Fortsätt till huvudinnehåll

Dugsigii sare ee Sheekh iyo kacdoonkii la xidhiidhay, gadoodkii ardayda Hargeysa 1982kii. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey 18-02-2008


FG: Qoraalkani waxa uu ku soo baxay mareegaha gu'gii 2008.





Sida ay dad badanba wax ka qoreen, maalinta 20 bisha labaad ee sannadkii 1982kii waxa ay ahayd maalin ka tilmaaman maalmaha. Waxa ay maalintaasi u suntan tahay dadkii sida gaarka ah ay taabanaysay dhibkii iyo dhibaatadii maamulkii keligii-taliska ahaa uu gaadhsiiyey.




Waxa ay ahayd maalin si gaar ah ugu suntan ardaydii dugsiyada. Waxa ay ahayd maalin si gaar ah ugu calaamadsan, dhallinyarada. Waxa ay ahayd maalintii lagu dhiirraday in laga gilgilan karo cadaadiska iyo cagajuglaynta. Waxa la soo maray halgan dheer oo inta badan lagaga sheekeeyo in lala galay gumaysigii Ingiriiska. Waxa yaab ahaa in halgankaas dheeraa ee sida qiirada ah loo soo maray, ee saanacaddaaluhu dalka ka talinayey, aanay marnaba ka dhicin wixii ka dhacay goboladdii Waqooyi (Somaliland) xilliyadii siddeetamaadkii.


 
Qalinka umaan qaadan in aan dhibkaa wax ka idhaahdo, ee waxa aan la soo hinqaday, markii aan arkay qoraallo qiimo leh oo wax ka taabtay maalintaas iyo raadkii uu ku yeeshay dadka. Magaalada Hargeysa ayaa noqotay goobtii dhinbiishaasi ka soo hurtay. Waxa ay dhinbiishaasi markiiba gaadhay ardaydii Dugsigii sare ee Sheekh. Horraantii bishii Maarij 1982kii ayey ahayd markii ay goor habeenimo ah oodda soo jebiyeen ardaydii "Boodhinka" ee Dugsigii sare ee Sheekh. Habeenimadii, waxa ay ardaydii sii xoog ah ku qabsadeen saldhigii Booliska ee magaalada Sheekh. Waxa ay ka talinayeen magaalada ardaydu, muddo ku siman shan saacadood. Waxa xusid mudan in markii Boolisku ka yaaceen saldhigii ay u qaylo-dirteen Ciidankii xoogga dalka ee xerada Mileteriga. Balse taliyihii xilligaa ka talinayey xerada milleterigu uu diiday in uu ciidan u soo diro, isagoo ku canaantay in ay hawshaasi tahay hawl uu boolisku leeyahay. Sarkaalkaas oo sabab taa awgeed loo xidhay markii danbe.

   
Subaxnimadii ayaa weerar lagu soo qaaday dugsigii, oo ciidan milliteri ah oo hub culus ku hubaysan ay isku wareejiyeen. Waxa laga dhigay ardaydii maxaabiis aan ka soo bixi karin Dugsiga. Muddo bil ku dhowaad ah ayey ardaydii maxaabiis ku ahaayeen Dugsiga dhexdiisa oo aan la oggolayn in laga baxo. Halkaas ayaa u ahayd hoy ay seexdaan, wax ka cunaan, muddadaa bisha ahayd.



     Waxa aan hubaa in ay akhriyi doonaan dad badan oo dhacdadaas xasuusan, oo laga yaabo in ay ku jireen Dugsigii Sare ee Sheekh xilligaa. Dareenkii maalmahaas waa mid aan maanta qoraal lagu soo koobi karin, waxa uu ahaa kacdoon dhab ah. Waxaase dilay macangag iyo macangag kalkaal, markii maamulkii keligii taliyeha ahaa uu go'aansaday in la laayo oo halkiisa lagu dilo qofkii mar danbe lagu arko kacdoon noocaas oo kale ah. Hadda gara'oo waa carruur dadka kacdoonka samaynayay, ee dilka lagu xukumay. Waxa aan ka mid ahaa ardaydii xilligaa ku jiray Dugsiga Sare ee Sheekh. Waxa ay taariikhdaas oo kale faa'iido u tahay dadka maanta nool in ay fahmaan qaabka ay yeelan karto haddii dadka la cabbudhiyo. Xilli kasta ha gaadho, wakhti kasta ha qaadato, dadku mar uunbuu oodda jebiyaa. Sidaa awgeed dadka maanta xilka hayaa ha innoo jeexaan waddo dhaanta tii hore.

Qofkii haya taariikhdii oo sugan, maalintii ardaydii Dugsiga sare ee Sheekh ay gadoodeen ee heeryada tuureen, emailkan ha iigu soo diro. Taariikhdu dadkay hagtaa!.


dhegey2013@gmail.com
Qore: Sayid-Axmed Dhegey
18-02-2008
Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.