrimo aad u ballaadhan oo isugu jira taariikh ama dhacdooyin soo maray dad iyo dal, taariikh-nololeed iyo ra'yi qof leeyahay. Sidaa awgeed, buuggani waxa uu isugu jiraa taariikh guud, mid gaar ah iyo ray'i qoraagu uu qabo. Waxa aan jecelahay in aan buugga ku eego indho caafimaad qaba, oo aanaan ku miisaamin sida ay dad badan u arkaan Cabdilaahi Yuusuf---qof ahaan, taasoo aad loogu kala tagganyahay, oo aad odhan kartoba magaca buugga ayaaba qeexaya Halgan iyo Hagardaamo. Waxaanaad mooddaa buugga magaciisu in uu ka koobanyahay laba erey oo kala ah Halgan iyo Hagardaamo. Waxaa hubaal ah in dad badani u yaqaanaan kornayl, Cabdilaahi nin hagardaamo badan, inkalena kollay waxa ay u yaqaanaan halgamaa. Sidaa awgeed baanay u fududayn in aad gorfayso buugaagta jaadkan oo kale ah. Buuggu waxa uu soomaalida uga dhiganyahay geelii la kala dhici jiray, ee gar iyo gardarroba la iksu barbar istaagi jiray TOLKA!. Gorfaynta aan sameeyaana, waxa laga yaabaa in ay dadka qaar u arkaan in aan weerar ahay ama difaac aan difaacayo weerarka ku jira buugga.
 
Waxaanse anigu is-leeyahay, cidna weerar kuma tihid, cidna ma difaacayo, ee aragtidayda iyo waaya-ragnimadayda iyo taariikhda inta aan ka hayo ayuunbaan wax ka odhanayaa. Waxa kaloo aan ka afeefanayaa, buugga oo aad u weyn, kana kooban 428 bog, in aanaan ka wada gaadhi karin gorfayntooda, balse meelaha aan ka doortay in aan wax ka idhaahdo, waa qaybo si toosa u saamaynaya taariikh-da ii guntanayd, sidaa awgeed sidii aan maqlay in aan sheego waa lagama maarmaan. Waayo, qoraaga buugguba inta badan wax uu maqlay uun buu ra'yigiisa ka sheegayaa, siina faahfaahinayaa, oo caddayn uu inna soo hordhigayo ma jirto---aan ka ahayn meelaha qaar. Inbadan oo buuggan aragtay, ayaa qaba in aanuu Cabdilaahi qorin buuggan, ee loo qoray, oo farriimo badan lagu darsaday. Aniguse waxa aan xukumayaa uun sida buugga ku qoran oo ah in uu Cabdilaahi qoray. Sidaa awgeed, buuggan qoraaga qoray aniga waa ii Cabdilaahi Yuusuf.
 
SIYAASADDA GUUD EE SOOMAALIDA
 
Inakastoo qoraagu, uu waayarag yahay xilligan uu qoray buugga, haddana waxa ka muuqata in aanuu ahayn qof si ballaadhan u fahansanaa dhaawacyadii gaadhay geeddi-socodkii siyaasaddii soomaalida. Iska daa in uu fahansanyahaye, weli waxa uu durayaa oo weerarayaa beelo ka mid ah beelaha soomaalida, oo uu u arko in ay qaldanyihiin. Haddii aad aragto, qof eedaynaya beel ama beelo, ma bisla, sidaa darteed marka horeba buugga waxa tayada qoraalkiisa dhulka dhigay, xanafta iyo weerarka uu si qaawan u weerarayo beelo. Sidaa awgeed maba odhan karno, waa buug oday ruug caddaa ahi qoray, ee waxa aad u qaadanaysaa in aad fadhido mafrish qaadka lagu ruugayo, oo fadhi ku dirirka caadada inoo noqday aad ku dhexjirto. Waxa aan sidaa u leeyahay, qoraagu maanta, waa nin da' ah, sooyaal dheerna ku leh taariikhda soomaalida. Inkastoo sidaan hore uga afeeftay ay dad badani u yaqaanaan, magaca buuggaba loo bixiyey ee Hagardaamo, haddana waxa jira inkale oo u taqaan Halgamaa, sida magaca buugga ku xardhan. Waxa faa'iido badnaan lahayd in uu diiradda saaro meelo kale---waxa ay soomaalidu tidhaahdaa "oday reer u weyn iyo naag, naago ka ummulisay midna sida uu wax u ogyahay uma sheego". Qoraagu, isaga oo innooga warramaya Ilaahay ha u naxariisto'e Maxamed Faarax Caydiid, buu inna leeyahay markii uu jeelka ku jiray saabuunta ayuu cuni jiray, oo wuu khafiifay, oo wuu qaylin jiray. Maan garan faa'iidada ku jirta, nin aad saaxiib ahaydeen, oo aad wada xidhnaydeen, in aad sidaa qoraal dhaxal gelaya aad ku dhigto. Run iyo been ta ay tahay Ilaahay baa og, laakiin maxaa faa'iido ugu jira akhristaha? Taariikhdii soomaalida ee gebidhaclaynaysay ayaa dhaantay in uu qoraagu xoogga saaro oo uu si kooban uga warramo. Dabcan jeelka iyo Waayihiisa, in uu wax ka sheego oo ka warramo ma diidin, oo waa hubaal in wax farabadan oo naxdin iyo farxad labadaba leh ay soo mareen intii uu jeelka ku jiray. Balse Cabdilaahi isagoon wax kale, innooga sheegin jeelkii, oo inna xiise geliya ayuu intaa marxuumka ku saabsan innooga dhigay dhaxal. 
 
Dhinacaa siyaasadda, waxoogaa aan ka faa'iiday way jiraan, oo tusaale ahaan marka uu qoraagu faahfaahinayo SYL iyo sidii ay u doonaysay in aan talyaanigu soo noqon iyo soo celintii xirfadaysnayd ee talyaaniga la soo celiyey. Dhacdadaas oo aanuu qoraagu faahfaahin, balse waxa aan ka faa'iiday in magacii hore ee maamulkii talyaaniga laga bedelay oo magac cusub loo bixiyey. Waxa aanse jecelahay, in aan halkaa is dultaago, oo aynu isweydiinno maxaa soo celiyey talyaaniga mar haddii ay SYL diiddanayd in talyaanigu soo noqdo? Maxaa ka dhigay talyaanigii gumaystaha ahaa in uu noqdo saaxiibkeennii koowaad? Waa isbeddel ay maafiyada talyaanigu ka shaqaysay oo u baahan in wax laga qoro oo la caddeeyo SYL in ay ahayd labo--- tii hore iyo tii danbe oo lid isku ahaa. Waxoogaa dhanka ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed ayuu qoraagu, wax ka iftiiminayaa. Inkastoo uu indhahaba ka lalilanayo qaybtii Somaliland oo xataa aad mooddo in magacu ku dhib yahay qoraaga. Waxa uu kornaylku, caddaynayaa in talyaanigu aanuu lahayn beryihii danbe milleteri ee uu lahaa uun boolis, taasoo aynu odhan karno milleterigii dhanka Somaliland ka dhisnaa ayaa ka hor dhismay ciidankii milleteriga ee Somaliya.
 
AFGENBIGII 1961KII IYO SARAAKIISHII KA SOO JEEDDAY SOMALILAND
 
Afgenbigani waxa uu ka dhacay Somaliland bishii Desembar ee sannadkii 1961---waa uun saannad ka dib markii la isku daray labadii dal ee Somaliya iyo Somaliland. Sida uu qoraagu ka sheekaynayo, waxa uu ahaa sarkaal ciidamadii xoogga dalka ka tirsanaa. Waxa uu ahaa taliyihii aagga Burco, waxaana qabtay oo gurigiisa ku xidhay ciidankii afgenbiga sameeyey. Qoraagu in uu fahamsanaa oo uu ka badheedhayo iyo in aanuu fahamsanaynba ma kala cadda. Laakiin waxa uu tilmaamayaa in uu la yaabannaa----Runtii maan garan sida uu fikirayo qoraagu marka uu leeyahay: "Dad miyir qaba mabay ahayn in ay xilligaa ku fikiraan afgenbi" intaa waxa aan ku dhaafayaa labadan bayd ee ka midka ahaa maansadii Muqdishiyo Hargeysaay, ee uu curiyey M I Warsame (Hadraawi) ---" gartu waa maroortaa, xaajadu mutuxanaa, mirta yaa isku ogaa? Mirta waxa isku ogaa, xilligiyo mudducigii, muddadiisu laallayd. Intaasaan ku dhaafayaa sida uu uga hadlay Afgenbigaas, oo aan isleeyahay haddii bilawgiiba wixii la kala tabanayey la sixi lahaa aanay maanta farahaba ka wada baxdeen soomaalinimadii, iyo higsigii fogaa ee ummadda soomaalidu ku hammiyi jirtay. Waxa kale oo uu Kornaylku carrabka ku xejinayaa qalinkana ku adkaynayaa in nimankii Agenbiga sameeyey oo uu ka xusay Cabdillaahi Koongo iyo Xasan Kayd iyo Cawil Cali Ducaale aanay mudnayn in la sii daayo. Afka kumuu dhufan laakiin in xukunka ugu adag la mariyo ayey mutaysteen buu aad ugu celcelinayaa. Waxaa na sii daayey siyaasiyiin ka soo jeeday Waqooyiga oo uu hormood u ahaa M I Cigaal waa sida uu qoraagu inna leeyahay. U fiirso, dal midaysnaa sannad qudha, oo mar keliya la dulgeeyey saraakiil milleteri oo kacdoonkani ka dhashay---ma in la fahmo sababta ayaa habboonayd mise in la gawraco raggaas? Akhristaha ayaan u daayey, waana meelaha aad ku fahmi karto sida aanay u soo iftiimayn midnimo soomaaliyeed oo danbe. Waayo waxaan jirin baadhitaan la baadho wax kasta oo dhaca oo weliba lagu eego indho fayaw.
 
NFD, WAXA BIXIYEY MAXAMED XAAJI IBRAAHIN CIGAAL
 
Qodobkan marka uu ka warramayo qoraagu, wax caddayn ah innama soo hordhigayo aan ka ahayn tuhun. Laakiin waxaabuu inoo sheegayaa qodobadii uu heshiiska ku soo galay M I Cigaal oo daabacan, ahna in dagaalada la joojiyo oo markaa ka socday deegaanka soomaalida ee Kenya. Nuxurka heshiisku waxa uu ahaa uun in bal marka hore la soo celiyo wada hadalkii oo si deggen looga wada hadlo arrimaha NFD. Waxa kaloo uu qoraagu inoo sheegayaa in heshiiskaa ay ansixiyeen baarlamaakii dalku lahaa. Bal u fiirso, in baarlmaankii ansixiyey heshiiskaa iyo nin baa bixiyeyey NFD wax is daboolaya maaha. Ilaahay ha u naxriistee M I Cigaal, waxa uu ahaa Raysalwasaarihii dalka, laakiin waxa jiray madaxweyne dalku lahaa. Yaa awoodda lahaa ma raysalwasaaraha mise madaxweynaha oo markaa ahaa Ilaahay ha unaxariistee Cabdirashiid Cali sharmaarke? dawladdu se ma waxay ahayd mid kelitalis ah mise baarlamaan bay lahayd? Jawaabtu waa ay fududdahay oo qof keliyi xilligaas go'aanka muu lahayn. Waxaa se ka muuqata buugga in uu qoraagu magac ugu samaynayo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo markaa, aad u diidanaa arrinkaas iyo guud ahaanba xukuumaddii markaa jirtay. Qoraagu waa Cabdillaahiye, mar wuxuu difaacayaa Cabdirasaaq isla waxyar ka dibna wuu eedaynayaa Cabdirasaaq X Xuseen oo xataa waxa uu tibaaxayaa nacaybkii uu u qabay xukuumaddaas in lagu tuhmay dilkii IHN, madaxweynihii dalka oo ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke---markaad eegto qoraalka is dabraya waxa aad odhanaysaa malaa waa ay ka qasantay qoraaga oo dhan uu qaladka saaro ba wuu garan la'yahay. Dhinaca kale markaad ka eegtana waxa aad odhanaysaa ma M I Cigaal ayuunbuu la jeclaystay in uu eedda intaa le'eg la tiigsado? Ma kala cadda, waxaase muuqata in aanuu kaba fiirsan waxa uu qorayey.
 
Mar la weydiiyey Maxamed I Cigaal, oo BBC du wax ka weydiisay heshiiskaa waxa uu sheegay in ay beddeleen siyaasaddii cakirnayd ee ka horraysay oo uu Raysalwasaaraha ka ahaa Cabdirasaaq X Xuseen. Siyaasaddaas oo keentay dagaallo iyo dhibaato ku dhacday dadkii soomaaliyeed ee deegaanadaa deggenaa, isla markaana aan lahayn horumar laga gaadhi karayey baadigoobkii loogu jiray helitaanka NFD. Kornayl Cabdillaahi, waxa uu caddayn innooga dhigay in uu M I Cigaal, heshiis la galay Ingiriiska oo uu dano gaar u ahaa u ballanqaaday. U fiirso xilligaa waxa laga saaray dalka Ingiriiska oo fure u noqon lahaa helitaanka NFD. Dabcan inigirrisku isagaa sabab u ahaa gacan u gelinta NFD uu u geliyey Kenya, laakiin in la eryo oo laga dhigto saaxiibka koowaad Talyaaniga oo markaa aan awood badan ku lahayn dalalkii reer Galbeedka waxay ahayd siyaasad aan aad looga fakerin. Wax ay noqon lahayd bana waatii Maxamed Siyaad Barre afgenbiga dalkiiba kula wareegay. Laakiin kornaylku, waxa uu isbarbar dhigayaa markii uu Maxamed Siyaad Barre u saxeexay Mingistu dalkii Soomaaligalbeed iyo NFD oo uu inna leeyahay waxa bixiyey M I Cigaal---bal adba!
 
SNM WAXAY UGU BIIRIWEYDAY SSDF, WAXAY RABTAY IN AY GOOSATO SOMALILAND
 
Waxa aynu wada ognahay in dastuurkii SNM aanay meelnaba kaga qornayn in la gooyo Somaliland. Haba  jireen dareenka shacbiga in badan oo sidaa doonaysay laakiin meelnaba kagama ay qornayn. Kornayl Cabdillaahi,isagoo faahfaahinaya ayuu yidhi: " 1984kii ayaanu kulannay SNM oo uu hoggaaminayey Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuuna igu yidhi, idinku biirimayno oo waxa aanu rabnaa in aanu saxno wixii naga qaldamay lixdankii" Cabdilaahi oo sii faahfaahinaya ayaa waxa uu yidhi, waxa aan la yaabay sida qabiil ugu fikiri karo in uu qabiilooyin kale qabsado oo u taliyo oo ku dooddo waa xuduudihii ingiriiska sidiiyoo ay yihiin carruurtii ingiriiska." Waxa ka keenay erayada csidaas u qallalan ee cka arradan odaynimada, waayaragnimada, soomaalinimada maan garan. Waxa uu Cabdilaahi ka dulbooday, saddexdii guddoomiye ee ka horreeyey Axmed Siilaanyo. Maxay isyidhaahdeen guddoomiyeyaashaa hore ee kala ahaa Yuusuf sh Cali Madar iyo Cabdilqaadir koosaar Ilaahay ha u naxariisto labadoodaba? Waxa la wada ogaa in SSDF ay heshay caawimo millteri iyo dhaqaale kaleba sida uu Kornaylkuba buugga ku caddeeyey. Caawimadaas oo uga timi Liibiya iyo Koonfurtoo Yaman, dabadeed na Cabdilaahi oo ilaa bilaw ilaa dhammaad ahaa guddoomiyihii SSDF uu isku deyey in SNM la hoos keeno maamulikiisa. Si aadana u gilgilay maamulkii curdiunka ahaa ee SNM maadaama oo uu uga soo horreeyey Itoobiya dhaqaale oo xoog bana uu isbidayey. Laakiin tiisii may noqon, ee waxa ay ka doorteen SNM in aanay ku milmin maamulkii Cabdilaahi oo ahaa kelitalisnimo ay kuu caddaynayso sida ay u kala geddisnaayeen maamulkii SSDF iyo SNM. sannadkii 1984kii waxay maraysay SNM guddoomiyihii saddexaad, halka SSDF laga furfiri kari waayey Kornayl Cabdilaahi.
 
Marka uu Cabdilaahi ka hadlayey wadashaqayntii ay SNM yeesheen waxa uu yidhi: "waxoogaa wada shaqayn fiican baa na dhexmnartay SNM, magacii raadyow Kulmis waxa loo bedelay Raadyaw Halgan, dagaaladana annagaa ka caawin jirnay oo ku taageernay cudud millteri. Mar aanu u soo bandhignay SNM ta in la galo Burco, way nagu diideen, waayo cuqdad bay ka qabeen haddii aanu qabanno Burco in ay ku waayi doonaan taageerada dadkooda, oo la odhan doono SSDF baa idiin qabatay" Yaab iyo yaabkiise, xilligaas maynu maqal SSDF baa Gaalkacayo qabatay ama Garoowe, maxaa uga cabbaayey Burco? Xilligaasi waxa uu ahaa markii SNM oo weli taag yari, ay Kornayl, cabdilaahi Askar oo ku xidhnaa miiska saraakiisha ee Hargeysa ay xoogga kula baxeen. Waa markii ay duhur cad jeelkii Mandhhera ka jebiyeen maxaabiistii ku xidhnayd. Dagaaladii gobolada dhexe ee ciidankii Itoobiyaanku la socdeen SSDF ta mooyaane hawlagalladii SNM muddada yar ku fulisay miyey fuliyeen? Iyagoo weliba xoogga intaa le'eg ee taangiyada oo keliyi gaadhayeen 40 taangi haystay. Ilama aha in ciidankii SSDF qaladka lahaa ee maamulka ama hoggaanka oo Cabdilaahi ahaa baa malaa qaladku ka socday. Waxaase buugga ku badan in uu Cabdilaahi mar kasta saxsanaa oo taladiisa haddii la diidanba lagu jabayey haddii la raacona lagu liibaanayey. Waxaase hore loo yidhi, nin kastaba qummanihiisaa qoorta loo sudhay. Buugga meelnaba kagama jirto qalad uu kornaylku galay ama qaldaad uu sameeyey. Waxaana habboonaan lahayd maanta waa nin da' ahe in uu si calool furan uga warramo wixii ku qaldanaa ama ku qummanaa---kollay banii'aadam baynu nahaye.
 
XASUUQII KA DHACAY MUDUG WAXA GEYSTAY SARAAKIILKA SOO JEEDAY BEESHA ISAAQA
 
Runtii, qodobkan waan la yaabay, oo waxa aan ula yaabay in uu beel farta ugu fiiqo beel kale isagoo maanta sagaashan kii ku dhaw, waxa ay iila egaatay wax aanuu ka fiirsan ee uu calooshiisa uun inoo soo bandhigay. In beel loo nisbeeyo dhibaatooyinkii dhacay waxa ay iila egtahay dib u socodnimo, xumaan ka talis, fidna abuur. Waayo, maamulkii Maxamed Siyaad Barre lama odhan karo Mareexaan baa dadka laayey ama Daaroodbaa dadka xasuuqay--waa erey aad u qadhaadh---anigoo aad uga da'yar Cabdilaahi afka ma soo marin karo in aan idhaahdo reer hebelbaa laayey reer hebel gaar ahaan xaaladihii dalku soo maray. Faa'iidada ku jirtaana waa uun isku dir iyo xumaan ka talis. Cabdilaahi si badheedh ah ayuu buugga ugu qoray in xasuuqii loo geystay gobolada dhexe gaar ahaan Mudug ay ka danbeeyeen oo uu u soo igmaday Maxamed Siyaad Barre rag ay ka mid yihiin: Cabdilaahi Askar, Dhegaweyne, Maxamed Kaahin iyo Tansaani, oo ka soo jeeda beesha Isaaqa---qaaq. Waxa uu intaa ku daray: " Maanta nimankaas qaar ka mid ah xor bay dhulka ku maraan iyagoo looba yaqaan mujaahidiin SNM u soo dagaalamay. Markuu ka hadlayey Dhegaweyne waxa uu yidhi jabhadda SSDF baa qabatay, laakiin markii danbe waxa uu u gudbay SNM. Su'aashu waxa ay tahay oo aan Kornaylka weydiin lahaa, Yaa taliye ka ahaa qaybtii 21-aad oo ahayd aagga Gaalkacyo ama gobolada dhexe? Haddii SSDF qabatay Dhegaweyne maxaa u sii deyseen? Ma filayo in uu xilligaas Maxamed Kaahin joogay gobolada dhexe, haba joogaane miyaanay ahayn ciidankii XDS oo amar ka qaadanayey Maxamed Siyaad Barre iyo taliyihii qaybta 21-aad oo ilmaadeeradaa ahaa. Maxaa keenay far ku fiiqidda qabiilka, mase la odhan karaa arrinkaasi waa kii keenay markii danbe in saraakiishii ka yimi SSDF ee isu soo dhiibay Maxamed Siyaad Barre ay Xasuuqa uga geysteen Burco Hargeysa. Kollayba far isku fiiqaas laga wanaagsan weliba nin oday ah oo sagaashankii ku dhow looga wanaagsan dagaal oogis.
 
BURBURKII SSDF WAXA SABAB U AHAA SNM
 
Waxa uu Cabdilaahi kula galgalanayaa asbaabihii burburiyey jabhaddii SSDF in ay kow ka ahayd, SNM oo dabadhilif u noqotay Itoobiyaanka, doonaysayna in ay dalka kala goyso. Waxa la wada ogyahay, khilaafkii cirka isku shareeray ee gaadhsiiyey in saraakiishii jabhadda SSDF, ay u galaan Maxamed Siyaad Barre, intaan laba xidhin Cabdilaahi Yuusuf. Waxa la wada ogyahay dilkii lagu dilay Diridhabe raggii uu ka midka ahaa IHN Cabdiraxmaan Caydiid ee lagu dhaawacay Abwaankii caanka ahaa IHN Cabdi Muxummad Amiin, oo uu shirqoolkaas baadhitaankiisii galay Cabdilaahi laftigiisa. Buuggana kornaylku wuu caddaynayaa in lagu tuhmay dilkaas laakiin aanuu wax lug ah ku lahayn. Waxaa se isweydiin leh muxuu buugga uga leexiyey in uu wax ka yidhaahdo khilaafkii ba'naa ee ka dhexeeyey qaybtii uu hoggaaminayey Cabdiraxmaan Caydiid. Akhristoow waxa aad isweydiisaa, xukunka uu Cabdilaahi hayey ilaa bilaw 1978 ilaa dhammaad oo ay ku dulburburtay jabhaddii SSDF, yaa u sabab ah aan ka hayn Kornaylka laftigiisa oo aan oggolayn in uu wareejiyo xilka---gaar ahaan markii uu isbidey in uu xoogyahay. Isdhiibidda jabhaddii SSDF na isaga oon la xidhin bay bilaabantay, ee yaanuu odaygu isku deyin in uu qariyo. Waana sababta ugu weyn ee Itoobiyaanku ku xidhay, oo ahayd in laga cabsi qabay in uu laftigiisu heshiis hoose la galay Maxamed Siyaad Barre. Qodobkanna waxa uu odaygu muujinayaa, nacaybka uu u qabo SNM. Mise waxa uu ka xunyahay SNM oo aan itaal buuran lahayn in ay heshay magac weyn oo xataa hadhaagii SSDF ay ku soo biireen SNM. Waxaase hubaal ah in SSDF ay samaysay dedaal weyn oo uu baabi'iyey kornaylku "Horta qabo Cabdilaahi oo, bal qof kale ku soo dara" ayuunbay u egtahay garta uu Cabdilaahi isagu isa siinayo.
 
Mar keliya odaygu kama garaabin wixii ay u samaysantay SNM. Iskaba daa garawshiiyo'e waxa uu si badheedh ah u odhanayaa ganacsato iyo jaadlayaal laga xayiray ganacsigoodii baa sabab u ahaa aasaaska SNM. Miyaanay ahayn dad soomaaliyeed dadkii lagu cabudhinayey Burco iyo Hargeysa. Midnimada iyo soomaalinimada ma waxa uu u yaqaan Kornaylku Garoowe iyo Xamar? Mise nacayb kalaa jira. Kollayba buugga aad qortay waxa uu caddayn u yahay nacaybka gaarka ah ee aad u qabto beelaha kale oo dhan aan ka ahayn beeshaada. Taana macnaheedu waxa weeye, in aanaad xataa beeshaada jeclayn ee aad kala qaybin lahayd oo aad qaar ku sheegi lahayd dabadhilif. Gaar ahaan beelaha reer Somaliland oo aad si gaar ah farta ugu fiiqayso, waxay muujinaysaa nacayb aan hore loo hayn caddayntiisa. Laakiin maanta waad u sheegtay Burco iyo Hargeysa halka aad ka taagantahay iyo guud ahaanba beelaha soomaalida oo dhan. Kala gurka iyo isku dirka, iyo nacaybka aad buugga ka buuxisay u malayn maayo in uu wax ka bedelayo aragtidii lagaa qabay ee ahayd Cabdilaahi Hagardaamo, oo aad buuggaba u bixisay---kuna habboon.
 
GEBAGABO
 
Waxa aan ka soo qaatay uun dhawr qodob, laakiin waxa aan hubaa dadka buuggan akhriyaa in ay aad ula yaabi doonaan. Buugga muuqaalkiisa wanaagsan iyo matagga ka buuxa isma daboolayaan. Laakiin, wax badan oo laga faa'iidayaana waa jiraan, oo xogo farabadan oo ku saabsan Afgenbigii Maxamed Siyaad Barre, dagaalkii Somaligalbeed, afgenbigii Cirro, ilaa shirarkii ugu danbeeyey ee intii ka danbeysay burburkii jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Waxa aan runtii ka faa'iiday taariikhda ku xeeran xabsigii uu Cabdilaahi soo maray ee Itoobiya iyo sidii uu uga soo baxay. Buugga aad buu ugu habboonyahay magaca Hagardaamo iyo Halgan ama Halgan iyo Hagardaamo oo labadaba waad kula kulmaysaa. waxaase laga yaabaa in magaca si kale loola jeeday. Waxaase la yidhaahdaa "magac bilaash uma baxo"----Hagardaamooyinkii iyo Halgankii Cabdilaahi ayeynu ugu yeedhi karnaa buugga. Waxa kale oo farxad ah in uu Cabdilaahi bilaabay buugga jaadkaas ah oo ay muhiim tahay in oday kasta iyo siyaasi kastaaba uu qoro wixii uu u soo joogay so jiilalka danbe u helaan buugaag farabadan oo laga dhex heli karo kii saxa ahaa. Waayo, waa hubaal in qof kastaaba aragtidiisa uu ku dari doono qoraalkiisa, waxaa se ku jiri doona taariikh iyo arrimo u baahan faahfaahin. Kornayl Cabdilaahi waxa uu carinayaa maskaxda odayaasha iska hurda ee aan weli qorin wixii ay u soo joogeen. Barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen. Nin  la sugayoow adna yaad sugi.
 
TALO
 
Waxa aan kula talinayaa inta jecel in ay wax qoraan oo dhaxal ka tagaan, in ay ka fikiraan dhanka wanaagsan. Odayaasha taariikhda badan haya, yaanay ku meeraysan tan beelaha. Saancaddaalihii reer Yurub ayaa marka ay wax qorayaan, qaabkaa u qori jiray, taasoo aan odhan karo ilaa maalinkaa maanta waxa aynu garan la'nahay ee jahawareerka innagu haya, ee jacaylkii soomaalinimada meesha daran ka tuuray waa ka mid qoraaladaasi. Haddii odayaasha wax qorayaana sidan, Kornayl. Cabdilaahi ay wax u qoraan, waxa ay sii kala kaxayn doonaan jiilalka danbe. Sidaa darteed, waxa habboon wax if iyo aakhiraba aad ku liibaanayso in aad qorto, waa dhaxale--- aad dhaxal fiican uga tagto dadka soomaaliyeed meel kastaba ha joogeene. Ugu danbayn waxa aan tebayaa IHN-tee Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo dad badani isku raacsanyihiin in uu ahaa oday samotalis ah, jecel soomaalinimada oo ay ka dhab ahayd, Maxamed I Cigaal, Maxamed Faarax Caydiid,  Cabdiraxmaan Axmed Cali, Sh Yuusuf Sh Cali Madar, Cabdilqaadir Koosaar, iyo in kaloo badan oo ahaa tiirar taariikhda waxbadan ka ogaa. Qoraalka ha lagu dedaalo. Hana lagu dedaalo qoraal faa'iido leh, mid aan dadka kala geyn ee isu keena, yaan la buunbuunin qabyaaladda gurracan.
 
Wa Billaahi Tawfiiq
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se
Sweden
 
 
 
 
              




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.